SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxweyne Faroole Maka run sheegi doonaa Aqoontiisa?

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana  Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow waxaad iga gudoontaan salaanta islaamka (A.C.W.W).

Runtii waxaa wax aad loogu farxo ah isbadalkaa ka dhacay Puntland, oo runtii aad dareemayso biseelka ka muuqda ummadda reer Puntland. Waxaan anigoo fursaddan ka faa’ideysanaya halkan ugua hambalyeeynayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay ee Cabdiraxmaan Faroole.

Sida aynu la socono waxaa waayahan dhegahayaga ku badnaa arimo baddan oo laga naxo sida Burcad badeed, lacagta been abuurka ah, tahriibka, musug maasuqa faraha baddan ee maamulka, wax isdaba marinta, amni xumo, gobalada maqan ee sida xaq darada ah loo heysto iyo waliba arimo baddan oo murugsan. Haddaba Malaga yaabaa in maamulka cusub uu arimahaas wax ka qabto.

Waa suurto gal in uu maamulku inta arimahaas wax ka qabto, uu waliba Puntland u jeexo dhabihii horumarka, laakiin waa marka uu maamulku isticmaalo maskax ka fiyoow tii gabowday ee looga dhaqmi jiray Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Waa marka uu maamulku soo dhiso xukuumad ku dhisan Aqoon, karti iyo cadaalad. Waa marka uu maamulku sameysto la taliyayaal dhinacyo baddan ah sida la taliyaha xagga arimaha Siyaasadda, la taliyaha arimaha dhaqaalaha, la taliyaha arimaha Ammaanka iyo la taliyaha arimaha Bulshada. Sidoo kale waa marka uu maamulku ka xoroobo la tashiga odayaal ku sheega qabiilku googooyey.

Maanta ayuu maamulku fursad heystaa oo uu u baahan yahay inuu sameeyo la tashi baddan cidda uu wax u dhiibanayo iyo cidda uu wax la qeybsanayo. Waa xiligii uu isu keeni lahaa ama kasban lahaa dhammaan Aqoonyahanada qurbo joogta ah ee maskaxdooda baylahda ku ah dibedda. Waa xiligii uu kasban lahaa dhammaan bulsho weynta reer Puntland ee iyagu lakala dhex dhigay colaadaha iyo xurgufta.

Madaxweyne faroole waxaa isweydiin leh ma waxaad qaadi doontaa waddadii Askarta mise baab cusub baad waxaad u furi doontaa aqoonyahanda Soomaaliyeed. Diinteena Qayimka ah waxey leedahay Miyeey siman yihiin kuwa wax garanaya iyo kuwa aan waxba garaneyn. Sidoo kale aqoontu waxaa lagu sheegay inay Nuur tahay jahliguna uu mugdi yahay. Haddaba waxaynu dhowrnaa waa bal haddii aqoontaada aad ka faa’ideysaneysid oo aad waddo cusub u jeexeyso Puntland iyo haddii aad qaadi doonto jidkii taqliidiga ahaa, ee lagu hoobtay.

Ogow inta si sahlan wax lagaaga saxiixdo ayaa misana hadhow dhaliil lagaaga dhigayaa, sidaas daraadeed waxaa iga talo ah ka gudub wasiiradda lagu soo dhisayo qaabka qabiilka.

Waxeynu sugnaa waa Xukuumad tayo lagu soo dhisay, oo afarta sano ee soo socota loo aayo inshaa’allaah.

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS