Ururka Puntland Diaspora Forum iyo Wasiiro Puntland oo ku sugan Washington
oo la Hadlay Jaaliyadda Minnesota
Qore: Cabdiwali Dalboon, Minneapolis
cdalboon@hotmail.com
Sawirada Halkan ka daawo
Ururkaan qurba joogaa oo dhawaan lagu dhawaaqay ayaa maantay shir ku qabtay
Jaamacadda Minnesota ee loo yaqaano U.F.M waxay kaga hadleen sababta loo asaasay
ayag oo xusay in ururkaan garabyo iyo Cutub kale leeyahay ku waas oo
ku sugan Wadamo kala duwan Kulan kaan ayaa waxaa ka hadlay Aqoon yahano iyo
Culuma udiin iyo Haween iyo Waliba Laba wasiiro oo la socday Madaxweynaha Maamul
gobaleeddka Puntland oo haatan ku sugan Gudaha dalka Maraykanka Washiton waxaa
kaloo ka hadlay Madaxweynihii hore ee Puntland Mohamed Abdihashi oo asna ku
sugnaa Gobalka Virginia Waxaa intaas dheeraa Madaxweynihii Ururkaan ayaa asna ku
sugnaa Wadanka ka Canada Mudane Ambassador C/qadir A Xaashi waxa akaloo ka
hadlay Xubno ka mida ururka iyo odayaal dhaqameed Madaxweynihii hore ee Puntland
halkan ka dhagayso Madaxweyhana Ururka
Diaspora Ambassador C/qadir Halkan ka dhagayso
waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Arihama Gudaha ee Maamul Gobaleedka Puntland
C/laahi Ahmed Jama ilka Jiir Halkan ka dhagayso Sidoo
kale waxaa ka hadlay Wasiirka Qorshanta Mudane Faarax Dhalac oo asna ka mid ah
Waftiga halkan ka dhagayso
Madaxweyne ku Xigeenka Ururka Puntland Diaspora Forum oo asagu Goobta Joogay
ayaa ka hadlay Mudane ENG Mohamuud Xaamuud halkan ka
dhagayso
waxaa kaloo ka
hadlay Hashi Mohamed Yusuf oo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey Ururkaan
halkan ka dhagayso sidoo kale waxaa ka hadlay
Yasiin Yabarag oo asna ka mid ah Ururkaan Yaasiin waxuu si gooniya oga hadlay
Soo dhaweynta Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland oo lagu wado Dhawaan 27
Bishaan in uu Soogarao Gabalkaan Minnesota ,
Asaga oo la kulmi doona jaaliyada sida la qorshaynayo in loo soo dhawaynayo
Madaxweyne DR Abdirahman Faroole halkan ka dhagayso
Yaasiin Yabarag.
Waxaa
kaloo ka hadlay Saciid Ahmed Gaashaan waxuuna ka hadlay in loo baahan yahay
midnimo ,
Asaga oo xusay in hor marku ku jiro in gacmaha la is qabsado
Waxaa ka mid
ahaa dad kii goobta ka hadlay Ahmed C Khayre iyo Nabadoon Mohamed Cabdi Qaac iyo Mohamed Hassan
Abgaalow iyo
Haashim Mohamed iyo Faadumo Hiirad Prisident Of
Puntland Women Hodan Aruus
Waaa kaloo ka
hadlay Saciid Fahiye iyo
Shiikh C/qani
Qardhaawi Jaaliyadda Reer Puntland ayaa aad u muujisay sida ay Diyaar ugu yihiin
Taageerada Ururkaan iyo Soo Dhaweynta Waftiga imaanaya Gobalkaan Minnesota ee
Madaxweynaah Puntland uu Hogaaminayo Dr C/rahmaan Faroore Dhinaca kale waxaa jiray Waraaqo lagu qaybiyey Goobta ku waas oo ahaa Waraaqo la buuxinayo ama qof
kii raba in uu ku biiro urukaan looga baahan yahay in uu waraaqda buuxiyo oo uu
bixiyo 50$ doolar sanadkii asaga oo xaq u yeelan doona in uu wax doorto ama
shirarka ka qaybgali karo waxay Ururkaan dhawaan qaban doonaan Shir Caalamiya
sida ay shaaca ka qaadeen galabtay
Shirka ayaa aad looga dareemayey laba arimood: in Khilaafka laga fogaado iyo in Loo
diyaar Garoobo sidii loo soo dhaweyn lahaa Waftiga Madaxweynaha
Puntland .
Sawirada Halkan ka daawo
Qore: Cabdiwali Dalboon, Minneapolis
cdalboon@hotmail.com