Maxkamadaha oo Shabaabkana Weeraray; Tigreegana leh Waddada ha
loo Furo
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Maxaa Maxkamaduhu intaas ugu hayaan yaan far la saarin
Tigreega halka ay weerar af iyo addin ahba ku qaadeen
Ash-Shabaab? Bannaanbixii lagu taageerayey Janaqoow waxaa ka
hadlay sarkaal ka tirsan Tigreega! Sidee askari Itoobiya u
dhashay ugu khudbeeyey taageerayaasha Janaqoow? Mise hadda wax
kasta waa la fishaa.
Ash-Shabaabku waxay ku hadli jireen waagii Maxkamaduhu Xamar
iyo gobollada u dhowdhow qabsadeen bey weli ku hadlaan. Markaas
sida Shabaabku u hadlo waxaa u hadli jiray sheekh Shariif iyo
Janaqoow marka maxaa isbeddelay?
Inkastoo gaalo rabtay in shacabka la isku diro haddana
falsafadda sheekh Shariif iyo Janaqoow midna dan uguma jirto
jufooyinkey ka dhasheen iska daa qabiilo kale, Soomaali weyn
amaba Muslimiinta kale. Janaqoow wuxuu sheegay in Ash-Shabaab
iyo Khawaarijtu wadaagaan sifooyinka ugu waaweyn. Maaddaama
culumada muslimiinta ah ka hadleen sifooyinka Khawaarijta ayaan
cidna ka beensheegi karin astaamahaas. Janaqoow waa ku saxsan
yahay wuxuu Khawaarijta ka sheegay laakiin muxuu Shabaab ku
maagay? Waxaan rabaa iyagoo sifooyinka Khawaarijta laga duulayo
yaa u eg Khawaarij? Ma Shabaab mise garabka Jibuuti?
- Khawaarijtu dadka muslimiinta ah bey leysaa ee marna
jihaad iyo jidgooyo-qaad ma sameeyaan. Waagii Shariifku
madaxda ka ahaa Xamar marna Shabaab ma oran ma aha hogaamiye
laakiin marka Shariifku Xamar ka soo degay wixii Shariifka
waardiyeynayey iyo Beesha Caalamku waxay madaxweyne u
arkayeen C/hi Yuusuf oon markaas is casilin. Hadda oo C/hi
is casilay wuxuu Janaqoow imaam u arkaa sheekh Shariif! Sida
Janaqoow u hadlayo markii la raaco waxaa Janaqoow imaam u
noqonaya waxa kuwa bakhaarada gallayda jooga doortaan.
Haddii qofkaas ay Janaqoow isku qabiil noqdaan waa laga
yaabaa inuu ogolaado laakiin ma filayo haddii la doorto nin
ay C/hi isku heyb yihiin inuu madax u arkayo. Marka su’aashu
waxay tahay markii sharci Islaam iyo mid kalaba la fiirsho
haddada la joogo ma aha Shariifku imaam. Marka waxaan
Janaqoow weydiinayaa xaggeed ka akhrisay inaad qof Shariifka
oo kale ah ugu yeerto imaam? Markii uu madaxda ka ahaa
Maxkamadaha 2006-dii haddii la rabo ha loogu yeero maaddaama
Xamar ahayd caasumadda, meelo badana ay Maxkamaduhu
xukumeen. Shabaab iyagu Tigree-raac madax uma arkaan. Waxaa
Janaqoow hoog u yaallaa marka kuwa Baydhabo joogaa doortaan
qof la mid ah Maxamed Cali Geeddi ama Xasab Abshir oo uu
diiddo inuu qiro iney “imaamyo” yihiin ileyn wuxuu Shabaabka
Khawaarijta uga dhigayaa waa arrimahaas oo kale.
- Khawaarijtu dadka muslimiinta ah keliya ayey leyn jireen
oo gaalada wey iska deyn jireen. Dad safar ah oo uu la
socday nin sheekha ayaa waxaa ku soo baxay Khawaarij.
Sheekhii wuxuu yiri: aniga ii daaya oo yaan la iga dabo
hadlin anaa la xaalaya nimankaase. Markii Khawaarijtii
damceen iney dilaan oo boobaan buu yiri: war annagu
mushrikiin baan nahay marka soow diintiinnu ma qabto in
ammaan la geeyo dadka mushrikiinta ah? Khawaarijtii waxay
dhaheen haa dabadeedna dadkii bey waardiye ka sii qabteen
ilaa ay magaalo ku dhowaadeen oo dhaheen wakaas oo waan idin
nabad gelinay ee annagu waan ka carareynaa si aan
waalligaasi noo xirxirin! Yaa garoonka Aadan-cadde ka degi
kara hadda Janaqoow iyo Abuu Mansuur? Yaa ciidamo Afrika ka
socda waardiyeeyaan? Ma sheekh Shariif mise Shabaabka? Yaa
weerar ku qaaday Shabaabka oo leh jidka haloo furo Tigreega?
- Shabaabku waxay sheegtaan in yoolkoodu ugu weyn yahay
gaalada waddanka kusoo duushay. Waxay kaloo sheegaan iney la
dagaalayaan Tigree-raaca. Sidaan qodobka labaad ku sheegay
Khawaarijtu waxay dhici jirtay dadka muslimiint ah. Lama
sheegin meel Shabaabku ku dhaceen shacbka muslimka ah. Waxaa
la ogyahay in Shabaabku qaadaan jidgooyooyinka ay soo
dhigtaan Ashahaado-la-diririrka. Yaa Ashahaado-la-dirir sida
Salaad Cali Jeelle iyo Cabdi Qeybdiid hoosta ku wata ma
Janaqoow iyo sheekh Shariif mise Ash-Shabaab?
- Ma Soomaali baa sheekh Shariif dooratay mise koox niman
ah oo meel ku shiray oo in badan oo ka mid ah hadda ka soo
horjeesteen? Marka hadduu isagu u arko imaam nin ka cararay
halgankii Tigreegu lagula jiray muxuu ka rabaa in Shabaab
iyagun madax doortaan? Shabaab xaq uma leh mana dhihin
Janaqoow waa Khawaarij maxaa yeelay wuxuu diiday inuu raaco
imaamka Shabaabka! Marka Janaqoow ha ogaado inaan Shariifku
cidna imaam u ahayn. Qofkii qabiil ku raaca isagay jirtaa.
- Teeda kale arrinta Cali iyo Mucaawiye Ilaahay labadaba
raalli haka noqdee waxay khuseysaa cid dagaal iskaga hor
timid. Marka Janaqoow iyo sheekh Shariif iyagu sidii Cali
iyo Mucaawiye isma geyn goobaha dagaalka oo waxay jiifeen
hoteelo. Dadka kale oo Maxkamadaha ku jira oo halgamay iyagu
kuma jiraan. Marka hogaanka Ash-Shabaab wuu ku jiraa
halkankee maxaa sheekh Shariif uga cararay halganka? Teeda
kale qofkii halgama baa madax loo dooranayaa.
- Haddii Shabaabku Khawaarij yihiin waxaa soo dhoweyn
lahaa Bush iyo Tigree ileyn howl fiican bey u wadaane. Marka
qoladii gumeysigu taageero baa Khawaarij ah. Yaa CIA-da iyo
Tigree taageeraa? Ma Shabaab mise garabka Jibuuti?
- Waxaa Khawaarij u eg niman markay la saaxiibeen
Ashahaado-la-dirirkii ay dagaaloogayaashu ku dhiirradeen
iney wasakheeyaan magacii muslimiintu xurmeyn jirtay oo qof
kasta oo muslim ah u nisbo sheegan jiray waa Ehlu Sunnah Wal
Jameeca. Marka Janqoow wuxuu na barayaa in Shabaabna yihiin
Khawaarij halka Salaad Cali Jeelle, Cabdi Qeybdiid,
Barre-hiiraale, Cabdiwaal, Xaabsade iyo Aadan Garaase yihiin
Ehlu Sunnah Wal Jameeca! Soow Tigreegu ma sheekan karo iney
yihiin “Ansaarul Sunnah” ileyn haddii dagaaloogayaashu
magacaas ku sifoobaan shaki ma leh iney Tigreegu caawiyey
nimankaas marka Tigreegu waxay noqonayaan dadkii u gargaaray
muslimiinta saxda ah (Ehlu Sunnah Wal Jameeca).
- Shabaabku waxyaalo badan waa isku dhejiyaan oo waa
diideen iney debec ka muujiyeen laakiin marna lagama sheegin
iney mabda’ ahaan diidaan dhexdhexaadinta oo aysan
aaminsanayn. Markii sheekh Shariif la dooranayeyba iyagaa
ugu xoog badnaa Muqaawamada mana diidin marka haku talax
tegin eedeynta Shabaabka.
Ma dhahayo Shabaabku khalad ma leh oo waa malaa’ig laakiin sifooyinkaas
waaweyn oo Khawaarijta marka la eego waxaa Khawaarij u dhow kuwa
Tigreegii oo Xamar jooga Balcad kula dagaalaya Shabaabka. Kuwa
leh gaalada yaan xabbad lagu ridin haddana raba iney shacabka
Soomaaliyeed iyo Muqaawamo isku diraan.
Maqaalkeygii ugu dambeeyey – Ash-Shabaab wax ma loo sheegi
karaa- ayaan ka digay oo ku magacaabay Janaqoow iyo waxa la mid
ah iney ka faa’iideysanayaan khaladaadka Shabaabka. Sida
Soomaalidu u tiraahdo: nin ani yiri dad iska saar ayaan la rabin
in Shabaabku dadka iska faquuqaan lana rabo iney ku biiraan
Muqaamada xalaasha ah oo aan gumeysigu soo adeegsan. Maqaalka
kaddib waxaa soo baxay Tigree ka hadleysa bannaanbax loo qabtay
Janaqoow iyo Maxkamadihii oo Tigreegii oo Xamar jooga weeraray
Balcad.
Ma ahan markii ugu horreysay oo cid diin laga urinayo uu
Janaqoow wax ka sheego. Wuxuu si joogta ah oon qarsoodi lahayn
wax uga sheegaa culumo waaweyn oo Puntland iyo Somaliland joogta
oo la dhaho Ictisaam. Ictisaamku waa ogol yihiin Muqaawamo
nadiif ah. Markii sheekh Shariif tuutaha iyo qoriga
jeeniqaarsanaa waxaa Ictisaam lahaayeen war tartiib oo dadka soo
dhoweeya. Nimankii saas ahaa oo Janaqoow lahaa mey halgamaan
ayuu intaas caayaa! Ma garanayo waxaan qabiil ahayn oo uu ku
heysto. Marka Janaqoow wuxuu u arkaa in Shabaabkuna Khawaarij
yihiin markii uusan Cabdi Qeybdiid iyo Salaad Cali Jeelle
dhinaca saarinna wuxuuna u arkaa Al-Ictisaam iney munaafiqiin
yihiin! Muqaawamada Xamar isagu timid ma aha in qolo gooniya la
dhibayo ee Xamar waa caasimaddii waddanka oo dadkoo dhan wada
degenaa. Marka qofkii wanaajiya Xamar wuxuu helayaa sumcad ka
badan qofkii wax ka qabta Somaland ama Puntland.
Marka waxaa laga rabaa Shabaabka iney ama ri’ is nuugtay
noqdaan oo halgankii iyo muqaawamadii ay ku jireen inta ka
tagaan ay sameeyaan khaladaad ay Janaqoow iyo sheekh Shariif ka
faa’iideystaan si shacabka Soomaaliyeed loogu diro ama iney
Muqaawamada xalaasha ah wax la qeysdaan oo maqlaan talooyinka
culumada iyo dadka waxgaradka ah soo jeediyaan. Khasab ma aha in
mas’alo farac ah ama aan nasku si sareex ah u sheegin aadan
cidna ku khilaafin laakiin waa lamahuraan in la mideeyo safafka
Muqaawamada. Waxaana shacabka Soomaaliyeed kula talinayaa
ineynaan waddankeenna uga tagin dad uu cadowgu soo adeegsaday.
Waa in la qabto shirar lagu mideynayo Muqaawamada iyadoo
Shabaabkuna ku jiraan.
Marka waxaan Janaqoow ku leeyahay ninkii weerar ku qaada dad
muslimiin ah; isagoo raba in aan xabbad lagu ridin Tigree
gumeysi ah oo waddankii heysta ayaa Khawaarij uga dhow niman
dhallinyaro ah oo fudayd dartii u sameeyey khaladaad iyagoo is
leh Ilaah raalli geliya. Dadkii waa u caddaaday inaad Tigree
saaxiibbo tihiin marba haddii bannaanbixii laguu qabtay ay ka
khudbeeyeen. Marka waxaan filayaa qofkii diin ama dareen
waddanimo ku hartay ee ku jira kooxda Jibuuti iney iskaga soo
baxayaan. Marka Shabaabkuna waa iney wafti usoo diraan Muqaamada
xalaasha ah oo la midoobaan. Waa buuxaan culumo lagu kalsoon
yahay oo horboodeysa Muqaawamada saxda ah. Marka waxaan ka
baqayaa marka shacabka Soomaaliyeed ku soo baxaan jidgooyo ay
dhigteen Ashahaado-la-dirir iyo garabka Jibuuti in shacabku
sheegto iney u dhasheen Tigree si Janaqoow iyo kuwa raacsani ay
u magangeliyaan. Marka waa xeel u furan Shabaabka laftooda iney
sheegtaan iney u dhasheen Itoobiya si ay uga nabad galaan
Janaqoow iyo xertiisa.