Madaxwayne C/raxman Shekh Max’ed Farole ,C/risaaq Wiilcadde
Waxaan kamid ahay shacabka kudhaqan puntland , mudooyinkii dambe laga billaabo
2005 illaa wakhtigan lagu jiro 2009 waxaan jogay Caasimada maamul goboleedka
puntland,
xilligii uu joogay madaxwaynihii hore C/laahi yusuf Axmed waxaan jogay laba
magaalo oo kala ah Boosaaso iyo Gaalkacyo , oo labaduba kamid ah Magaalooyinka
ugu waawayn ee ay leedahay Puntland ,
Waxaan kaloon taagnaa oo aan joogay Doorashadii kadhacday Caasimadda Maamul
Goboleedka Putnland ee Garowe Taariikhdu markii ay ahayd 8 January 2009 ,
Habka ay udhacday Doorashadu waxay ahayd hab run ahaantii wanaagsan marka laga
eego Sadex Qodob ,
Qodobka Koobaad oo ahaa isbadal, taaso shacabka rer puntland ay aad iyo aad u
danaynayeen , hadii ay dalka jogaan iyo hadii ay dalka dibaddiisa joogaan ,
Qodobka labaad waxaa uu ahaa habka ay udhacday doorashada oo ahaa hab run
ahaantii nabadgalyo , waxaa lasameeyay ciidan nabada iyo xasiloonida ilaaliya
intii lagu jiray doorashada , markii ay doorashadii dhamaatay maalintii
khamiista ee ay bisha January ahayd 8 , waxaa dhacay isusoobax dadwaynuhu
sameeyeen oo ay kutaageerayaan madaxwaynaha cusub C/raxmaan Sheekh Maxamed
Faroole ,
Qodobka Sadexaad oo isagauna ahaa Madaxwaynaha ladoortay laf ahaantisa oo si
wanaagsan loogu qancay , Shaqsi kastana uu utahniyadaynayay hadii uu jogo dalka
iyo hadii uu jogo dalka dibaddiisa ,
Hadii aan sooqabsado qodobka ugu dambeeya ee ah Madaxwayne C/raxmaan , waxaa
dhacday maalintii jimcaha ahayd bisha January ay ahayd 9 waa maalintii
doorashada maalintii kadambeeysay e in uu iska taagay Masjidka wayn ee Garowe
kuyaal lana yiraahdo Masjidu saxaaba , kadib markii latukaday Salaadii jimcaha ,
arrintaasi kolley aniga waxay igu ahayd arrin cusub , waayo maanan arkin mana
maqlin Madaxwayne
ka iskataagay masjid dhexdii oo dadkii wacyi galinaya una sheegaya anshaxa iyo
falalka suuban , iyo waliba ayadoo ladoortay shalay oo kale , waxaan oran karnaa
ama ay tahay waa ficil madaxwayne sameyo kii ugu horreeeyay , arrintaasi maahan
maalintaa kaliya ee waxay dhacday dhawr goor oo kale oo kadambaysay jimcahaas ,
Dhanka waxqabadka ,
Madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Waxaa uu madaxwayne yahay mudo 40
Cisho ah waxaa xaqiiqa ah mudadaas maalmaha ah ee uu madaxwaynaha ahaa in
waxbadan oo ballaarani ay isabadaleen , ha’ugu horreeyo amniga guud ee magalada
Garowe taasoo u ah xarun Maamul goboleedka puntland
Madaxwaynuhu waxaa uu mar labaad iska taagay masjidka waxaa dhacday inuu
kahadlay arrin kusalaysan ammaanka taasoo uu gundhig uga dhigay in ay jiraan dad
hubaysan oo magaalada gudeheeda hub ladhex maraya taasoo uu amar kubixiyay cidii
hub lagu arkaa ayadoo haysata oo ladhex wareegaysa magaalada gudeheeda in lagana
qaado qoriga oo ay kala wareegto dawladda kii laga qaadayna xabsi lootaxaabo
ficilkaasi waa uu fulay wacyigalin kadib marqura ayaa waxaa soobaxay ciidan
safballaaran kusocda oo qof allaale iyo qofkii ay hub ku’arkaan kadhigaya
isagana utaxabaya xabsi taasoo keentay in dad badan oo hubaysnaa inta lagu
qabtay laxiray , waxaa magaalada kadhamaaday gudeheeda hub qofka wataa inuu
ciidanyahay iyo inuu shacab caadi ah yahay aan lakalagaranayn ,
Arrinta kale oo run ahaantii haykal madaxnimo muujinkarta waxaa kamid ah
xafiiskii madaxtooyada puntland oo aad kagarankarto in ay tahay xarun
madaxtooyo, laakin markii hore aan loogaran Karin in ay tahay madaxtoyo in qofka
agmaraya latuso oo loosheego maahee , laakin hader qofku marka uu arko sida
bilicsamida ah iyo calanka jamhuuriyada oo kataagan iyadoo aan loosheegin ayuu
fahmayaa in ay tahay meeshaasi meesha uu fariisto madaxwaynaha dawlad goboleedka
puntland ,
Madaxwaynuhu waxaa uu safar kutagay magalada boosaaso waxaa uu shir laqaatay
madaxda puntland iyo ganacsatada waxaa kale oo uu kor meer kumaray dhamaan
goobihii adeega bulshada oo dhan waxaa uu tagay goob dadka laga tahriibiyo , oo
ah goobaha khatarta ugu badan ay
kala kulmaan dadka soomaalida ah dagaalada kadib ,
Taasoo aysan jirin masuul si toos ah utagay meeshaas markii laga reebo madaxwayn
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ,
Markii uu kasonoqday Boosaaso kadib waxaa uu safar kale kutagay Xarunta Gobolka
Mudug ee Gaalkacyo , Madaxwaynuhu waxaa uu tagay meelo badan oo kamid ah gudaha
magalada gaalkacyo , waxaa kamid ahaa meelaha uu tagay Cusbitaalka magalada,
Taliska ciidanka booliska, ayraboorka, xeryihii ciidamada, iyo dhamaan goobaha
adeega bulshada oo dhan ,
Madaxwaynuhu waxaa uu shir laqaatay odayaasha iyo ururada haweenka iyo
aqoonyahanada dhamaan gobolka mudug isagoo aan kalasaarin , waxaana uu aad iyo
aad uga hadlay sidii amniga wax looga qaban lahaa , marka amaanka laga hadlayo
dhanka mudug waxay ahayd meelaha amniga xagiisa laga dhaliilo , ayadoo ay sidaas
tahay ayuu madaxwaynuhu waxaa uu lakulmay qaybaha ay kakoobantahay magaalada
gaalkacyo oo ah waqooyiga iyo koonfurta waxaana uu isu soodhaweeyey labadaas
qaybood ee ay kakoobantahay magalada gaalkacyo isagoo mihiimadiisu ay ahayd
sidii amniga guud ee gobolku u noqon lahaa mid sugan ,
Booqashada madaxwaynaha magalada gaalkacyo ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay tahay
mid run ahaantii noqon karta wax ku’ool rajo la’aan badan oo laga qabay xaga
amnigana ubadashay rajo lahelo tii igu fiicnayd ,
C/risaaq Wiilcade
Tel: 00252 90 747473
Punt land
Garowe
tirmidi1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2009
|