SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tallaabo u baahan in la taageero looguna Bogaadiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole 
 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeena ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W). 

Salaan kadib waxaa dhegahayaga soo jiitay hadalkii qiimaha lahaa ee madaxweyne Faroole, ee ahaa in aanu xil u dhiibayn qof Qamri caba ama Qaad cuna. Runtii hadalkaas waa hadal miisaan weyn ku leh aragtida  bulshada jecel horumarka iyo danaha Soomaaliya. Madaxweyne Faroole haddii uu arimahaas ka dhabeeyo waxaa Puntland iyo Soomaaliya oo idil u beryaya waa cusub oo horseedi doonaa dhabihii horumarka inshaa’allaah, waayo Soomaaliya oo idil maanta waxaa la haray oo bur buriyay min qoys illaa iyo qaran waa qaadka, oo qaaday wax walboo ay Soomaali laheyd.  

Arinta kale ee aan doonayo maanta inaan fursaddan uga faa’ideysto oo aan ku baraarujinayo Maamulka cusub gaar ahaan madaxweyne Faroole waa, waxa wax baddan laga dhawaajiyey in lasoo xulo maamul aqoonyahano u baddan, waa dhab haddana ogow aqoon aan karti laheyn wey kula hareysaa. Immisa ayeynu aragnay aqoonyahano aan waxar gibinna lagu aamini Karin. Marka waxaa wanaagsan in mar walba dib loo eego Waxqabadkii hore qofka xil loo dhiibanayo iyo meelihii uu kasoo shaqeeyay. Waa in lagu xiraa waxa loogu yeero ( Character reference ) ama cid ka bixisa warbixin waxqabadkiisi, oo ka daacad sheegta. 

Sidoo kale haddii ay suurto gal tahay ragga loo magacaabayo wasiiradda, inta aanan xilka loo bandhigin in laga dhageysto qaabka ay u howlgalayaan ama ay sameeyaan waxa loogu yeero

( Presentation ), taasoo laga dheehan karo khibradda iyo aqoonta uu qofkaas u leeyahay waxa loogu yeero Maamulka ama hagidda ummad. Runtii waa sida kaliya aad ku kala reebi karto rag baddan oo isu arka iyaga inay yihiin kuwa kaliya ee wax qaban kara. 

Waxaa kaloo muhiim ah in dadkan wada ordaya ee xildoonka ah in ay ogaadaan in xilalka dowladda aanay aheyn oo kaliya Wasiir iyo wasiir ku xigeen, ee haddey daacad ka tahay in ay waddanka u shaqeynayaan ay meeshii walba ee loo diro in ay diyaar u noqdaan in ay ka shaqeeyaan. 

Mudane madaxweyne mar walboo aad la tashato dadka ehelka u ah arimaha aad rabto inaad wax ka qabato, in aad mar walba helayso talada saxa ah, ee waxaa iga talo ah mar walba badi talooyinka aad la tashanayso waxgaradka daacadda u ah horumarka Puntland. 

Hadalkeyga waxaan kusoo gabagabeynayaa Mudane Madaxweyne iga gudoon mar labaad iyo mar saddexaadba hambalyo, Allaha kula garab galo dadaalkaaga, towfiiqdana Allaha ku waafajiyo. 

Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


:::Madaxweyne Faroole Maka run sheegi doonaa Aqoontiisa?
- Jooje

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS