SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Gabogabo Dagaal

Ma gobeey gob baad tahay

Mise luqunta garigaay

Meelkasta aad gaadhide

Caano gaajo bi’yiyo

Naasahaagu godol ma leh

Marka hore waxaan ummada Soomaaliyeed xusuusin lahaa inaysan niyad jabin; ogaadaana in Nidaamka Suubanaanta Guud (Islaamka) uu yahay kan lagu liibanayo aduun iyo aakhiraba. Sida darteed khaladka ka dhaca koox ama qof calan diimeed wata waa inuusan karaarjabin rabitaanki loo qabey ku dhaqanka Nidaamka Suubanaanta Guud.  

Wiil geel jire ah oo wadaad la tartamay la hadlayey ayaa waxaa laga sheegay, ka dib marki wadaadki uu ku dhexdhacay ood laga boodayey dabadeedna xanankii oodu uu maradi kala haray “wadaadku inuusan ooda ka boodi karin waa ogaaye in cawradiisa la arkaa idmaneyd, Shariifyada, Indhacade, Janaqow iyo ragii ay isku kooxda ahaayeen inaysan diin u dagaalamayn, janno furaheedna hayn Soomaalidu waa ogeyde in si cad ummadu u wada aragtaa idmaneyd.  

Maqaal aan horey u qorey uguna magac daray afarta dhaban baan hayaa oo labaan gacmo u waayey ayaan waxaa is weydiiyey ma waxaa jira qolo ayagu xumaanta iyo samaanta dadka u garta xaquna uu markaste yahay waxa ay wataan. Janaqow iyo kooxdiisu shalay waxay na lahaayeen  Maxamed dheere waa murtad gaalo raac oo ashahaado la dirir ah; maantana waxa uu na leeyahay waa mujaahid u dhigma halyeygi Islaamka ee Khaalid Binu Waliid Allaha ka Raali noqdee. Taa macnaheedu soow maaha xumaanta iyo samaanta anagaa idiin garana, waxaan idiin niraahno waa qalad waa qalad, waxaan idin niraahno waa saxna waa sax; idinkuna naga dabadhaha uun. Cajiib. Maxaa iska badaley mabda’i Maxamed dheere, Cabdiqaybdiid, Muuse Suudi, Moorgan, Aaden Madoobe iyo raga la midka ah? Salaad Cali Jeelaha ay isaga qasan yihiin Ilaahay Subxaana Watacaala iyo Shiikh Cali Cabdule, Shiikh Muuse Cigale iyo Shiikh Muxuyadiin Cili oo aaminsan in niman masaakiin ahi ay roobka noo keeni jireen, dhul gariirka iyo dhibaatadana naga celin jireen jihaadka loo kaalmaysanayo iyo jihaadku uu ku jiro anigu ma garan.

DADWEYNOOW SO’AAL DIIRAN BAAN IDIN DAREENSIINE

GARTII ADIGA KUU DAADEGTAA LAGU DAWOOBAYAA

DADKUNA KUMA QANCAAN BEEN CAD OO AAN MARO KU DAAHNEYN

DUQII HORE MAXAA LOO ERYOON KULA DAGAALEYNAY………….

Soomaalidu jifo-jifo, jabhad-jabhad, koox-koox iyo qoys-qoysba waa isu laysay, waxaase dhimanaa oo aan inta badan wali dagaalka galin kooxaha wadaada ah ha noqdaan kuwa dariiqooyinka ama ha noqdaan xarakaatka Islaamka. Waqtigan xaadirka waxaa dagaalamaya waa wadaadadii, taa macnaheedu waxaa weeye racii ugu danbeeyey Soomaalida ayaa dagaalka galay. Marka waxay ila tahay inuu soo dhawaadey dhamaadki dagaalka Soomaaliya; maadaama xabada kharaarkeeda la wada dhadhamiyey. Waa hadii aan ka badbaadno duulaan shisheeyey oo nalaku qabsado. Xataa waxa hada dagaalka ku  jira dariiqadi Suufiyada ee oran jirtey ragu waa wadaad iyo waranle, wadaadkuna inuu dabqaado maaha; waa talaabo fiican hadey garteen in wadaadku bulshada kaalin ku leeyahay, ragana wax la qaybsan karo.

Ku dhawaad 100% laga bilaabo xaafada Baraxley ee magaalada Gaalkacyo ilaa xuduuda Kenya waxaa gacanta ku hayo kooxo wata magac wadaad magacay rabaan hasii kale sheegtaane. Dawlad iyo mucaaradna waa iyaga marka hadey garan waayeen inay ku heshiiyaan ama ay isu tanaasulaan waxaan leeyahay hawsha noo dadajiya oo sidii gobtii u dagaalama si Soomaali si deg deg ah miiska u soo wada fariisato, ayada oo nin walba saarka laga tumay, xeerada salkeedana uu soo taabatey. 

Abdirahman Salaad Aaden

Email: dhaguuf@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: