SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdisho: Xarunta Maato Lays

"dhimanay, Barakacnay, Dhibaatoonay, Baaba'nay oo ma noolin". Haddaladan sidaad garan karto murugado ku dheehan tahay, waxay sidii bulaacad uga soo burqadaan waqti walba afka dhibanayaasha lagu tacadiyey ee anfariisan kuna kala firdhay dunida gaar ahaan kuwooda duruuftu lugaha ka xirtay ee kari waayay in ay isaga baxsadaan meesha ay jugta culus ee dhawaqa aan la jeclaysan wadata ay madasha ka dhigatay (Muqidsho), dhibanayaashaan oo mudo ku taamayay xiliga ay u xuubsiiban doonaan jawi xasiloon oo ka maran shanqarta qaribtay qalbiyada dad badan kuwaas oo ku sarqaamay baaruudda ka dhacaysa hubka aan kala aqoon marasta iyo mooryaanta ayaa haatan u muuqda kuwo sii rajo dhigaya, maatadaan la dayacay ayaa sidoo kale af labadii ku dhawaaqaya "Yaa naga naxaya, yaa noo damqanaya, yaa dhibkeena garan kara?". Middaan oo muujineysa sida ummadda jahwareertay u doonayaan cid wax ka furdaamisa musiibadda ku habsatay (Allaa leh Furdaamin), waxaase weli fara ku tiris ah inta uu beerku u damqaday maatida dayacan ee ku hadaaqaysa "yaan ummadda la baabi'in".

Shacabka Masaakiinta ah oo mudo lagu soo tuntay welina ay ku socoto ku tumasho cusub ayaa marba meel loo soo cuskaday sidii looga dhigan lahaa jaranjar lagu gaaro hadaf dan gaar ahaaneed xambaarsan, fikradaha lidiga isku ah ayaa xiliba xiliga ka dambeeyey marba dhinac usha uga gaaracayay masaakiinta dhulka daadsan, intaa keliya looguma simin ee waxaa loogu daray xitaa in dhulka lagu jiido, maxay dhaantaa dhulka ku jiidid haddii dhiigooda baxaya laga talaabsaday oo aan la isweydiin.

Odey ka soo barakacay Muqdisho oo ku nool buush yar oo cooshado ka sameysan ayna ka muuqato dandaro xoogan ayaa ku cataabay "waxaa hortayda ku khur-baxay wiilkayga oo ahaa gacantayda midig, waxa uu qaraab magaalada nooga soo dhiciyo ayaan dabka saaran jirnay, allaa deeq baxshee, maanta buushkaan ayaa ku jiraa, waxaan ahay waayeel aan xoogsan karin, cid u xoogsi tagtana aysan jirin, ninkii wax noo soo dhicin jirayna waa nala dhaafiyey, cid isweydiisayna ma jirto", odeygaas oo illin ay indhihiisa ku taagnayd ayaa markaa kadib waayo-aragnimadiisa soomaaliya isaga oo ka hadlaya waxa uu hadal murti xambaarsan ku yiri "Xaalka Soomaaliya waxa uu haatan u muuqdaa mid dhinac walba uu ka soo riixayo darbi culus oo ay saaran yihiin danley dooneysa in ay huwiso hadafkeeda maro xariir ah iyagoo taa bedelkeeda masaakiinta u goglay Maro guduudan, Muqdisho oo beri loo soo dalxiis tagi jiray, cid kastana ay ku hamiyi jirtay sidii ay caasimadda indhaha uga qaadi lahayd ayaa haatan waxay noqotay Xarunta Maato Lays, cid loo arxamo ma jirto, waxayna arrintu ku soo biyo shubatay (Maxaa iga galay), nin walba ama koox kasta hadday u cuntami weyso wax walba oo lagu tilmaamo in nabad Soomaaliyeed lagu raadinayo waxay iyada oo sii xaydan oraneysaa "looma dhama", haddase waxaa oraahdaa caanka ka noqotay soomaali dhexdeeda lagu bedelay marmarsiyooyin cusub sida "Waxay ka soo horjeedaa shareecadda Islaamka" iyo wixii la mid ah, ummadda Soomaaliyeed way dooneysaa Shareecadda Islaamka, laakiin in sidii la doonayo loo fasirto ayaa ah wax aad ugu xun Islaamnimada".

Xarunta Maato Lays (Muqdisho), sanadihii ugu dambeeyey waxay fool xumo ka sii sameysay dhanka amaba ku sii caan baxday in la is dul dhigo Hooyo, Aabbe iyo carruutooda, kadibna la yiraahdo waan ka xunnahay, waana ka tacsiyadeyneynaa.

Muqdisho oo marba madal ku soo furaneysay in ku siman 19 sano ayaa haatan sida muuqata ku caan baxday Maato Lays, xasuuqa dadka tabaaleysan dhiigooda burqaday waxaa jagooyin ku helay madaxyo isu mooda in ay yihiin kuwo ugu caqliga badan dad oo idil, waxaana weli maalin walba ku soo caan baxa oo masraxyada ka soo muuqda shaqsi cusub, waxaa kuu sii muuqan kara in weli ay jiraan kuwo oon u sii qaba in ay dhiigga ku dul khudbeeyaan.

Isku soo wada duuboo, waxay Dad badan oo caqli u saaxiib ahi isweydiinayaan sida Xarunta Maato Lays loo soo celin lahaa Magaceedii hore, isla markaana mar kale loo oran lahaa Miskiin Quudiso, magacaas oo muraayadda dalka horey loogu aqoon jiray, lamase oga marka ay taasi rumoobi doonto.

W/D: C/raxmaan Max'ed Aadan (Dirham)
Cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS