SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ninba Daliil buu la yimide yey wax u Duugan yihiin?

(dadkaanu dowlad waa rabaa waxaase diidan duul qarsoon)


Nin aan weligii arag meel lagu dukanayo salaadda maalinka ciidda la dukado ee sunadda ah ayaa waxa uu soo xaadiray masjid lagu dukan rabay labada rak'co ee sunnadda ah ee maalinkaa, Imaamkii markii uu salaaddii xirtay dadkii kalana iyana xirteen ayuu isna dhankiisii ka xirtay salaaddii, sida aan wada ogsoon nahay xirashada salaaddaasi way ka duwan tahay salaadaha kale ee waajibka ah iyo waliba kuwa sunnadda ah, rakcadda koowaad waxay leedahay todobo Takbiir (7 Allaahu Akbar), markii uu imaamkii bilaabay takbiirtii ayaa ninkii oo garan la' macnaha takbiirta ka duwan salaadihii uu horey u dukan jiray ayaa inta uu soo jeestay la hadlay dadkii salaadda ku guda jiray oo yiri "halkee ayay salaaddu iska qaban la' dahay?", waxa uu ninkaasi la yaabanaa takbiirta dhowrka xabo ah ee is xigtay, kana duwan salaadihii uu horey u dukan jiray kuwaas oo ku koobnaa hal takbiir oo keliya. Sidaas oo kale waxaad beri ku arki jirtay si ka duwan sidii aad ku taqiinay markaad la kulanto sababta keentay isbedelka, iyadoo laga yaabo in ay kugu adkaato in aad si fudud ku qaadato farqiqa kala duwanaasho ee laguu sheegay.

Marxaladda cusub ee maanta uu marayo dalka Soomaaliya waxa ay ku timid isbedel weyn oo ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, walow ay jirto oraahdii maqalku uu necbaa (Looma Dhamo) taasoo koox hadday daliil u soo qaadato aysan jirin wax lagu qancin karo, fursaddaan maanta ayay waxay la mid tahay iyadoo laga faa'iideystay qaybtii labaad ee wada hadaladdii dowladdii ku meel gaarka ahayd iyo golihii maxaakiimta ee ka furmay caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum 2/09/2006 kaas oo ay isku maandhaafeen labadii dhinac, kulana kala tageen iyagoo aan wax natiijo ah ka gaarin. Haddaba haddii ay maanta timid fursaddaan oo labada dhinac isku afgarteen in laga faa'iideyso cidda diidan waa tuma?, in aal helin nabad iyo xasilooni cid aysan dani ugu jirin miyaa Soomaaliya ku nool?, dhiigga shacabka daadashadiisa oo cid ka naxda ay iska yar tahay ma koox ay dani ugu jirto ayaa la arkaa?, dadkii qaxootiga wada noqday oo dawarsiga shisheeyaha loo galay ma cid qandaraas ku qaadatay baa jirta?, ma iilka iyo xabaalaha in la badiyo baa la doonayaa?, ma in is qabqabsiga iyo muranka soomaalida dhexdeeda ah uu baaho ilaa iyo ka gaaro qoys qoys ayaa loo dhaarsan yahay?, ma in dib loogu laabto casru-jaahiligii qofba qofkuu ka awood badan yahay ha dilo ku dhisnayd ayaa loo dig iyo dam leeyahay?. waxaan shaki ku jirin in dhamaan su'aalahaasi jawaabtood ay isugu imaaneyso hal eray oo ah (Maya), haddii ay jirto cid qabta fikirkaasi in uu faa'iido xambaarsan yahay waa qof Islaamnimaddiisa iyo soomaalinimadiisa ay shaki ku jirto.

Ninka ugu sareeya Dowladda Soomaaliya ee xiligaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mucaaradka labadiisa garab iyagoo wadajir ayay beri waxay ku mideysnaayeen urur islaami ah, waxay si aad ah u dhaliilsanaayeen una soo horjeedeen dowladii xiligaa jirtay iyo waliba dowladdii kale ee taageeradda siineysay ee Itoobiyaa, kooxdaasi waxay u badnaayeen niman wadaado ah oo si wanaagsan u yaqaana diinta islaamka, shacabkuna waxauu intiisa badan taageero u yahay kooxda wadaadadda ah oo haddiiba ay hadlayaan iyaga oo daliishana aayado qur'aan iyo axaadiisa labada dhegta loo raaricin jiray, waana tan badisay taageerada ay shacabku u yihiin kooxdaas, ha yeeshee mar keliya ayaa waxaa soo ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhexeeya kooxdii wadaadadda kadib markii uu cirka isku sii shareerayna keentay in lagu kala boodo magici kulminay qayb waliba qaybta kale ayay eedda dusha kaga tuurtay. Jahwareer xoogan ayaa waxa uu haystaa shacabka oo iyagu kala garan la' meeshii ay raaci lahaayeen, labo wadaad oo si wanaagsan u wada yaqaan haddii ay is qabtaan waxaa adag sidi lagu kala saari lahaa, midkood markuu hadlayo aayadda iyo xadiiska waa uu ka soo horeeyaa kaas oo uu ku muujinayo in uu ku taagan yahay waddada saxda, kan kalana isna kama liito oo aayad kale iyo xadiis ku qoran kutubka ayuu soo dhifsanayaa kaas oo aad ku dhex wareeraysaa, mana garan kartid midka runta sheegaya oo labaduba daliilkooda ayaa wataan, waxaan shaki ku jirin in labadooda mid un uu saxan yahay kana kalana uu qaladan yahay been abuurna uu wato.

Xiligii nabigeena Muxamad (N.N.K.H) uu noolaa waxaa jiray niman aan ahayn muslimiin kuwaas oo ku dhex jiray dadka muslimka, waxay si aad ah u barteen kutaabka qur'aanka kariimka ah iyo axaadiiska macnahooda, waxayna gaareen amaba ay ku sikteen in lagu tilmaamo mashaa'iq diinta baratay loogana dambeeyo tafsiirka iyo macnaha kutubta, nimankaasi waxaa ka mid ah nin la oran jiray C/llaahi Binu Saba', ninkasi waxaa la tilmaamay in uu ahaa nin doonayay in uu kala geeyo dadka islaamka ah si uu ugu guuleysto qorshihiisa dibindaabyadda ee ummadda muslimiinta uu la damacsanaa, waxa uu ku dhaqaaqay talaabooyin dhowr ah kuwaas oo uu arkayay haddii uu qaado in uu ku guuleysan karo dhibaateynta ummadda muslimiinta ah, ugu horeyntiiba waxa uu sameystay axaadiis been abuur ah oo isaga u gaar ah kuwaas oo gilgilay quluubta caamaddii waqtigaa nooleed, maadaama in badan aysan ka garaneyn diinta, kadib geeridii ku timid Nabigeena Muxamad (N.N.K.H) waxa uu ninkaasi si aad ah ula kala baxay kutubtiisa waxa uuna isku dayay macnaha qaar ka mid ah aayadaha qur'aanka kariimka, isagoo ka hadlayay geeridii nabigeena ku timid isla markaana raba in uu dadka ka dhaadhiciyo in nabiga uu dib ugu soo laaban doono adduunka ayuu soo qaadatay ayaadda 84-aad ee Suuratul-Qasas (Inaladii farada calaykal qur'aana laraaduka ilaa micaadin), aayaddaasi waxay ka hadlaysaa in nabiga (N.N.K.H ) oo xiligaasi ku sugnaa Magaalada Madiina uu dib ugu soo laaban doono magaalada Maka, sidii markii damba dhacday ee (Fatxul Maka), ha yeeshee ninkaan waa uu bedelay macnihii iyo sababu nuzuulkii ayaadda, waxa uuna ku fasiray "Nabiga dib ayuu adduunka ugu soo laaban doonaa", isagoo markaa nabigu uu mootanaa. Dad badani waxa ay aamineen macnaha aayaddaas uu sameystay ninkaa, waxaa kale oo ka mid ahaa dibin-daabyaddii diimeed ee uu ninkaasi ku dhaqaaqay, isagoo dadka u sheegay in Cali Bin Abii Daalib (R.C) uu lahaa dhaxalka hogaamineed kadib markii geeridii ku timid Nabiga (N.N.K.H), dad badanina fikirkaas waa ay qaateen. Ujeedka ugu weyn ee uu ninkaasi ka lahaa in uu si aad ah u barto qur'aanka waxa ay ahayd in uu kala geeyo isla markaana uu si aad ah u kala fogeeyo dadka muslimiinta ah.

Sidaas la mid ah khilaafka dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ku kala dhex jira waxaa ka faa'iideystay ayaa la dhihi kara nin sida C/llaalhi Binu Saba' oo kale ah, kaas oo diinta u bartay sidii uu ummadda Soomaaliyeed khilaaf uga dhex abuuri lahaa, isla markaana aysan weligood u midoobin, haddaba waa kuma, Wadaadka aayadaha soo daliilinaya ee gashan shaarkii C/llaahi Binu Saba' mid u midab ek?, si kasta oo uu isku qariyo waxaa jiri doonta maalin la ogaan doono isaga iyo ujeedooyinkiisaba, waxa uuna moog yahay in Alle uu la xisaabtami doono "Maalinta Is Xisaabinta", waxaana qof waliba laga xisaabin doonaa wixii ay adduunyada ku soo qabatay, wanaagsa iyo xumaanna la kala miiri doono.

WD: Iimaan Max'ed Jimcaale (Jaabir)
E-mail: iimaan123@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS