SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Guusha Madaxweyne Faroole: Gari laba nin kama wada qosliso

Waxaa mudan in loo hambalyeeyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo noqday madaxweynihii sadexaad ama afraad ee doorasho ku hanta hogaanka Madaxweynenimo ee Puntland. Waxaa kaloo iyana hambalyo iyo bogaadin mudan dhamaan musharaxiintii isku soo taagtay Jagadda Madaxweynenimo ee Puntland, anigoo oran kara dhamaan ragaasi waxay ahaayeen kuwo aan kala dhinic marka loo eego naaxiyad kasta. Balse waxaa xaqiiq ah aysan gari laba kawada qoslin, sidaa awgeed guushu nin un bay raaci lahayd waxaana muuqata inay maanta raacday Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Hadaba taas micnaheedu maaha in ragii is sharaxay uu nin walba wadankii uu hore uga yimid ama gobolkii uu ka yimid dib ugu bakhoolo, balse waxaa ragaas iyaga ah looga fadhiyaa inay howshii wacnayd ama ajandayaashii horumar iyo isbadal xambaarsanaa ee ay wadeen ku biiriyaan kulana shaqeeyaan madaxweynaha cusub, sidoo kale waa inay kaalin firfircoon ka qaataan horumarka deegaamada uu ninwalbaa ka soo jeedo waa marka jifo hoose laga hadlee, sidoo kale waa inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada iyo sharafta Puntland.

Nin Xilqaaday eed Qaad:

Madaxweyne Faroole waxaan oran karaa wuxuu hantay ama dhaxlay dowlad aan shaqaale iyo mushahaar midna haysan, wuxuu dhaxlay deegaan qaar maqan yahay, wuxuu dhaxlay dhul aan nabadgalyo jirin, wuxuu dhaxlay burcad badeed iyo tahriib, wuxuu dhaxlay dhul aan horumar la taaban karo lahayn, wuxuu dhaxlay dowladii Soomaaliyeed oo burburtay, wuxuu dhaxlay jiritaankii iyo midnimadii Puntland iyo Somaliweyn oo khalkhal ku jirta.Sidaa awgeed howsha looga fadhiyo ma yara.

Waxaase Madaxweynaha cusub yididiilo gelin kara howshiisana u fududayn kara, isagoo dhaxlay shacab isbadal u ooman iyo qurbajoog hiil iyo hoo la garabtaagan. Hadaba waxaan filayaa haduu adeegsado xirfadiisha aqooneed iyo waaya-aragnimo, haduu ka faa'iidaysto rabitaanka shacbiga ee ah raqbada ay u hayaan isbadal taabagal ah, haduu howlgeliyo musharaxiinta da'da yar ee isbadal iyo horumarka doonta ah, haduu adeegsado qurbajoogta muruqeeda, maskaxdeeda iyo maalkeeda, haduu ka faa'iidaysto dadaalka urrurada bulshada, waxaa dhici karta inuu guulaysto oo horumar aan hore uga dhicin deegaamada Puntland horseed u noqdo kagana tago Puntland "Legacy" ama sharaf xusuus ku reebi doonta Shacabka Puntland, tusaalena u noqon karta Soomaali inteeda kale.

Hadaba waxaan jeclaan lahaa inaan talooyin wax ku ool ah la wadaage Madaxweyne Faroole.

Sugista Cadaalada iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa:

Waxaa jira dad badan ama qabaa'ilo badan oo ka mid ah reer Puntland kuwaas oo tabanaya in xaqoodii lagu tuntay sida inaysan helin xubnihii u matali lahaa baarlamaanka , waxaa kale oo jira qabaa'ilo badan oo si cadaalada ka fog loola dhaqmay sida kuwa xaqoodii iyo xubinnimadoodii Baarlamaanka laga xayuubsaday. Qabaa'iladaas waxaa ka mid ah Wabeeneeye oo ah qabiilka waalid u ah dhamaan Majeerteen intiisa kale, ahna qabiil ku caan baxay aqoon iyo maal, degana dhamaan dhulka Puntland gaar ahaana Bari iyo Mudug. waxaa kale oo dacwad ka timid Bah-Ararsame oo ah qabiil reer Nugaaleed iyo Soolba ah, iyagoo sheegtay in xubintii uu Garaadku soo saxiisay aan la siin qadarintii uu mudnaa booskiisiina la fariisiyay xubin kale, waxaa ka mid ah Labada qabiil ee ugu faca wayn Nugaal waa Reer Cumar iyo Meheri Ismaaciil (carab Saalax)e, kuwaas oo sheegtay in loola la dhaqmay si ka soo horjeeda dhaqankii Nugaaleed ama Puntland, kadib markii kuraastii ay ku lahaayeen Baarlamaanka 10 sano ee la soo dhaafay laga xayuubiyay. Waxaan ka baqayaa hadii aan liiska sii wado in warqadu iga buuxsanto, balse intaasi tusaale inoogu filan.

Sidaa awgeed waxaan kula talin lahaa inuu Madaxweynaha cusubi shaqadiisa ka bilaabo turxaan bixinta iyo xaqdhowrka dhamaan dadka walaalaha ah ee ood iyo dhiig wadaaga ah ee ku bahoobay maamulka uu hogaanka u qabtay, marka waa in Madaxweyne Faroole sida ugu dhakhsiyaha badan u qanciyaa oo xaqooda ugu soo celiyaa qabaa'iladaas kor ku xusan iyo kuwa kale ee aanan xusinba. Maxaa yeelay "Charity begins at home" wanaagu waa inuu gurigaaga ka bilowdaa , hadii dadkii reer nugaaleed cabanayaan xagee bay joogaan reer Puntlandkii kale, sideese kugu aamini karaan shacbiga kale. Hadii gobolada qaar ay saluugsan yihiin cadadka kuraasta maxaa maanacaya in la kordhiyo kuraasta si loo meeleeyo dhamaan qabaa'ilada ku bahoobay maamulka Puntland.

Kaalintii dumarka oo iyadana la xaqiray amaba aan oran karo la dhacay, maadaama ay ahayd inay helaan shan kursi , maantana kuraas badankeed laga xayuubiyay, sidaa awgeed waa in Madaxweyne Faroole kaalinta Dumarka, Dhalinyarada, Aqoonyahanka iyo Culimada uu xoojiyaa, muujiyaana wada shaqayn hufan oo sinaan iyo cadaaladi ku jirto.

Musuqmaasuqa:

Si loola dagaalamo laaluush cunta, xadista maaliyada dowlada waa in maamulka cusubi dhisaa shaqaale dowladeed oo tayo leh, tiradooduna aysan badnayn si loo helsho mushahaar ku filan oo ay kaga maarmaan tuuganimada iyo laaluush cunista. Sidoo kale waa in maamulka cusubi dhisaa ama xoojiyaa maxkamadaha dalka. Dhisaa hanti dhowr guud, kaas oo ilaalinaya lacagta canshuurta ah, si aysan canshuurtaasi u noqon mid laga soo saaro jeebkii shaqaystay oo u dhididay loona gelin jeeb xaaraan iyo xatooyo raba inuu ku cuno. Canshuurtu ama maaliyadda dowladu waa in ay noqotaa mid loogu adeego bulshada, ee aysan noqon mid dad gaar ahi aysan isaga tagri falin.

Sidoo kale waa in uu dhisaa wasiiro tayo iyo tacliin leh, si dowladiisu aysan u noqon fadhiid madax ka nool ah.

Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabaynayaa oo aan xusuusinayaa madaxweyne Faroole in hadii aan cadaalad, sinaan iyo maamul musuqmaasuq ka hufan la helin inaan horumar lagu talaabsan karin, midnimo la heli karin, dowladii aan shaldhigeedu ahayn cadaaladna ay burbur ku danbayn doonto.

Waxaan Madaxweyne Faroole leenahay Hambalyo, waxaan leenahay noqo kii dadka u siman, noqon kuu shacabka u adeega, noqo mid ku talaabsada horumar, noqo mid lagu diirsado oo loo darsado.

Shacabkana waxaan leenahay ogaada farkaliya fool ma dhaqdee , hadii aan lala shaqayn madaxweynaha cusub iyo dowladiisa, hadii aan fursad la siin, hadii aan la toosin oo lagala bakhaylo tusmada, tusaalaha iyo turxaan bixinta ogaada doonta uu maanta naakhuudaha ka noqoday Madaxweyne Faroole in aad dhamaantiin saaran tihiin haday degtana aad dhamaan haligmaysaan oo kharqan doontaan, haday badbaadana in guul ay ciribtiinu noqon doonto.

Wabilaahi Towfiiq.

Farah Aw-Osman

Ottawa, Canada

awosman@gmail.com


:::Maxaa la gudboon Gen. IlkaJiir, kadib markuu ku guulaysto-AwOsman

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS