SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Maxaa hortaagan Qaranimadii Soomaaliyeed 

Qeybtii 2aad 

Qeybtan waxey daba socotaa Qeybtii 1aad ee Maxaa hortaagan qaranimadii Soomaaliyeed. 

Wadaniyad la’aan 

Soomaalidu Sideedaba marka laga eego xagga waddaniyada waa looga horeeyaa, taasoo keenta in ay wax baddan fududeeyaan. Ummadaha kale waddankooda ayaa wax walba uga horeeya oo mar walbaa wey ka hortagaan wax walboo waddankooda wax u dhimaya. Annaga hadeynu nahay Soomaali ma arkeysid qof ka danqanaya dhibaatada ka taagan waddankeena oo wax walbaa waxaa uga horeeya qadiyada qabiilka. Waayadii hore waxaa la arki jiray bulsho isku xiran oo is abaabula oo ka dhiidhiyay wax walboo meel ka dhac ku ah waddankooda. Nasiib daro maanta markaad aragta qolo kacsan waa qolada markaas kasoo horjeeda maamulka markaas jira. Halka qolyaha aamusanna ay markaas maamulka jira ku taageersan yihiin arimaha jira. Berri haddii ay wax isbadalaan ayaad arkeysaa labadii qolo oo shaararkii kala badashay kuwii horan ay noqonayaan muxaafid kuwii muxaafidka ahaana mucaarid. 

Soomaalida maanta malaha mabda’ qura oo loogu soo hagaagi karo, waana ayaandarada waddankeenii ku habsatay oo illaa maanta la la’ yahay koox isxilqaanta oo boorka ka jafta kaalintii wadaniyeed. 

Aqoonyahan kaalintiisii gabay 

Ummad waliba waxaa tusaale lagu daydo u ah (Role Model) hadba dadkooda waxbartay oo mar walba ku haga waddada toosan ama waddada ay markaas ku gaari karaan horumar. Nasiib daro Aqoonyahanka Soomaaliyeed si walbuu wax u soo barto marna kama mara aragtida reer tolkiis oo wuxuu mar walbaa sax ama qalad kula safan yahay reer tolkiis. Waxaad arkeysaa qof aqoonyahan ah oo ka tala qaadanaya oday jaahil ah, oo aan waxna qorin waxna aqriyin. Waxaad arkeysaa aqoonyahan Warlord la ogyahay filalka u wada oo qofkii la rabay in uu majnuunkan wax u sheego, isagiiba hor boodaya oo ku taageersan arimahaa daaquudka ah. Haddaba haddii uu xalka aqoonyahanadii Soomaaliyeed u sidan yahay, yaa laga sugayaa inay ummadda indho u noqdaan oo lagu daydo. 
 
Ku xirnaan gacan Shisheeye 

Allaah subxaanalaahu wa tacaalaa wuxuu nagu maneystay Nimcooyin fara baddan, oo waddankeenii waxaa dhex ceygaago kheyraad fara baddan bad iyo berriba. Nasiib daro uma jeedno nimcooyinkaas, oo ma arkeyso qof ku xisaabtamaya waxa dalkeenu leeyahay  oo waxaad maqleysaa hay’adaha samafalka ah waxa ha ina siiyaan iyo waayahan deeqo ma ayanaan helin. Soomaalidu horey ayaa waxey u tiri “Biyo sacabaadaa looga dhergaa” taaso Micnaha ka danbeeyaa uu yahay wax qof kale kuu hayaa loogama baahi baxo, oo waxaa wanaagsan inaad waxaaga ku xisaabtanto. Dowlad walboo lasoo dhiso shilimaadki ay ku shaqeyn laheyd waxa ay ka sugeysaa dibadda, taasoo keenta inay fashil ku danbeyso. Waxyaalaha laga naxo waxaa ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lacagtiisa bixinaya UN-ka. Haddaba sidee ayeey u shaqeyn kartaa dowlad madaxdeedii dibadda laga biilayo, oo sidee ayeey adduunka wax ula qeybsan kartaa. 

Kooxo Diimeedyada 

Soomaaliya waxaa ka jira kooxo diimeedyo fara baddan oo runtii uu wanaagooda aad u baddan yahay marka la eego arimo fara baddan oo ay waddanka ka qabteen, laakiin nasiib daro aanan laheyn hadaf mideysan iyo ujeedo ay ka leeyihiin arimaha Soomaaliya, taasoo keentay in ay xabadu iska socoto oo ayan ku saleynayn qaacidadii islaamiga aheyd ee aheyd in mar walbaa lakala doorto laba dhibood midkood, lana qaato hadba tan fudud. Soomaaliya shalay hadey Itoobiya joogtay oo lala dagaalay, lagana saaray waddankii, maanta waxey aheyd in ay xabadu joogsato oo arimaha haray lagu raadiyo waan waan iyo dowladdan cusub oo cadaadis lagu saaro inay sida ugu dhaqsaha baddan uga saarto ciidamada shisheeye waddanka oo la tuso in haddii ay wax qabato lala shaqeynayo. Nasiib daro taas ma dhicin oo xabadii ayaa iska socota, taasoo iyadana caqabad kale ku noqotay in la gaaro masaalixdii caamka aheyd. 

Libinta oo aan leysu ogoleyn
 

Soomaali waxaa wax walbaa dhaafiyay wax la yiraahdo xiqdi iyo xaasidnimo oo qofkii wanaag la yimaadoba laga urinayo reer hebel iyo siday qolo fulaan noo hogaamisaa. Qof kastoo isku daya inuu wanaag la yimaado waxaa hortaagan cudurkaas dilaaga ah ee Soomaali aafeeyay. Xitaa reeraha dhexdooda wey dhextaalaa arintaas oo qof aan raali laga aheyn hadduu la yimaado wanaag, waxaa la leeyahay siduu qof hebel wax noogu keeni karaa. Sida diinteena ay sheegtay xaasidnimadu waxa ay la hartaa qofka oo xasanaadkaagi oo dhan ayeey cuntaa. Waxaa intaas oo idil ka daran iyadoo la ugaarsanayo ama la laynayo aqoonyahanadii iyo dadkii wax ku oolka ahaa oo Soomaaliya u ahaa keydka, iyadoo lagu saleynayo qabyaalad ah reer hebel siday nooga aqoonyahano bateen iyo reer hebel ninka laga dilo aynu raadsano. 

Taariikh been abuur ah

Si ummadda loo xumeeyo dhagahooda iyo quluubtooda ayaa waxaa la been abuuray taariikho la leeyahay reer hebel beri bay dakano naga galeen iyo iyagaa geesiyadeenii laayay iyo xoolaheenii dhacay, taasoo horseeda in dadkii walaalaha ahaa lakala dhex dhigo cuqdad iyo in dadkii lagu dagaal galiyo arimahaa foosha xun. Wey jiraan oo ma diidayo in ay dhici karto in shaqsiyaad xun xun oo saldano doon ahaa ama sidooda isaga dagaal jeclaa ay dad laayeen ama dakano galaan, laakiin in shaqsi wuxuu galay ummad dhan duudka loogu saaro maaha wax bani’aadan nimada ku haboon oo diinta islaamka meel kasoo gala. Aniga shaqsiyan marka aan qoraalkan qorayo, waa arin igu kooban oo reerkayga ama qoladeyda wax ay shaqo ku yeelan karaan ma jirto, laakiin nasiib daro Soomaalidu aragtidooda waa reer hebel ayaa qoraalkaas qoray. 

Gabagabo 

Arimahan ayaan isleeyahay ayaa sal u ah bur burka qaranimadii Soomaaliyeed oo wey dhici kartaa inay jiraan arimo kale, laakiin aragti ahaan intan ayaan isleeyahay. Arimahan oo aan daawo loo helina wey adag tahay sidi xal loogu helo badbaadinta qarankii Soomaaliyeed. Wey jiraan isku dayid fara baddan oo ay waddaan dad fara ku tiris ah laakiin waxaa dhici karta inay ka baadi goobayaan xalka Soomaaliyeed meel uusan jirin, ee waxaan oran lahaa haddii daawo la doonayo haloo raadsho halka ay naga jirto daawado. 

Qoraalkan haddii aan asiibay xaqiiqada waxey ka sugnaatay allaah, haddii aan ku qaldameyna waa nafteyda iyo sheydaan. 

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester

Maxaa hortaagan Qaranimadii Soomaaliyeed 1aad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: