(Soo koobid
hadalkisii wareysi uu aljazeera siiyey)
Waxey aheyd maalinimo
talaado ah oo bishu ku beegneyd 26 May 2009, waxaa maalinkaas lagu warejiyey
oday Xasan Daahir seefta dhiigga guduudani uu ka tifqayey, maalinkaasoo
shacabka Soomaaliyeed ee rajada yar ka qabey in wax un degi doonaan ay
hilfahooda dib u xirxirteen, ayagoo afkana saarey meel allaale meesha ay is
dhihi kareen waa looga badbaadayaa dhibaatada uu damacsan yahey hoog-aamaha
cusub ee xisbul xasuuq, waxeyna shacabka Soomaaliyeed dib u soo xusuusteen
doorashadii hoog-aame Cabdullaahi Yuusuf ee sanadkii 2004 iyo hadaladii
hanjabaada ahaa ee uu afka ku kala furey.
Isla maalinimadii uu la wareegey xilkaas, waxaa shaashada kanaalka aljazeera
ee sida muuqata ugu xaglisa ururkaas ka soo muuqanayey goos-goos kooban oo
lagu ogeysiinayo daawadayaasha in ay jiri doonto habeenimada Axadda saacaddu
Markey ku beegan tahey 8:30 fiidnimo wareysi dheer oo lala yeelanayo
hoog-aanka Cusub ee xisbul xasuuq ninka lagu magacaabo Daahir Aweys, dad badan
oo asxaabteyda ah oo qaarkood carabiga yaqaano iyo qaar kale oo aan carabiga
ku fiicneynba waxaa la is xusuusinayey in aysan na seegin habeenimadaas waxa
uu ku hadli doono odayga burursani.
Sidii lagu ballansanaa waxaa la gaarey habeenimadii dadkoo dhami sugayeen
waxaana laga dhar sugayey duqa oo aan horey hadal fiican looga baranin bal
inuu caawa hadal wax ku ool ah yiraahdo in kastoo dad badani ay qabeen inaan
wax khayr ah laga fileynin duqa la indho beeley kursi jaceylka.
Sidii looga bartey ina Daahir Aweys af carabigiisii jajabka ahaa ayuu ku
jajabiyey rajo kasta oo Soomaali qabtey, wuxuu aflagaado u geystey culimada
Soomaaliyeed ee musaalaxada dadka muslimiinta isku xilsaartey asagoo ku
tilmaamey in ay yaqaanaan diinta laakin aysan aqoon u laheyn siyaasadda, tanoo
ka dhigeysa in wadaadku uusan waxba uga duwaneyn nimanka la yiraahdo
calmaaniyiinta ee aaminsan in ay kala soocan yihiin diinta iyo siyaasaddu (dawladnimada)
asagoo ka jawaabayey su’aal aheyd in culimada Soomaaliyeed ay go’aamiyeen
in dawladda Soomaaliya hadda ka jirta ay tahey dawlad Islaami.
Wuxuu dagaal oogaha cusub daaqada kala baxey asagoo ku tilmaamey in uu la
yaaban yahey walaalaha carbeed ee mar kasta ku celcelinaya in dawladda lala
heshiiyo, wuxuu ku tilmaamey ayagana niman khabaar moog ah oo aan la socon
xajmiga mu’aamarada Soomaaliya lala damacsan yahey, asagoo su’aal ka
danbeysey taas jawaabta uu ka bixiyey ay noqotey mid madaxa ay la qabsadeen
dadkii goobta ku wada daawanayey wareysigaas mar wax laga wax weydiiyey
Rajiimka Eritrea iyo hubka uu siinaya kooxdooda ayuu wadaadka jahwareerka
siyaasadeed heysto yiri ” Jazaahumullaah Khayran” oo la macno ah kheyr
badan Allaha ku abaalmariyo nimankaasi waa na garab qabteen.
Waxaa intaas ka xumeyd mar la weydiiyey dadka aan waxba galabsan ee ku
waxyeeloobaya hoobiyasha, iyo madaafiicda ay ridayaan kooxdiisa xisbul xasuuq,
si jees jees ah ayuu uga jawaabey dadkaasi markii xabashida lala
dagaalamayeyba sidaas ayey u dhiman jireen. Subxaanallaah wadaadku diin ayuuba
sheeganayaaye arxan daranaa, waxaa isugu mid ah dagaalkii dalka lagu
xoreynayey iyo midkaan uu kursiga ku raadinayo.
Wadaadku oo soo aflagaadey xeel dheerayaasha diinta Islaamka Soomaaliyeed,
asagoo sidoo kalena xaqirey kaalinta culimada carabta ee uu ka soo qaadey
niman aan wax ogeyn, iyo abaalmarinta khayrka ee uu ilaahey uga rajeeyey
rajiimka masiixiga ah ee Eritrea ka taliya, iyo xasuuqa shacabka ay u
geysaneyso kooxdiisu oo aan uga duwaneyn xoolo la gawracayo, waxaan ku
tilmaami karnaa arin qofkii wax ugu dhimanaa wadaadaas uu ka qaadan karo
suuradda saxda ee ajendaha wadaadka uu wato, ee ah in uusan ka sokeyn
dabadhilif danaha dal kale ka dhex fulinaya Soomaaliya, dadka taageerayaasha u
ah ee ka daba haraan hirayey wadaadkaasna ay maanta joogaan isgoys ay uga
leexan karaan.
Wadaadku wuxuu uga jawaabey si fuleynimo ah su’aal ku aadaneyd ka waran
haddii mar kale dalka duulaan dibadda ah lagu ekeeyo, wuxuu yiri “ waan ka
carareynaa”, haddii awooddiisu intaas tahey muxuu u diidayaa hadalka
culimada, kan odoyada dhaqanka, iyo kan culimada caalamka Islaamka, muxuu
intaas ugu doorsanayaa midiidin Eretrean inuu noqdo, nin saliibi ahna ilaahey
kheyr inuu siiyo ugu baryayaa, isla markaana dhanka kale uu caadi ugu arkaa
dhimashada ay gaarsiinayaan xisbigiisu shacabka mislimka ah ee Soomaaliyeed.
Isku soo duub wadaadka u xuubsiibtey hogaamiyeedka cusub, wuxuu xaley ku hor
bariiqdey Soomaali meel kasta oo ay joogaan, caalamka carabta, iyo
taageerayaasha uu ku beerlaxawsan jirey diin ayaan u socdaa, wuxuuna wadaadku
muujiyey xikmad yaridiisa marka uu dadoo dhan ka doortey rajiimka hareereysan
ee Eritrea, wuxuu muujiyey xeelad xumo marka uu asagoo ay ka xiran yihiin
garoomada hubka sadaqada ee ka imaanayey rajiimka Eritrea ee loogu tala galey
in lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed laga xirey oo ay aheyd in uu is dabciyo,
laakin waxaan dib u xasuustey siyaasi Soomaaliyeed oo yiri ninkaasi weligiis
tawfiiqda ilaahey ma waafujin, marka wax loo ogol yaheyna wuu madax adkaan
jirey, marka uu tiisa xoog ku raadshana waa lagu jabin jirey.
Gabagabadii waxaan u arkaa wareysigaasi inuu meel cidla ah soo fariisiyey duqa,
ayna wax fiican in la hadalsiiyo, asaga iyo shacabka Soomaaliyeedna maalmaha
soo socda ayaa kala xukmin inta aan loo gudbin xukunka aakhiro, waxaana
ilaahey ka tuugeynaa in uu naga dhigo kuwa ka sheekeeya.
Axmed Deeq Maxamed
Qaranimo2009@yahoo.com
Muqdisho, 1 June 2009