Beec aan ka noqosho laheyn lama saxi karo
1da Febraayo 2009, Dowladda Federaalka KMG Soomaliya ee Mbagathi (DFKS-M) oo
lagu barxay Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya Garabka Jabuuti (IDXS-J) waxay
u xuubsiibatay Dowladda Federaalka KMG Midnimada Qaranka ee Jabuuti (DFKMQ-J)
magacaaso loogu tala galay marin habaabin. Muddada xukunka DFKMQ-J waa 32 bilood
inkastoo ay si kordhisan karto madaama la bartay marmarsiyaha la jiifiyaana
bannaan. Afar fadeexo ayaa dilay ama sharci darro ka dhigay DFKMQ-J. Kow, sida ku cad
qodobka 32 lambarrada (1,4) ee Axdiga KMG, muddada Barlamaanka Federaalka KMG
Mbagathi waxay tahay 5 sano oo ku eg September 2009. Axdigu wuxuu si cad uga
reebay awoodaha Barlamaanka inuu isu kordhiyo muddada ama ansixiyo Barlamaan ka
dambeya oo aan ku imaan doorasho. Sidaa darted, ma jirto awood Barlamaan KMG ah
u leeyahay inuu isu kordhiyo 2 sano, Isla markaana ansixiyo Barlamaan KMG ah ee
cusub oo ka kooban 550 xildhibaan. Labo, ku shubashada doorashada Madaxweynaha
kaddib markii IDXS-J la yiri soo qorta 200 xildhibaan oo idiin codeysa. Saddex,
Barlamaan qabyo ah oo doortay Madaxweyne. 75 xildhiban oo u dhiganta 14 %
xubnaha barlamaanka ayaan la magacaabin ama Beesha Caalamka diiday inay ka qayb
galaan Barlamaanka cusub iyo Doorashada Madaxweynaha ee DFKMQ-J sababo lala
xiriirinayo mu’aamarad. Afar, Laalushidda Guddoomiyaha Barlamaanka Mbagathi oo
loo ballan qaaday in loo dhaafayo jagadiisa si uu Barlamaankii hore uga soo raro
Baydhabo una keeno Jabuuti. Fadeexadahaas waxay galayaan taarikhda siyaasadda
Soomaliya, waana tusaale iyo dhaqan raadreebkiisu aad u xun yahay. Jaahwareerka haysta Shacabka Bartamaha iyo Koofurta Soomaliya waxaa ka mid ah
hoggaammada isbarbar socda oo qaarkood Beesha Caalamka sharci ka dhigeyso, qaar
kalena ay xaraantimeyneyso. Hoggaammada ka madaxbannaan DFKMQ-J ee ka jira dalka
gudihiisa waxaa ka mid ah Golaha Culumada Islaamka Soomaliyeed, Midowga
Maxaakimta Islaamka, Ururka Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya Garabka Asmara
(IDXS-A), Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Ururka Al Shabab, Xisbul Islaam iyo
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye. Dhammaan waxay u taagan yihiin hogaan
diined iyo mid siyaasadeed. Sidaa darted, saansaanka mustaqbalka Dowladda cusub
waa guuldarro ku habsatay dadka ku tabaaloobay halganka Dib u Xoreynta
Soomaliya. Dowladda DFKMQ-J ma ahan dowlad qarameed iyo mid gobolled toona. Waa haykal
magac u yaal ah oo xoogag kala duwan u adeegsanayaan ujeedooyin kala duwan.
Xaqiiqadu waxay u dhowdahay in ujeedooyinka ka dambeeyay dhismaha Dowladdu cusub
aysan ka mid aheyn dhismo xukun Shacbigu raalli ka yahay, dib u heshiisin iyo
dib u dhiska dalka Soomaliyeed. Murtidu waxay ku soo urureysaa in beec aan ka
noqosho laheyn dhexmaray 2 Sharif iyo Axmed Ould Cabdalla, Wakiilka Xoghayaha
Guud ee QM, lamana saxi karo. Labadii garab oo ka soo kala go’ay kooxdii ay ka
kala tirsanaayeen- DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-2Sharif, waxaa dariishadda laga
saaray garabkii DFKS-M-Nuur Cadde markii la isku ballan furay. Sidaa darted,
DFKMQ-J kama koobna labo dhinac oo nabad ku heshiiyay ee waa dhinac xukun looga
qaaday dhinac la gartay in shaqada laga fariisiyo sababo la og yahay iyo kuwo
dahsoon. Doorashada Madaxweynaha kaddib, Jagada Ra’iisul Wasaaraha waxaa la siiyay
sarkaal ka tirsanaa dhinicii DFKS-M ee ka soo horjeeday ama qaadacay wada
hadalladii Jabuuti ee u dhexeyay DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-J-2Sharif. Jagooyinka
muhiimka ah ee IDXS-J xulatay waxaa ka mid ah 2 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen,
Wasaaradaha Maaliyadda iyo Lacagta, Gaashaandhigga, Amniga, Qorsheynta iyo
Iskaashiga Caalamiga ah, Garsoorka, Arrimaha Gudaha[1], Kallumeysiga iyo
Kheyraadka Badda, Arrimaha Qoyska iyo Haweenka, Dastuurka iyo Arrimaha
Federaalka, Hiddaha & Tacliinta Sare. Jagada Wasiirka Arrimaha Dibedda waxaa la
siiyay xubin aan ka tirsaneyn dhinacyadii wada hadalku dhexmaray. Xulashada
Wasirrada waxaa lagu saleyay hellanaan (loyalty), abaalmarin, raalli gelin, iyo
is gaashanbuureysi. Inta badan Wasaaradaha iyo aqoonta, waayo-aragnimada
Wasiirrada loo magacaabay aad ayey u kala fog yihiin marka laga reebo dhowr
Wasaaradood. Dareenka guud ee dhismaha Dowladda cusub dhaliyay sida ka muuqata
farshaxanka Amin Caamir wuxuu yahay kaaf iyo kala dheeri, musuqmaasuq iyo fowdo
aafa ku ah Shacabka. Dhismaha Golaha Wasiirada wuxuu daaha ka qaaday loolanka siyaasadeed ee socda.
Waxaa Golaha Wasiirrada laga fogeeyay xubnaha Midowga Maxaakiimta Islaamka
(MMI). Guddoomiyaha kooxka la baxday Barlamaanka Xorta ee IDXS-J, ahna Wasiirka
cusub ee Maaliyadda oo inta badan aragti iyo siyaasad ahaanba ku dhow aragtida
iyo siyaasadaha Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali
Maxamed Geedi waxay xurguf kala dhexeysay Kooxda Maxaakiimta Islaamka oo Sheikh
Sharif Sh Axmed Madaxda ka ahaa. Madaama Sh Sharif Sh Axmed ku qancay inay dantu
ugu jirto inuu ka fogaado Kooxdii Maxaakiimta Islaamka oo lagu tilmaamay xag jir
marka laga reebo asaga, Wasiirka Cusub Maaliyadda Sharif Xasan Sh Aadan wuxuu
helay fursad uu ku fogeeyo Xubnaha Midowga Maxaakimta Islaamka, kuna soo
dhoweysto, kuna abaalmariyo kaalkaaliyayaashiisa. Tirada xubnaha ka socda
Maxkamadaha Islaamiga ah oo dowladda cusub ku jira kama badna 4 qofood oo xul
gaar ah. Ka fogeynta MMI Golaha Dowladda waxay kaloo waafaqsan tahay hadalkii
Madaxweynaha DFKMQ-J Sh. Sharif Sh. Axmed u sheegay Wakiilka Ururka Afrika kaaso
ahaa in dowladda uu dhisayo ay noqon doonto dowlad cilmaani ah. Sida Beesha Caalamku shaki weyn uga qabto Hoggaanka Dowladda cusub oo lagu
bartay isbeddelo badan, laguna tuhunsan yahay inuu damacoodu hoggaaminayo, ayaa
Culumada Islaamka Soomaaliyeed waxay muujiyeen shakiga ay ka qabaan. Culumo ka
socota Gobollada dalka oo dhowaan ku shirtay Magaalada Muqdishu ayaa durba ku
dhaqaaqday is abaabul si ay DFKMQ-J uga weeciyaan khadka siyaasadeed ee lagu
tala galay inay ku socoto. Culumadu waxay dhisteen Golaha Culumada Islaamka
Soomaliyeed kaaso caddeeyay si aan leex leexad laheyn in DFKMQ-J aysan sharci
aheyn, waxayna soo bandhigeen go’aanno kala ah: (1) In shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka; go’aankaas wuxuu ka soo horjeeda
qaabka iyo Mabaadi’ida asaaska u ah dhismaha DFKMQ-J; (2) In Ciidammada AMISOM laga saaro dalka, kuwo cusubna aan la keenin; DFKMQ-J
waa ka soo horjeeda go’aankaas. (3) In khilaafka dhex yaal kooxaha Soomalida oo kala ah (I) Mucaardka noqday
Dowladda Federaalka KMG Midnimada Qaranka ee Jabuuti (DFKMQ-J) iyo (II)
Mucaardka gudaha ee isku magacaabay Maamulka Maxaakimta Islamka/Xisbul
Islaami/Al Shabab Soomaliyeed (MMIS) lagu dhammeyo wada hadal iyo nabad.
Culumadu Guddi ayey u magacowdan dhexdhexaadinta dhinacyada is khilaafsan.
DFKMQ-J waxay rabtaa in loo aqoonsado dowladda ka talisa dalka, lana adeeco. (4) Inay xaaran tahay dilka iyo gaaleysiinta qof Muslim ah, lana joojiyo
ficilladaas. Saddexda qodob ugu horreya waxay tusaale u yihiin in DFKMQ-J haysan kalsoonida
Culumada. Welwelka ka muuqda war murtiyeedka Culumada Islamka Soomaliyeed wuxuu
khilaafsan yahay xafladaha soo dhoweynta qurbajooga. Ka cambaareynta Dowladda Eritrea Magaalada Addis Ababa waxay aheyd tallaabo is
miidaamin ah ee Dowladda cusub ku dhaqaaqday. Dowladaha Eritrea iyo Qatar waxay
u eedeysan yihiin taagerada Dib u Xoreynta Soomaliya. DFKMQ-J kama hadlin wax ka
qabashada mas’uuliyiintii DFKS-M oo ka qayb qaatay xasuuqa iyo boobka shacabka,
mana codsan heer caalami ah baarista iyo wax ka qabashada dambiyada dagaal iyo
xadgudubyo Ciidammada Ethiopia iyo kuwa DFKS-M geysteen. Sidoo kale DFKMQ-J kama
hadlin dadka la la’yahay ama xasbiyada ku jira. DFKMQ-J kuma dhawaaqin
hirgelinta barnaamij lagu xusayo Geesiyaasha ku geeriyooday halganka dib u
xoreynta dalka, laguna taakuleynayo aqoontii iyo dadkii wax ku noqday iyo kuwii
ku barakacay halgankaas. Dowladda Ethiopia waxay Magaalada Addis Ababa taallo
uga dhiseysaa ciidammadii xasuuqay Shacabka Soomaliyeed. Waxaa halkaas ka muuqda
in DFKMQ-J ka fog tahay ama u taagneyn difaaca xaqa, danaha iyo dareenka
Shacabka Gobollada Bartamaha iyo Koofurta Soomaliya. Dowladda cusub oo qabyada ah waxay ka kaboon tahay Madaxtooyada, Barlamaan dhan
550 xildhibaan, Golaha Wasiirrada oo gaari doona ilaa 108 xubnood, Maleeshiyo
hubeysan iyo shaqaalihii Dowladdii Mbagathi (DFKS-M) oo tiradoodu qiyaas ahaan
kor u dhaafeyso 14,000, iyo xoogagga cusub ee IDXS-J oo noqon doona 5,000. Ma
cadda in Beesha Caalamku taageri doonto dhismaha Dowlad ka kooban 36 Wasaaradood
ayadoo Ra’iisul Wasaarihii hore Nur Cadde laga diiday taageridda Dowlad ka badan
18 Wasaaradood. Tirada xad dhaafka ah ee isugu jira Maleeshiyo, Barlamaan, Wasiirro iyo
shaqaalaha Dowladda cusub waxay horseed u noqon kartaa nabadgelyo xumo ballaaran
oo ka dhacda Muqdishu iyo deegannada ku dhow waayo Shacabka Muqdishu ma masruufi
karo Madaxdaas iyo maleeshiyad hunguri doon ah oo hubeysan, diyaarna u ah inay
dhacaan masaakinta. Shacab gaajeysan oo u baahan gurmad cunto ma bixin karaan
lacag baad ah oo lagu tilmaamayo canshuur dowladeed. Lacagaha baadaha ka sokow, dhibaatooyinka dowladda cusub la imaan karto waxaa
mid ah daabacaadda lacag been abuur ah, bixin ruqsado sharci darro ah, gadidda
hantida Qaranka oo dadkii masaakinta ahaa laga saaray iyo carqalateynta howlaha
dhaqaalaha iyo bulshadeed ee Gaarka ah (private businesses). Dhakhliga Dekedda
iyo Garoonka Diyaaradda Muqdishu iyo kaalmada dibedda waxaa lagu maamula hab ka
baxsan nidaam dowladeed. Maalmahaan warbaahintu waxay sheegeysa in la gadayo
Gurigii Safaaradda Soomaliyeed ee Dalka Jarmalka. Bulshada Muqdishu waxaa la gudboon inay wada jir iska kaashadaan difaaca hantida
uga badbaaday boobkii iyo burburkii ay ciidammadii Ethiopia iyo Maleeshiyada
Dowladda Federaalka KMG ah u geysteen. Ficilladii DFKS-M oo ahaa bililiqada
hantida gaarka ah ee Bulshada Muqdishu iyo dhaca dadka Maatada ah waa socon
doonan haddii uusan dadweynuhu wada jir uga gaashaaman. Dowladaha ku amar
taagleynaya Bartamaha iyo Koofurta Somaliya waa dowlado maqaar-saar ah oo
dulsaar ku ah deegaanka oo aan dan ka laheyn xaqa iyo maslaxadda dadka
deegaanka. Maslaxaddu waxay ku jiirta in dalka Soomaliya laga dhiso nidaam dowladeed oo leh
gogol saar qaybaha iyo Wakiillada Shacabka Soomaliyeed ka qayb qaataan si furan,
inta badan raalli ka tahay, kontrool ku leedahay, isla markaana kalsooni gelin
kara Beesha Caalamka. In ka horreysa, Wax garadka Bartamaha iyo Koofurta
Somaliya waa inuu ku dadaalo ilaalinta nabadgelyada iyo is af garad dhexmara
hogaammada is barbar socda si xasillooni loo helo, looguna gudbo gogol saarka
nidaam dowladnimo oo haysta kalsoonida dadka uu matalayo. Dr. Maxamud M. Culusow
mohamuduluso@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2009 |