SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

C/Waaxidoow, Col ku galay Cabsi reeb

Qofku marka uu danbi sameeyo ama uu qof dilo, waxaa loogu yeeraa Gacan ku Dhiigle ama dhagar qabe, waxaase soo baxay dhawaalahaan kuwo ka daran gacan ku dhiiglaha oo noqday Af ku dhiiglayaal, Calool ku dhiiglayaal iyo Maskax ku dhiiglayaan har iyo habeen u soo jeeda sidii wax loo halaagi lahaa, halkii ay u soo jeedi lahaayeen sidii wax loo hagaajin lahaaa.

Ra'iisul Wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen, oo darajo ahaan dhanka Ciidamada ka gaaray Cornayl, ayaa Sanadkan bilowgiisa iyo Sanadkii tagay bartamihiisii lagu xusuustaa in uu ahaa shakhsigii ugu mudnaa ee xalinta khilaafaadka Soomaaliyeed meel weyn ka is taagay, wuxuuna ku mutaystay arintaas in dad badani yiraahdaan: "Nuur Cade, waxaa u baahan umadda Soomaaliyeed". waxa uu ku guulaystay in wax badan oo xoog lagu keeni waayey uu Qalin ku keeno, waxa uu umadda Soomaaliyeed baray in Afka laga wada hadli karo, halkii gacanta laga wada hadli lahaa. Nuur Cadde, waxa uu Siyaasadda Soomaaliyeed ku jiray 8 bilood, asagoo soo hooyey guulo badan oo dadka Soomaaliyeed faa'iido u lahaa. guulahaas Siyaasadeed ee uu gaaray Cornaylku, waxay ku yimaadeen Af ee kuma imaan Xabad iyo dagaal uu galay, sidaas oo kale Sh. Xasan Daahir Aweys, waa Cornayl darajo ahaan dhanka Ciidamada, waxa uu Siyaasadda ku soo jiray 30 sanadood, dagaalo badan ayuu ka qayb galay, ilaa hadana waa ku jiraa, walina dadka uu matalo iyo ujeedada uu u dagaalamaayo hal maalin laguma caano maalin, waxaana talaabo kasta oo uu qaado laga dhaxlaa Qax, Dhimasho iyo ismaan dhaaf siyaasadeed oo dhaliya Dhiig cusub oo dhex mara umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Qofka qalbigiisu fiyow yahay ee raba in uu go'aan sax ah qaato, waxa uu inta badan is bar bar dhigaa Masaalix iyo Mafaasid, fikar badan ka dibna waxa uu qaataa meeshii dantu ugu jirto haddii aanay khilaafsanayn diinta Islaamka, waana dhaqan uu lahaa Nabi Muxamad (CSW), sidaas oo kale qofka fiyoobi marka uu rabo in uu ka hadlo Arin talo uga baahan, waxaa u furan laba wado oo kala ah in uu isaga aamuso kana dheeraado waxa halkaa ka socda iyo in uu soo kala dhex galo dadka halkaas isku haysta oo wareysto ka dibna asagoo caqligiisa kaashanaaya uu xaqa u kala cadeeyo. haddii asagoo aan wax badan eegin uu qolo iska raacana wuxuu la mid noqonayaa Dameertii la dhaansaday ee Dameero kale iska raacday dadkii dhaansadayna ay Haraad meel ugu la'deen.

Hadaba, Akhristoow yaanan war kugu daaline, sida labadaas Cornayl u kala Siyaasad wanaagsan yihiin ayey dadka Caalamkuna u kala Siyaasad wanaagsan yihiin, kooxaha Soomaaliya ka jiraana sida labadaas wadaad ee aan soo sheegay ayey u kala Siyaasad wanaagsan yihiin, Al Shabaab iyo Ahlu Sunana sida Sh. Xasan iyo Nuur Cadde ayey u kala wanaagsan yihiin. Suufiyada iyo Salafiyaduna sidaas oo kale ayey u kala wanaagsan yihiin, waxaana maantay aragti gaabnimada (short sighted) ka mid ah in la yiraahdo kooxda Al -Shabaab ee dagaalka kula jirta umadda Soomaaliyeed ayaa u dagaalamaysa ujeedooyin dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed. 

Cismaan Yuusuf Keenadiid, oo Abwaan weyn ahaa, kana gabyi jiray wadaniyadda iyo dhaqanka ayaa yiri:

Culimada gadaalkani, waxaay galay khilaaf weyne.
Gayigan dariiqooyin baa, gooni ku ahaaye,
Khaliifyadan guutada watiyo, Calankan giirgiiran,
Iyo gabano soo baxay dhawaan, yaa u gar naqidoona.


Alaha u naxariisree, Abwaanku, waxaa uu tiriyey gabaygaan xili hore, asagoo markaas la yaabanaa gabano yar yar oo aan aqoon weyn u lahayn diinta Islaamka, hadana halkii ay wax ka baran lahaayeen lagu saliday Culimadii dalkan iyo dadkan Diinta soo gaarsiisay. gabanadaas yar yar ee garashadu ku yar tahay, waxaa ka mid ah C/waaxid C/laahi Khaliif, oo inta badan u ololeeya sidii halaaga Muqdisho uu u sii laba kaclayn lahaa. C/Waaxid waxa uu ku gam'aa dhibka dadka reer Muqdisho. waxaan xusuustaa Cishadii Maxkamaduhu ay joogeen Bandiiradleey dadka reer Gaalkacyana ay badankoodu qaxeen Afka labadiiis ayuu yeeray, wuxuuna yiri: "waa fidno in dadka muslinka ah cabsi lagu abuuro"!!!!!!!!!!, midka xamar ka socdana waxa uu u yaqaan xaq!. bal adiguba Akhristoow labadaas fikradood Miisan saar oo kala cadee marka uu saxan yahay iyo marka uu qaldan yahay!!!!!!!!?.waxa uu iska dhigaa wiilkani nin aan qabyaalad aqoonid, nin alle u hogaansan oo Wahaabi ah, diinta Allana jecel, laakiin arinku sidaas maahin oo nin aanu saaxiib nahay, wuxuu ii sheegay in uu Qaxwo qaybinayey maalintii ay Amxaaradu Xamar soo gashay meelo badana uu kaga faanay in cadowgii Puntland uu jabay. C/Waaxid, waxaa uu inta badan sheegaa in dalka Soomaaliya oo idil Dacwada la gaarsiiyo, waligaa maka maqashay asagoo leh Gobolada Puntland hala geeyo Dacwada? waa maxay khayrka iyo Dawacdan ku kooban Muqdisho ee C/waaxid maalin walba la daba taagan yahay reer Muqdisho?. C/waaxid waa gacan ku dhiigle casri ah, waxa uu qalinkiisa u adeegsadaa bur burinta dadka Soomaaliyeed, waxa uu kaalin firfircoon oo Askarinimo ku leeyahay gumaadka ay ururka Al-Shabaab ka wadaan Gobolada Dhexe, Qawl iyo Qarash labadaba waa uu ku taageeraa, hadana kama khajilo in uu ku faano in la qixiyo Caruur iyo Dumar loogu soo ganbanayo diinta Islaamka oo dano gaar ah laga leeyahay.

Waxaa la yiri doqonyu haddii la dagaalamo in la kala tagay ayey u qaadataa, C/Waaxid meeshii lagu dagaalamay ayuu og yahay, laakiin ma oga in la heshiin karo, ma oga in Suufiyada iyo Al-Shabaabku ay Soomaali wada yihiin, Dalkuna ka dhaxeeyo, halkii uu xal ka talin lahaa, waxaa u shidayaa dab taasina hadal nin weyn ku haboon maaahan, xalna laguma gaari karo in la yiraahdo firqo heblaaayo aan iska jirno ee xal waxaa lagu gaari karaa in la wada hadlo, maadaamaa dalku naga dhexeeyo.

Waxaa uu C/Waaxid ku soo qoray qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliyeed, Cay iyo Afla gaado, asagoo Eedayn aan loo meel dayin dusha uga tuuray Dariiqooyinka Suufiyada kuwii ka danbiga badnaana ka dhigay Mujaahidiin mudan in la garab istaago. waxyaabaha aan ku qoslay meel aan u qaadana aan garan waayey waxaa ka mid ahaa, markii uu yiri: "Ciidamada Ugandha, waxay u socdaan in ay laayaan Wahaabiyadda"! Toloow Ciidamadii Itoobiyana ma Wahaabiyeey u socdeen mise Soomaaliyoo idil ayey u socdeen?!!!! muxuuse yahay dagaalka Wahaabiyadda, iyo Ugandha, ka ka dhaxeeya? mase tahay Wahaabiyo, dad lagu aamini karo ka Run sheegida difaacida Wadanka Soomaaliya? Wahaabiyada, waxaan uga baranay in ay wadamada dariska ah daan daansadaan markay soo qalabqaataan Wadamadaasina ay ku soo hor cararaan ee loogama baran in ay difaacaan dalka Soomaaliya. warka C/waaxid-na, wuxuu la mid yahay ninkii yiri: "Adis Abeba ayaan ku ciidaynaa" ee ku ciiday magaalada Makka.

Waxaa uu tilmaamay in ay dowlada ku jiraan dad gaalo ahi, waan yaabay, Shaki ayaa i galay, madaxdii dowlada ayaan dib ugu noqday, intooda badani waa kuwo la yaqaan, waxaa ii soo baxday markii danbe in ay jiri karaan shakhsiyaad dibadaha ka yimid oo gaalnimo qarsanaaya lagana yaabo in ay C/waaxid isku Kaniisad ku xirnaayeen, laakiin umadda Soomaaliyeed ay muslimiin u yaqaanaan, marka waxaan ka codsanayaa C/Waaxid, Raad ayaa soo galaye in uu noo cadeeyo dadka uu sheegaayo ee Diinta ka baxay dowladana ku jira? si ay ayaguna noogu sheegaan halkaad isku aragteen ilaa aqoon ayaa idinka dhaxaysoo waadigaan leh Dowlada gaalaa ku jirteee?.

C/Waaxid, Cayda Suufiyada iyo culimada hogaamisa dowlada Soomaaliya kuma kaaftoomin, ee wuxuu u gudbay dagaalkii Muslimiinta dhex maray ee Cali iyo Mucaawiye ay kala hogaaminayeen, wuxuu sheegay in Mucaawiye qaldanaa, waan yaabay, waxaan is iri wiilka iyo Shiicada maxaa ka dhexeeya? sababtoo ah Culimada Muslimiinta oo dhami ma jirin Shakhsi ku dhiiraday in uu fara gashado dagaalkii dhex maray Saxaabadii Nabi Muxamad (CSW) haday jiraana waa kuwo Shiico sheegta oo laga yaabo in wiilkani uu Run u qaatay hadaladooda beenta u badan, aqoon la'aantuna waxay keentaa in qofku uu iska galo Mowduuc aanu aqoonteeda lahayn, waxaana haboonayd in uu arintaas Culimada wax ka weydiiyo maadaamaa ilaahay uu Qur'aankiisa ku yiri: "Fas'aluu ahla dikri inkuntum laa taclamuun" oo ka dhigan hadii aydnaan waxba garanayn dadka wax yaqaana warsada,. inkastoo C/Waaxid, Aayadan kaga jiro "inkuntum laa taclamuun" cudur daar ayuu yeelanayaa, maxaa yeelay Aqoontiisa ayaa gaaban, waana midda ku qasabtay in uu u xagliyo kooxda xaaraanta ah ee Al-Shabaab.

C/Waaxid, wuxuu ilaaway in dowladan uu gaalada ku sheegayo ay taageero ka heshay Culimo waaweyn oo waligood kusoo jiray faafinta Dacwada sida Shiikh Yuusuf Al Qardaawi, oo lagu tiriyo inuu yahay Raga ugu Aqoonta badan ee maantay nool iyo Sh. Shariif Cabdi Nuur, iyo Sh. Cumar Faaruuq oo dhamaantood qireen in dowladani tahay Dowlad Islaamiya. Soomaalidu waxay tiraahdaa ''ilaahoow haa iyo maya meel qura hanooga wada yeersiin" waxaan xusuustaa qoraal hadda ka hor uu C/Waaxid ku Afla gaadeeyey Sh. Cumar Faaruuq, oo uu hadana maalintii ku xigtay maalintaas uu ka cudur daartay iskuna tilmaamay in uu khalad weyn galay.

Sh. Cumar Faaruuq, oo la yaabay dad uu C/waaxid ka mid yahay xishood la'aantooda iyo siday uga been sheegayaan diinta Ilaahay, ayaa hadal uu sheegay dhawaan, waxaa uu ku cadeeyey in ay yihiin kuwaasi Caruur ay Hooyooyinkood irmaanyihiin oo uu ula jeeday dad yar yar oo Caqliyan iyo Diiniyan hooseeya. dhibka maantay Soomaaliya ka jirana aan waxba laga weydiin karin, Shakhsiyana aan filaayo in kuwaas Shiikhu sheegay uu C/Waaxid ka mid yahay.

Qormadan oo aan ugu magac daray" col ku galay cabsi kugu reeb", waxay ka hadlaysaa cabsi C/waaxid laga dareemayo iyo wel wel uu ka qabo in Dariiqooyinka Suufiyadu ay hubka qaataan ka dibna ay noqdaan Faction cusub oo dalka ku soo biira. Cabsi waxaa kugu leh Alle (SW), asaga ayaana wax dila waxna nooleeya, wel welka wiilkan ka muuqdana waa mid xaasidnimo ku jirto, maxaa yeelay qof kastaa waa og yahay in aanay Suufiyadu hubka meel cidlo ah ka qaadan ee lagu qasbay ka dib markii lasoo fagtay Waalidiintoodii iyo Culimadoodii, waana waajib diiniya in dalka laga xoreeyo Cadowga diinta ku soo ganbaday ee Itoobiya, Maraykanka iyo Ugandhaba ka xun. "Al caqiidatu laa tuxaarib illaa bil caqiida" dad Caqiido aaminsan dad Caqiiqo kale aaminsan ayaa la dagaalami kara, maantayna way bilaabatay ka dib markii lagu fahmay dhagartii ay dalka ku qabsadeen, ayadoo ay soo baxeen dad kale oo ku dagaalamaaya Caqiido sida Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo kale..

C/Waaxid, wuxuu kicinayaa fitno cusub, wuxuu rabaa in uu soo kiciyo Fitno hor leh, Kutubka ugu weyn Islaamka waxa uu u yaqaan Fatxul Majiid, dadka dadka ugu fiican wuxuu u yaqaan kuwii dhigi jiray Fatxul Majiidka, tolow culimadii kale ee Tafsiirka Qur'aanka ah aqrin jirtay sida Shiikh Janaqoow, muxuu u yaqaan?. kuwii Tarbiyada Islaamka dhigi jiray sida Sh. Shariif Shiikh Axmed, mxuuu u yaqaan. kuwii Bukhaariga akhin jiray sida Dr.Maxamad Cali Ibrahim, muxuu u yaqaan?. qofka Jaahilka ah, waxaa uu la mid yahay Indhool. nin indhool ahaa, ayaa hal mar wax arkay, wixii ugu horeeyey ee uu arkayna waxay ahaayeen, Bakayle, ka dibna sidiisii hore ayuu iska noqday marka kasta oo wax la weydiiyo, wuxuu yiraahdaa waxa aad sheegaysaan siday Bakayle, ka yihiin marka C/Waaxid, waxan filayaa markii uu caqliyeystay wixii ugu fiicnaa ee uu arkay waxay ahaayeen Farxul Majiid, iyo Al Shabaab, waana midda keentay in uu maantay yiraahdo waxaan Al- Shabaab ahayn iyo Kutub aan Fatxul Majiid ahaynwaa Ahlu Baadil.

Ugu danbayntii maahi Al-Shabaab sida C/Waaxid oo kale, maahi Suufi, maahi Al-Qaacida oo maantay oo dagaalka Bakistaan ka socda lagu eedeeyey in ay hubkasoo qaadatay Marakanka, ee waxaan ahay nin Muslima, waxa Soomaaliya ka socdana, waxaan u arkaa baadil, waxaana qabaa in aan cid walba ceeb dusha loo saarin ee la eego waxa ay qabanayso. qoraalkaan aan ugu magac daray "col ku galay cabsi kugu reeb-na" waa mid aan ku garab istaagayo intii uu dulmiyey C/Waaxid ee igama ahan Colaad iyo Cay aan qof gaar ah u qabo. 

C/raxmaan Madaxeey 
cadceed_80@hotmail.com
Qaahira, Egypt

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: