SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sheekh Cumar Iimaan (Abuu Bakar) iyo Sheekh Yuusuf (Indho-Cadde) oo mid waliba iska fogeeyey dagaaladii Muqdisho ka dhacay.


Sheekh Cumar Iimaan (Abuu Bakar) oo ah guddoomiyaha Xisbul Islaam iyo Sheekh Yuusuf Indho-Cadde oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam ayaa mid waliba iska fogeeyey dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee khasaaradda badan u gaystay dadka shacabka ah, waxa uuna mid waliba sheegay in dagaaladaasi ahaayeen kuwo uusan Xisbigu go’aansan, isla markaana siyaasaddoodu aysan waqtigaan ku dhisnayn in wax dagaal ah la qaado, waxa uuse Cumar Iimaan shaaciyey in weli uu Xisbigu ku guda jiro sidii loo dhisi lahaa xisbiga, isla markaana dhowr xubnood oo keliya la isku afgartay, isagoo Cumar Iimaan sheegay in siyaasaddoodu haatan wajahayn in dagaal la qaado, isagoo aan meesha ka saarin in ciidan is hor fadhiya uu mar waliba ka imaan karo iska hor imaad.

Sheekh Abuu Bakar waxa uu tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee uu xisbigoodu ku lug lahaa, isagoo sheegay in uu soo dhaweynayo wixii waan waan ah ee lagu dhamaynayo xaaladda hadda taagan, waxaa kale oo uu sheegay in Hay’adda Culimadda Musaalixadda kulan la yeesheen ayna isku afgarteen qodobo badan oo ku saabsan xaaladda haatan ka taagan Magaalada Muqdisho.

Sheekh Yusuf (Indho-Cadde) waxa uu isna sheegay in uusan wax war ah u haynin dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho, isagoo sheegay in dagaaladaasi qaadeen rag ka mid ah Xisbul Islaam, waxa uuna sheegay ama caddeeyey in uusan haatan taliye ciidan ahayn oo uu iska casilay, waxa uuna sheegay in wixii dhacay ay mas’uuliyadeeda qaadayaan ciddii abaabushay dagaalkaasi oo labada dhinac ah, waxa uuna sheegay in dagaalka ay wadi doonaan inta dalka looga dhaqmayo shareecadda Islaamka.

Dagaaladda saddex maalmood ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 30 ruux waxaana ku dhaawacmay 120 kale, waxay dadkaani isugu jiraan Haween, Carruur iyo Dad da’ ah kuwaas oo ay madaafiicdu ugu tagtay goobo kala duwan, waxaase ugu naxdin badnaa dadka waxyeeloobay Hooyo uur leh oo uu Canugii caloosha jiifay halkaa ku geeriyooday isaga oo aan ifka imaan, iyana waxay waxyeelo ka soo gaartay rasaastaas.

Dhinacayadda uu dagaalkaani u dhexeeyey ayaa mid waliba iska fogeeyey in uu isagu mas’uul ka yahay dagaalkaasi dhibaatada xoogan gaarsiiyey dadka shacabka ah.

Dhinaca kale Max’ed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in laga kala qaadi doono ciidamada labada dhinac, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh ayaa dhiniciisa sheegay in ciidamada AMISOM kala hadleen in aysan madaafiic ku gaarin goobaha shacabka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS