Culumada Musaalixada iyo Sixiddu ma waxay Leeyihiin
Fidnadii waxay ku Dhammaatay Bixidda Tigreega ee Xamar
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahah leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Muqaawamadu waxay dhaheen waxaan maqleynaa Allaah oo leh haddaan
Afsoomaali ahaan u qoro “W A QAATILUU XATTAA LAA TAKUUNA FIDNAH” ilaa
dhammaadka aayadda. Haddey aayaddu dhihi lahayd Jihaadda ilaa aysan
fidno ahaaneyn waxaa dhici kartay in dad culumo sheeganaya ay dhihi
lahaayeen jihaadka waxaa laga wadaa “jihaadu nafsi” laakiin aayaddu
waxay tiri dagaalama. Ma waxaa xabbadda loo dhigayaa Tigreega Muqdisho
ka baxay dartii ileyn fidnadii waa taal Xamare? Muqaawamadu markii ay
xabbadda qaateen ma Ashahaado-la-dirirkii bey uqaateen mise Zenawi?
Teeda kale maxay dad culumo sheeganaya u rabaan in Ashahaado-la-dirirka
qaarkood hadda saxaafadda ka leh: Itoobiya nabadi kagama dambeyn Xamar,
noqdaan guddoomiye gobol iyo madaxda booliiska? Maxayse shacabka iyo
Muqaawamada isagu dirayaan?
Sida muuqata nimankaas culumada sheeganaya iyo afmaallo badan oo ka
hadlay isu-soo-bixii waxay soo dhoweynayaan Ashahaado-la-dirirka,
ciidamo gaalo ah sida kuwa Amisom, iyo garabka Jibuuti halka ay
caayayaan Muqaawamada! Afmaalka qaarkood waxay haddeer idaacadaha
hortooda u kala hiilinayeen C/hi Yuusuf iyo Nuur-cadde! Horta yaa
doortay guddiga culumada la sheegayo? Soow Nuur Baaruud ma ahayn ninkii
joogay Nayroobi shir lagu taageeray heshiishkii Jibuuti? Maxayse tahay
dhexdhexaadnimada laga hadlayo? Yaa u qabanaya waxa Nuur Baaruud ka
sheego Muqaawamada ileyn waa ogayn iney isu hayeen labo kooxood oo
kuwana Islaax yihiin kuwana Salafiyo sida Al-Itixaad ama Al-Ictisaam ama
Ash-Shabaab?
Horta Tigreegii Xamar muuq ahaan bey kaga baxdaye laakiin macnawi
ahaan waxaa u jooga wakiilladoodii. Sidoo kale Tigreegii meelo badan oo
Soomaaliya buu joogaa. Bilo ka hor baa la soo qoray in la rabo in
shacabka iyo Muqaawamada la isku diro. Waxaa is weydiin leh: shacabka
Soomaaliyeed dhibta gaartay darteed ma yeelayaa in wiilashoodii Ilaahay
gacantooda ku saaray Tigreega iney hadda ku jeestaan? Haddii taasi
dhacdo maxaa guddiga culumada sheeganaya ka faa’iidayaan?
Nimanka culumada sheeganaya ma asiibin waxay ka hadlayaan oo waa u
gafeen Muqaawamada. Teeda kale xitaa haddii nin caalim ahi gefo ma lagu
raacayaa? Anigu nimankaasi guddiga sheegta waxay xukumeen wax kama
jiraan baan ka dhigi lahaa. Soow nabi Daa’uud (CS) marar uu xukun khalad
ah riday dib kama sixin nabi Suleymaan (CS)? Marka nabi Ilaahay baa lagu
ceshay xukunkiisii khalad ka ahaa marka maxaad mooddaa caalim kale ama
kuwo culumo sheeganaya? Nabi Daa’uud (CS) si kasta waa uga weynaa nabi
Suleymaan (CS). Inkastoo nimankaas qaarkood yihiin dariiqo la yaqaan oo
qaarkood wax la qeybsadaan dagaaloogayaasha iyo dowladdii Mbaghati.
Marka sidii qisadii haweyneydii isku dhejineysay ilmaheysan dhalin bey
iska dhigayaan iney yihiin kuwo ka damqanaya shacabka. Laakiin waa
Muqaawamada dadka ka naxaya shacabka ee usoo halgamay. Nimankaan
qaarkood Tigreegey Xamar isla joogeen. Qaarkood garoonka Aadan-cadde bey
ka soo degeen waxayna jiifi jireen huteelo Nayroobi iyo meelo kale ku
yaalla. Qaarkood Tigreegu inta xireen bey iska soo daayeen. Waxaa uun la
maqlaa markii Muqaawamadu guul gaarto. Waan ogeyn markii Muqaawamadu
guuleysatay 2006-dii iney idaacadaha iyo teleefishanada soo fariisan
jireen.
Maxaa loo difaacayaa Amisom? Soow Amisom uma imaan iney Geeddi iyo
C/hi Yuusuf difaacdo? Soow uma imaan iney goobaha dhaqaalaha u
waardiyeeyaan inta Tigreega iyo Tigree-raacu leynayaan shacabka
Soomaaliyeed? Ninka Tigreega iyo Tigree-raaca u aruurinaya dhaqaalaha oo
qadada u karinaya si tamarta Tigreega iyo Tigree-raacu helaan ugu
laayaan shacabka miyaa ka dhib yar Tigree iyo Tigree-raac?
Wadaadadii shalay lahaa garoon baa xirmaya waa beentood. Ilaahay
beyna la hortagayaan. Yaa furay garoonka iyo dekedda Muqdisho? Ma Cabdi
Qeybdiid iyo Dhagaxtuur? Mise Muqaawamada? Haddii shalay Muqaawamadu
fureen maxaa xiraya haddii Amisom baxdo?
Teeda kale waxay gef ka galeen Gaza iyo reer Falastiin sidii iyadoo
dadka Gaza ay khalad ay leeyihiin darteed loo leynayo! Waxaadna mooddaa
in ay shacabka Xamar ku leeyihiin yaan sidii dadka reer Gaza la
khaldamin oon Amisom la taaban si aan garoonka diyaaraduhu u xirmin!
Xaggee ka soo akhristeen waxay shubayaan? Sida diintu tiri oo sunnada
ah Kitaabka Qur’aanka isku-xukunkiisa waxaa ka horreeya kala-bax xaqa
iyo baadilka, kadeed, kur-iska-goyn, kala-carar iyo baro-kac, carruur
iyo cirroole kafan la gesho iyo xabsi la isku karantiilo. Maxaa wixii
Ilaahay sheegay ee dhibka ahaa looga dhigayaa wax Muqaawamada la timid?
Ma nabi Muxamed (SCW) baa keenay cunoqabateyntii la saaray Banuu Haashim
ilaa ayba dhici karto in hooyadeen Khadiija (RC) ay u dhimatay macaluul
iyo cudur. Ma nabigaa (SCW) ka mas’uul ahaa saxaabadii la
barakiciyey/hijrooday? Muslimiintii Uxud iyo Badar ku dhintay ma nabigaa
(SCW) dilay? Marka qofkii Shareeco Islaam xukunkeeda raba waxaas oo
daruufaa baa ka horreeya ee ma samreynaa mise nimankaas huteelada qabow
ubartay baan dabogalnaa?
Horay baa sheekh Shariif iyo Janaqoow damceen iney daliishadaan
heshiiskii Xudeybiya waxayna ka fahmeen khalad. Janaqoow in dadka
muslimiintu ra’yiga isku qaban karaan wuxuu usoo qaadatay markii Cali
Binu Abuu Daalib (RC) diiday inuu masaxo qoddobkii ahaa in Suheyl Binu
Camri diiday in la daayo Rasuulka Ilaahay ee lagu qorayo warqaddaas.
Qoddobkan isaga ah uma noqonayo daliil arrimahaas. Keliya wuxuu
qodobkaas tusayaa in Qureysh soo dirsatay nin caqli badan. Laakiin
saxaabadu (RC) waa ku khaldanayeen iney diidaan amarka Rasuulka Ilaahay
(SCW). Waxaad aragtaa in nabiga Ilaahay (SCW) iyo saxaabadu aadeen Cimro
aan markaas waajib ahayn (qofkii iney waajib tahay u arka). Marka la
eego dagaalkii Axzaab ma jirin hal saxaabi oo hadal ku soo ceshay nabiga
Ilaahay (SCW) maxaa yeelay markaas arrintu waxay ka degeysay meel culus.
Marka nimanka Xamar oo weli gaalo ku jirto iska daa waddanka intiisa
kalee oo weli raba iney shacabka iyo Muqaawamada isku diraan waxaan
leennahay waa la idin arkaa, shacabkuna waa kala yaqaan ninkii gana iyo
kii galada.
Muqaawamadu waxay ku doodayaan sida markii Ilaahay jabshay Axsaab ay
horayba ka aadeen cadowgii gudaha – Yuhuuddii Banu Qureydah ayey
leeyihiin haddii Tigreegii halgan kaddib Ilaah naga saaray waxaan la
dagaaleynaa Amisom iyo Tigree-raaca oo ah cadowga gudaha. Waana mas’alo
la fahmi karo. Yuhuuddii Banu Qureydah intooda badan dagaalka toos uma
gelin ee waxay la showreen oo damceen in ay la saf noqdaan xulufadii
Mushrikiinta. Laakiin Tigree-raaca oo markii horaba shacabku saaray
hadda waxaa u sii dheer waxay toos u soo galeen dagaalka ay Tigreegu ku
qabsatay Soomaaliya marka waxay sameeyeen wax ka daran waxa Yuhuuddii
Banu Qureyda sameysay. Tigree-raacu waxay ku yimaadeen iaygoo saaran
taangiyo Xabashi. Marka Muqaawamadu sunnada nabiga (SCW) ayey ku
taaganyihiin hadday abbaareen cadowga gudaha halka nimanka culumada
sheeganaya ay qaateen qaraar ka duwan kii nabiga (SCW) iyo saxaabadu
qaateen oo waxaad mooddaa iney leeyihiin waxaa fiican in la daayo Banii
Qureyda.
Khasab maaha in Amisom la weeraro hadday diyaar u yihiin iney baxaan.
Sida sheekh Xasan Mahdi sheegay waxaa Amisom la soo xireen kuwaas
culumada sheeganaya iyo garabka Jibuuti iyagoo leh ma baxnaa? Laakiin
waa la isku qabtay wixii la yeeli lahaa. Horay baa sheekh Shariif u
sheegay inuu rabo in la keeno ciidamo kale oo Afrika ka yimaada! Waxaan
la yaabbanahay haddii Tigree baxay, Kuwa Jibuutina rabaan iney la
shaqeeyaan Tigree-raaca Ashahaado-la-dirirka ah maxuu u rabaa in la
keeno ciidan shisheeye? Waa caddahay arrintu waxay rabaan in loo gumeeyo
shacabka Soomaaliyeed.
Way dhici jirtay in culumadu xeeladeysato marka la khasbo sidii
fidnadii Qur’aanku inuu yahay makhluuq laakiin kuwani waxay kaga duwan
yihiin waxay khaldayaan shacabka iyagoon cidna ku khasbin arrintaas.
Iyagaa inta tagaan meelaha bannaanbaxu ka socdo waxaas dadka u sheega.
Iyagaa inta idaacadaha taga ama la xiriira waxaas shuba.
Insha Allaah sidii Ilaahay u qabtay sagaalkii nin ee damcay iney
miraan oo khaarajiyaan nabi Saalax (CS) ayaa Ilaahay u qabandoonaa
fidnadan ay wadaan sagaalkan kooxood: CIA, Zenawi, Jibuuti, Yemen,
Musaveni (Amisom), Ashahaado-la-dirir, garabka Jibuuti (sheekh Shariif
iyo xertiisa), odayaasha Hawiye (ururka Xaad iyo Diiriye ee kama wado
odayad Hawiye oo dhan) iyo kuwaan sheegtay culumada masaalixda iyo
sixidda.
Kooxda Shariifka waxay dhaheen waxay baarlamaanka kusoo dhisayaan
4.5! Waxay i xasuusineysaa riwaayaddii “hablayahow hadmaad guursan
doontaan.” Islaan tumasho soo dilootay oo qaad iyo dhalo khamri ah wata
ayaa waxaa ku soo baxaysa gabdho markaas soo kacay oo qaarkood suuqa sii
galayaan. Islaantii oo kalmado Talyaani ah tuuraneysa ayaa tiri:
“proprio mio strato”. Wey sey ugu dhawaaqday. Talyaaniga ma aqaan
haddaan khalday ha la i saxo waxayna Afsoomaali ku sii tiri: waa
waddadeydii oo sax ah. Waxay tiri: dariiqeygii qodxaha badnaa baa lagu
socdaa. Waxay sii tiri: war ma oga, iyagaase ogaan doona. Waxay tiri
haddaad tubtayta qaadaan WALLEE salkiin waa hoog. Waxay sii tiri:
- Horaan u dullooboo waqtigaygii uga dib dhacay
- Daroogo iyo caashaq miyey caawa ila darseen
- Oo dukhaanka iyo jaadka miyaan sii daldalahayaa
- Sigaarkaan ka dafsiiyey dambi ma iga raacayaa
- Dad iyo duunyaba kuwaasaan dugsanahayaa
- Kuwa ku duullaan ahoow saasaa idiin dambeyn
Nimankii culumada sheeganayey ee hadda leh 4.5 baan wax ku qeybsaneynaa
soow maaha dariiqii Mbaghati oo sidiisii ah? Sida islaanta gabdhaha u
lahayd ciddii waddadeeda qaadda saasaa u dambeyn soow sheekh Shariif iyo
golyaha Jibuuti ee haddeer ku socda waddadii C/hi Yuusuf iyo Cali
Maxamed Geeddi saas uma dambeyn doonto? Soowse kama sii darna kuwa
culumada sheeganaya ee kuwaas qiilka u raadinaya? Marka haddaad fidno u
taqaannaan Tigree ka baxay Xamar haddee Xamar waxaa jooga shisheeye iyo
Tigree-raac. Marka shacabku waxay maqlayaan kuwa aan cidlada uga
carareyn markey isku dhabaqdo ee aan ku ordeyn huteelo ku yaal waddamo
qalaad. Marka qolyaha guddi culumo sheeganayoow waa la idin arkaa.
Gabdhihii sida habarta ku sheegtay bay ku dambeeyeen. Marka nimanka
haddee leh qabiil iyo 4.5 baan ku qeybsaneynaa iyo kuwa qiilka u
raadinayaba halkaasay ku dambeyn haddii Ilaah idmo.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Qormadii Hore:
Maxkamadaha oo Shabaabkana Weeraray; Tigreegana leh Waddada ha
loo Furo.. Akhri...