SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliyeey:Raad Abeeso xagge loo raacaa?

15/03/1978 Markii reer galbeed, Reer bari, gaar ahaan Ruushkii, kuuba iyo Itoobiyaanku iyo qaar kale ay dagaalkii Ogadeen ku jabiyeen ciidamadii soomaaliyeed. Waxuu jabkaasi horseeday burburkii ku yimid dawladii Soomaaliyeed 27/01 1991 iyo musuubooyinka ka danbeeyay 28/12/2006 ilaa maantay.

- KMG, dhismaha ay ku sheegeen ku meelgaarka, yaa dhistay, bixiyay kharshkii ku baxay qaban qaabadiisii, shirarkii dib u heshiisiinta lagu magacday, yaa lahaa go`aamadii iyo quudinta dawladihii lagu meel gaarayay?

- Inay burbur qarka u saran tahay ku meelgaarkii lagu soo dhisay Kenya 2004, waxaa sabab u ah wax badan oo iskaashaday, khaladaadka Soomaaliduna ay ugu yar-tahay:

* Shirkii lagu soo dhisay KMG oo qaatay muddo aad u dheereyd, maalintii uu dhamadaeyna waxaa la isku qabsaday xaggee degeynaa/ xarun u noqoneysa KMG.

* Dawladaha ay dantoodu tahay in warbaahintu sheegto in hawlaha la dagaalamka argagixisada ay marayaan heer sare, waxay ka horyimid wax la qadabkii KMG. Waxay dawladahaasi dhaqaale iyo taagaareeyin kale ku harqiyay dagaal-oogayaashii, ilaa muwaadin kasta uu naftiisa u yaabay. Kacdoonkii ka dhashay dhibaatadii la dareemay, shaki kuma jiro inay marin habowsheen deg-deg, damac gaar ah iyo farsamo la`aan siyaasadeed. Inkasta oo lixdii bilood oo ay jireen Maxkamadihii aheyd muddadii nabad looga seexday koonfurta Soomaliya intii ka danbeysay `90. Waxaa markii ugu furay Garoonkii iyo dakeda xamar oo howlaheedii laga dhigay rasmi. Hase yeeshee kooxda ICG si kale bay arkaan “overtaken yet again by an Islamist insurgency”. Tan macnaheedu soo noqonmeyso inay ka soo horjeedaan nabadgalyada, horumarka iyo madax bannaanida ummadaha doonaya inay doortaan cidda u talineysa 
 

- Markasta waxgaradka Soomaaliyeed waxay isweydiiyaan, yaa ka danbeeya burcad badeedka? Jawaab dhab ah loo ma helin, hase yeeshee waxay sheekadu u badatay waa wiilal KALLUUMEYSATO ah oo doonyihii iyo qalab kale oo ay ku shaqaysan jireen burcad kalluumeysato shisheeye ahi ay ka burburiyeen. Waxaan shaki ku jirin in si sharci darro ah badda Soomaaliya ay shirkada shisheeye uga kalluumeysan ilaa `91. In lagu  duugay qashin badan sida, kan warshada, istibaalada iyo sun kale.

Fiiri nimanka timaamaya hamaha suntan.guji farta khada cagaaran.  
 
 

Marka aragtida ICG “The international community is preoccupied with a symptom – the piracy phenomenon” soo ma noqoneyso mid ay ku habbon tahay, murtidii Soomaaliyeed “Nin ku dilay har kuuma jiido”. 
 

La soco qeybta 3

shakib dhowre
Shakib_dhowre@hotmail.com

:::Soomaaliyeey:Raad Abeeso xagge loo raacaa? - Shakiib

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS