SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

SUXUFIYIINTA SOOMAALIYA: MA SIDAN BAA AQOONTOODU! 

Assalaamu calaykum.

Run ahaantii waxa aan kamid ahay dadka Soomaalida ahe sida joogtada ah ugu xiran saxaafadda, gaar ahaan, bogagga Internetka. Maalin walba waxa aan galaa tiro aan yarayn oo bogag Internet ah, isuguna jira Soomaali, Carabi iyo English. Waxa intaas dheer, aniga ooy maqaallo dhawr ah oo diin u badani iigu soo bexeen bogagga Soomaalida qaar.

Aroor walba marka aan adkaarta subaxnimo akhristo, Yaasiin iyo Tabaarakna ku daro, waxaan aad u jeclahay, in aan daalacdo wararka dalkaygii Soomaaliya ka imaanaya. Ugu horreyn, waxaan furaa www.moqokori.com. Boggaasima aha mid warar maalinle ah laga helayo, laakiin waxan ka dhigtay home page ama rug aan kaga duulo bogagga kale ee Soomaalida. Halkaas waxa aan ka galaa oon ku asbaxaa www.dayniile.com.

Dayniile waxaan ku jeclahay inuu soo qoro dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay saacaddii ama labadii saac ee lasoo dhaafay. Xiisahaas aan Dayniile u qabo, waxa barbar socda ciil-kaambi iyo uur-ku-taallo ay maalin walba igu reebaan dhallinyarada halkaas wax ku qorta. Qaabka qoraalkoodu waa jaantaa rogan. Shaqalkii iyo shibbanihii, xuruuftii yaryarayd iyo tii waaweynayd, xuruuftii laban-laabmaysay (MNLGRDB), joogisgii, hakadkii, sadarkii cusbaa iyo wax allaale wixii qoraal lagu toosin lahaa baa iskaga dhex yaacsan, mararka qaarna waxad is-weydiinaysaa: Toloow qofka waxaan qoray weligiis iskuul ma gelin miyaa?.

Dayniile iyo wararkiisa degdegga ah, ha yeeshee deelqaafka miiran marka aan ka boxo, waxan aadaa halkaas iyo www.waagacusub.com. Waaga cusub wararkiisa degdegga ahi ma badna, hase yeeshee mararka qaar waxa kusoo baxa qoraallo bogagga Soomaalida intooda badan aan lagu qorin oo macluumaad sir ah xambaarsan, aadna la yaabayso sida lagu helay, waloow sixadooda aan la hubin. Si kastaba, waxa isna fara ba’an ku haya qoraal aan habaysnayn oo Align left u wada qoran, sawirro iyo xayaysiin fara badanina ka dhex buuxaan. Dhanka hoose ee bog kasta oo Waaga cusub waxaa ku jira links midabba badan oo habayntooda iyo hagaajintooda aan marnaba la isku mashquulin. 

Dayniile iyo Waaga cusub dabadood, waxaan isha lasii raacaa bogagga kale: www.horseedmedia.com, www.mudugonline.com, www.xogsheeg.com, www.jowhar.com, www.qaranimo.com, www.shaaciye.com, www.boondheere.com, www.somaliweyn.com iyo qaar kale.

Bogagga qaar waxaad dareemaysaa in aanay rag usoo warrama lahayn oo waxa meelaha kale lagu qoro uun ay soo min-guuriyaan (copy and paste). Taas waxa dheer, ragga wax ku qora bogagga Internetka Soomaalida intooda badan aqoontooda iyo qaab qoraalkooda labaduba aad bay u liitaan. 
Tusaale ahaan, maanta waxaan bogga www.xogsheeg.com ka akhriyay qoraal cinwaankiisu yahay: Mahad Cumar oo Sheegay in dhawaan loo magacaabi doono Safiirka Somalia ee South Afrika +Sawirro. Waan galay, waxa ugu weyn ee aan maanka ku hayayna waxa uu ahaa in aan helo xog ku saabsan Mahad Cumar. Waxa keliya een ogaaday waxay ahayd inuu wax ku bartay, ganacsina ku haysto Koofur Afrika. Waxan isweydiiyay qofka qoraalkaan sameeyay muxuu isugu hawli waayay inuu wax ka ogaado Mahad waxa uu bartay, jaamacadaha uu ka baxay iyo darajooyinka uu cilmiyeed ee uu ka qaatay, si bal akhristuhu u qiimeeyo qofkaas jagadaas muhiimka ah isu diyaarinaya?. Qoraalkaas akhrintiisa waxaan kala noqday niyadjab aan yarayn.

Intaas keddib, waxaan galay bogga kale ee www.qaranimo.com. Wararkii aroornimo markaan wax iga daadega ka waayay, sawirradii baan isha la raacay. Waxaa iga soo horbaxay sawirka Axmed Saleebaan Bidde oo ahaa abwaan Soomaaliya can ka ahaa toddobaatamaadkii iyo siddeetamaadkii qarnigii tegay. In kastoon anigu waayahaan dambe aanan fanka Soomaalida u dhuun-daloolin, haddana waxan is iri bal iska eeg oo arag waxa laga soo qoray. 

Dhab ahaantii, waxa keliya ee qofkii qoraalkaas akhriyaa uu ka faaiidayaa waxa weeye in ay jireen laba nin oo reer Saleebaan Bidde ahaa oo abwaanka la dhashay. Macluumo intaas dhaafsiisan qofkii ka helaana aniga ha igu beeniyo. Ereyada uu qoraagu adeegsaday waxaa kamid ah: Marka aad maqasho magaca Axmed Saleebaan Bidde ,ayaa waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya suugaan aad iyo aad u fara badan oo kooban dhamaanba noocyada kala duwan ee ay suugaantu leedahay,sida riwaayadaha,maajilada iyo gabayadaba. Hase yeeshee iskuma aanu hawlin inuu xitaa hal hees, ama hal riwaayad ka xuso suugaantaas faraha badan ee maskaxdiisa kusoo dhacday!. Qoraagu sidoo kale, ma aanu sheegin halka uu Axmed joogo iyo wax haba yaraadeene macluumaad lagala noqonayo akhrinta qoraalka. Waxan keligay iskula hadlay: War heedhe ninka waxaan qoray, ma sawirka inuu ina tuso ayuun buu u dan lahaa!?.

Guud ahaan saxaafadda Soomaalidu waa caynkaas. Waxa dhacaysa in nin wasiir ahaa jagadii laga qaado oo nin kale loo dhiibo. Bogga warkaas soo tebiyay waxa uu ku tusayaa sawirka wasiirka cusub iyo magaciisa. Waxa ugu badan ee laguu raacinayaa in lagu yiraahdo waa nin khibrad dheer u leh shaqada loo dhiibay. Hase yeeshee, laguu sheegi maayo taariikhdiisii, meelihii uu wax ku soo bartay, wixii uu soo bartay, meelihii uu kasoo shaqeeyay iyo wixii lamid ah. Carabtu waxay ku maahmaahdaa Faaqidush-Shay’i laa Yucdhii (Qofna wax aanu haysan ma bixiyo). Soomaalidu maahmaah taas lamid ah bay leedahay oo ah: Laba qaawani isma qaaddo. Waxaan uga dan leeyahay, qofka suxufinimada sheeganaya ee khabarka soo tebinayaa aqoon uma uu laha waxa uu ka hadlayo ee jumladii uu soo maqlay ayuu xoogaa naashnaash ah kuugu derayaa. 

Tusaale ahaan, marka uu kuu sheego magaca qofka wasiirka laga dhigay ama la damacsan yahay in laga dhigo, ayuu bogga kuugu buuxinayaa jumlado sida kuwan: Dadka siyaasadda u kuurgala badankoodu waxay rumeysan yihiin in Hebel yahay nin khibrad durugsan u leh shaqada loo dhiibay. Shacabka reer Muqdisho waxay isweydiinayaan waxa uu ka beddeli karo xaaladda murugsan ee magaalada caasimadda ah ka jirta iyo waxa uu kusoo kordhin karo sidii loo joojin lahaa dagaallada dadka badan galaaftay iyo madaafiicda ……... iyo war fara badan oo bogga ku buuxi ah.

Waxaa markaas khasab kugu noqonaysa in aad xuuraansato warka wasiirkaas cusub ee la magacaabay ood qof wal oo yaqaan aad raadiso, si ninkaas aad macluumaad uga hesho, hase yeeshee tobanaanka jaraa’id iyo bogag Internet ee Soomaaliya ka jira, waxba kaasoo raaci maayaan haddaad maanta oo dhan rogrogayso.

Suxufi kale oo sawirkiisa oo midab leh www.dayniile.com soo geliyay waxa uu qoray maqaal cinwaankiisu yahay: Dowladda KMG ah ma ka dabaalan kartaa xaalada adag ee Dalka ka jirta iyadoo Wasiiradeeda inta badan ay heystaan baasabooro shisheeye? By:Tafatiraha Shabkadda Dayniile. Isla marka aad cinwaankaas akhriso, waxaa kugu soo dhacaya bal bogga gal oo arag sida baasaboorrada loo kala haysto. Hase yeeshee waxa filan waa kugu noqonaysa marka aad aragto in sidan wax u qoran yihiin:

1. C/raxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi) Ra’iisal wasaare kuxigeen Ahna wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda(Baasaboor Ajnabi ah ayuu ku Yahay Wasiir Soomaali)
2. Shariif Xasan Sheekh Aadan Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda. (Baasaboor Ajnabi ah ayuu ku Yahay Wasiir Soomaali)
3. C/waaxid Cilmi Goonjeex Ra’iisal wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka
4. Maxamed C/llaahi Omaar Wasiirka Arrimaha dibadda.. (Baasaboor Ajnabi ah ayuu ku Yahay Wasiir Soomaali)
5. Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirka Gaashaandhiga.. (Baasaboor Ajnabi ah ayuu ku Yahay Wasiir Soomaali). Sidaasna qoraagu uu ku tixay magacyada lix iyo soddon (36) wasiir, mid walbana uu raaciyay (Baasaboor Ajnabi ah ayuu ku Yahay Wasiir Soomaali) kii aan haysanna hortiisa banneeyay. 

Waxaa yaab leh qofka sidaas qorayaa muxuu isleeyahay dadka u faaidee? Haddaanu awoodin inuu ogaado dalka iska leh baasaboorka wasiirku wato, maxaa ku khasbaya inuu arrinta qoraal ka sameeyo oo macluumaad daba go’an dadka waqtiga uga lumiyo?.

Tan iyo dhammaadkii sagaashanaadkii qarnigii tegay, waxaan ku dhex jiray Internetka, hase yeeshee maalinna ishaydu ma ay qaban suxufi Soomaaliyeed oo isku mashquuliyay in intuu column (qayb wax lagu qoro) gaar ah samaysto muddo go’an oo kasta cilmi ay dadku ka faaiidaystaan kusoo qora, sida: diinta Islaamka iyo furuucdeeda kala duwan, xisaabta, dhaqaalaha, taariikhda, culuunta laameheeda kala duwan, luqadaha, iwm.

Bogagga Internetka iyo dadka wax ku qoraa ma wada aqoon xuma oo qaar wax badan laga faaiidayo ayaa jira, hase yeeshee inta aan ka warqabo dadkaas waxa faaiidada leh qoraa suxufiyiin iyo ASOJ iskuma ay tilmaamaan, haddii ay yihiinna waa fara-ku-tiris.

www.somalitalk.com  waa bog aad ii cajabiyay dhinac kasta, marka laga reebo in aanu warar saacaddii ugu dambaysay Muqdisho ka dhacay ku siinayn. Waxaa xusuus mudan qoraalladii Somalitalk uu ka sameeyay; Badda, Sunta, Gabdhii Somaliland lagu jirdilay, iwm. Waxa aan la yaabay xodda iyo macluumaadka faraha badan ee uu boggaasi ururiyay. Waxaan dhihi karaa mawduuca baddu wuxuu ahaa mid astaahila in Thesis ama Dissertation (Risaala) ahaan darajo loogu siiyo. 

Bogga kale ee www.hiiraan.com in kastoo uu yahay qunyar socod, waxyaabo badan iska ilaaliya, wararka uu qorayana wax badan ka fiirsada, haddana waxa aan ku jeclahay, qaab qoraalkiisa iyo hufnaanta Af-Soomaaliga uu wax ku qoro oo aad u tifaftiran. Marka laga soot ago, faallooyinka badankoodu ay English ku qoranyihiin, way adagtahay in qof koofurta Soomaaliya ka yimid uu qoraallada www.hiiraan.com ku arko khalad daabacaad ama mid aqoon darri af Soomaali ku saabsan ka dhashay.

Kolka aad dhan kasta ka eegto, suxufiyiinta Soomaalidu waxay ku wanaagsan yihiin wixii markaas dhacay inay soo gudbiyaan, oo madfac baa madaxtooyada goor dhowayd lagu weeraray kuugu waa bariiyaan, sawirrana mararka qaar soo raaciyaan, laakiin aqoon guud yo mid gaar ah labadaba waxay kala mid yihiin ardaydii berisamaadkii dugsiga hoose fasalka afaraad dhigan jirtay!.

Suxufiyiinta Soomaalida ee Internetka wax ku qorta, waxaan ku tirtirsiin lahaa sida ay ugu doodayaan oo u daba joogaan xuquuqdooda, isuna haystaan dad dunida wax la qaybsanaya oo darajo saxaafadeed gaaray, xornimadoodana la dafirayo, sidaas si lamid ah inay heerkooda aqooneed iyo qaabkooda wax qoris labadaba sare ugu qaadaan, waxyaabaha ay wax ka qorayaanna inta aanay qalinka qaadin si quman u darsaan, si qoraalkooda looga faaideysto.

Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota – United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: