SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAAHID

Cilmigu wuxuu ku burburaa dhimashada caalimka !!!!!

I naa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun ,waxaa xalay gurigiisa oo ku yaalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Shiikh Ibraahim Maxamed Cali oo ku magac dheeraa shiikh ibraahim suuleey.wuxuu shiikhu ahaa caalim ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee caanka ah wuxuuna maray meeshii ay mareen Shiikh Maxamed macallin saaxiibkiis ,shiilkh Cali suufi iyo shiikh Nuuradiin cali colow oo intuba ahaa culumadii Soomaaliya ugu caansana lixdameeyadee ilaa sideetameeyadii.

Maxaan ku xasuusan karayaa macallinkeyga Shiikh Ibraahim suuleey:

Waxay aheyd dhamaadkii bishii November, 1978 markii nalaga xiray casharkii tafsiirka ee ka bixi jiray Masaajidka Arbaca Rukun oo uu Akhrin jiray macallinkeyga Shiikh Muriidi.

Habeenkaas nalaga xiray casharkaas tafsiirka ooy ku xirnaayeen dhallin fara badan ayaan inteenii badneyd u wareegnay cashar aad u weyn uu bixin jiray Shiikh Ibraahim Suuleey oo uu ka akhrin jiray masaajidka weyn ee Marwaas, casharkaas oo ahaa kitaabka xadiiska iyo aayadaha soo aruurshay ee Riyaadul Saalixiin oo uu qoray caalimka weyn ee shaaficiga ahaa abuu Zakariyah Yaxya ibnu Sharafudiin Alnawawi.

Casharkaas wuxuu caanku ahaa in uu baxo salaadda Maqrib kadib oo masaajidku uu camirnaan jiray dad waaweyn oo u badan ganacsato iyo ardeydeenii ka soo jabtay Arbaca Rukun. Macallinku wuxuu ahaa mid diyaarsan aadna u soo diyaarin jiray Casharka .

Waxaanan marna hilmaameynin ereyadiisii xoogga lahaa ee ay ka mid ahaayeen ( WAAR NA KEEN NA KEEN) Markuu fasiraayey xadiiskii dheeraa ee Riyada Rasuulka ee labada malag dheelmiyeen ee mar kasta ay soo noqnoqoneysa Ereyga ( WAAR NA KEEN NA KEEN).Waxaan kaloon hilmaameynin mar hooyadey ee ii diiday in aan Salladda subax u jarmaado masaajid iga dheer ooy i tiri sow tuugga ku dishee, xataa haddad aadeyso saacadda iska dhig ha qaadanine, anigoo ka murugeysan arrinkaas ayaan habeenkii danbe shiikha ka meersaday axaadiista sheegeysa Shuhadada ummadda islaamka oo ku tilmaameysa lix shahiid oo uu ka mid yahay ( MAN QUTILA DUUNA MAALIHI FAHUWA SHAHIID) Taas oo murugadeydii iga baabi,isay oon Hooyadey kula dooday wax Shahiidnimo ka fiican oon sameyn karaayo ma jirto.

Waxaan kaloo Skiikheyga ku xasuustaa khudbaddii Salaadad jimcaha ee siigaale taas oon meel dheer ka soo aadi jiray si aan u dhageysto. wuxuuna ahaa Shiikha kaliyah ee khudbadda Af carabiga korka ka akhrin jiray, waxaa soo labeeyey caalimka kale ee Shiikh Maxamed Nuura diin Al-Qawi ee masaajidada xaafadda shibis dhamaadkii toddobaataneeyadii asaguna ka jeedin jiray khubaddo islaami ah oo qiimo badan.

Sidoo kale Akhrinta dheer iyo habsaminida salaadda oo lagu xasilo ayuu caanku ahaa Allaah yarxamuh arrimahaas iyo kuwa kale oo fara badan ayuu caanku ahaa.

Horaantii sideetameeyadii ayuu Adeerkay Shiikh Cali Darwiish jecleystay in uu Shiikheena Shiikh Ibraahim Suuleey uu akhriyo kitaabada kale ee umuhaatul sita haba ugu horeeyee kitaabka caanka ah ee AL-Bukhaari se inta aan ogahay arrinkaas ma suurtoobin.

Shiikhu wuxuu kaloo caanku noqday asaga iyo saxiibkiis Shiikh Maxamed Macallin in ay u guntadaan dibisheshiisiinta iyo nabadeynta ummadda Soomaaliyeed markii uu burburku dhacay bilaawgii sagaashameeyadii ayagoo ka faa,ideysanaaya caalimnimadoodii iyo caannimadoodiiba, Taas oo keentay in ay dab badan damiyaan Allaah ha u naxariisto kuligood hana ka abaal mariyo camalkoodaas suuban.

Shiikha wuxuu ka tagay cirib fiican oo uu ka mid yahay wiilkiisa caamka noqday ee shiikh Maxamed shiiikh Ibraahim suuleey oo ahaa afhayeenkii Maxaakiimta.

Waxaan maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa xadiiskii Rasuulka ee ahaa ( Allah cilmiga ma koryeelo oo ma qaado ee wuxuu ku qaadaa dhimashada Caalimka ) ama sidaas oo kale ayuu yiri.

Allaah ha u naxariisto Shiikheyga Shiikh ibraahim suuleey janadii firdowsana Allah ha galiyo allena ha ku xariirsho kuwii fiicnaa ee Nabiyadda ,Sadiiqiyiinta ,Shuhada iyo Saalixiintaba kuwaas ayaa saaxiibo ugu fiican.

Fii amaani laah

Shiikh Sahid Maxamed Yusuf

Nayrobi ,kenya

sahid_yusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS