SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliyeey:Raad Abeeso xagge loo raacaa?

Taar: 01/01/`09

  • “ Gumeysigu Hashuu naga dhacay een gurayay raadkeeda
  • gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey
  • goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
  • guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
  • gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay.
  • hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey”
  • Gabaygii Maandeeq, Cabdullahi Suldaan Timacade

Geeska Afrika oo ummadahu nabad u yaaliin, baa waxaa duulaan hameyn ah waxaa ku soo qaaday raxamo Abeesooyin ah. Micidii hore shacuubta ay ku dhacay waxaa ka mid ahaa Soomaalida. Dad wixii haray waxay ku daaleen raad-goobkii raadkii Abeeso ee ka tilowday dul quruurax, dhagaxyo waaweyn safanyihiin. Markii la dhoobtay, waxgaradkii waxay ku heshiiyeen in laga raad gooyo caduunka ee duleedka dusha.

Waxaa lagu soo baxay raadkii qoraalkii Kooxda afka qalaad loo yaqaan International Crisis Group. African Report No147. qoraalkaas ugu danbeeya ee kooxdaani ka soo saartay ( Somalia: To move beyond the failed state) ayaan ka soo xiganay “Since 1991 Somalia has been the archetypal failed state. Several attempts to create a transitional set-up have failed, and the current one is on the brink of collapse”. Haddii aan akhrino qoraalka kooxdaas dantooda gadaanka heysta, waydiino waxgaradka Soomaaliyeed: - Ma 27/01/1991 baa Soomaaliya ku sifoowday dawlad jabtay, mise:

* 21/02/1543 markii ciidamadii reer yurub, gaar ahaan kuwii Burtiqiiska oo uu hoggaaminayay wiil uu dhalay burcad badeedkii caanka ahaa VASCO De Jama iyo Taliyihii Itoobiyaanka oo wata qalab dagaal oo casri ah, ayna dileen Imaam Ax`ed Ibrahim ( Axed Guray), dawladii soomaalida Awdal ku burburiyeen?,

* 1884-1885 shirweynihii reer yurub ku qeybsadeen Afrika, gaar ahaan Soomaaliya?.

* 21/12/1920 markii ciidamadii reer galbeedku, gaar ahaa kuwii Cirka ee Ingiriiska, Talyaaniga Iyo Itoobiyaanku ku jabiyeen halgankii daraawiishta, ee uu hoggaaminayay halgamaagii, abwaankii Sayid Max`ed Cabdille Xassan?,

* 21/11/1949 markii golaha guud ee qaramada midoobay soo saaray go`aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah toban sano, UN ku ilaaliyaan ilaa xoriyaddii 01/07/1960. Go`aankaas waxaa la qaatay ka dib markii 1948 dawladihii afarta ahaa ee ku guuleystay dagaalkii labaad ay guudi (Four Power Commission) u soo direen Soomaaliya. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo raadis iyo inuu u kuur-galo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed . Rabitaankii shacabka Soomaaliyeed waxuu ahaa“ in la mideeyo gayiga Soomaliyeed, afarta quwadoodna ay wadajir u maamulaan”. In la meel mariyo rabitaankii Soomaalida waxaa ka horyimid afartii dawladood oo danahooda ilaalshanaya. Fransiiska oo xeebaha Jabuuti heystay ma rabin inuu laga qaabo, sidaas darted wuxuu ku taliyeen in Talyaaniga loo dhiibo koonfurta dalka. Sidoo kale Talyaaniga waxaa taageerayay Ruushkii oo saadaalinaayay in xisbigii shuuciga ahaa ku guuleysto xukunka dalkaas. Ingiriisku wuxuu daneynayay in Soomaalida la mideeyo, maadaama uu dhulka Soomaaliya qabsaday, xeebta jabuuti ma ahee, ka dib markuu Talyaaniga ku jabiyay dagaalkii geeska Afrika 1941. Mareykanku waxay daneynayeen fadhiisimo ciidan ee xeebaha Eretareeya iyo deegaamada dhulka Soomaaliya ah ee lagu sheegay shidaal. Waxay u doodayeen in Itoobiya ay falarkeeda hesho dhulka Soomaalida.

La soco qeybta 2.

shakib dhowre

Shakib_dhowre@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS