SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa la gudboon Gen. Ilka Jiir , kadib markuu ku guulaysto jagadda Madaxweynenimada Puntland

Waxaa dad badan oo siyaasada Puntland ku xeel dheeri odorasayaan in Gen. Ilka jiir uu ku guulaysan doono jagadda Madaxweynenimada Puntland. Hadaba hadii figradaasi ay rumowdo waxaa iswaydiin mudan sida uu u ekaan doono qaab-dhismeedka maamul ee uu madaxda ka noqon doono Gen. Ilka Jiir. Sidoo kale waxaa la iswaydiin doonaa siyaasada Gen. Ilka Jiir ma waxay noqon doontaa mid qun yar socod ah mise mid firfircoon oo dhakhso ula fal gasho amuuraha horyaala Puntland.

Hadaba akhristow maqaalkaygu kuma saabsana odoroska labada arimood ee kor ku xusan balse wuxuu ku saabsan yahay talooyin aan u soo jeedinayo Gen. Ilka jiir iyo u iftiimin ku aadan maamul taaba gala oo aan fadhiid noqon.

Shaxda iyo Qaab Dhishmeedka Maamulka Gen. Ilka Jiir.

Waxaad moodaa in sanadka 2009 uu yahay sanad isbadal xowli ku socda ku soo biiriyay caalamka, wadamo badan oo dunida ka mid ahina uu ka socdo isbadalo aan hore loo filan ama hadaan si kale u dhigo aan ka mid ahaan jirin caadada iyo hab-dhaqanka maamulada hore loogu aqoon jiray calaamka.

Waxaa tusaale kaaga filan USA oo uu 2009 hogaanka u qaban doono Madaxweyne Barack Obama , oo ah nin muq-shabeel ah oo aabihii Muslim ahaa kana soo jeedo dalka Kenya, hoogadiista ahayd haweenay cad oo Kansas, USA ka soo jeeda. Waxaa kale oo isbado caykaas oo kale ah ka socdaan dalal badan, sida Koonfurta Afrika, Kenya, Simbaabwi iyo Soomaaliya oo uu madaxweyne Cabdullahi Yusuf si sharafi ku dheehan tahay isku casilay ilaa iminkana aan la ogaan meesha geediga lagu furi doono.

Hadaba 2009 waa sanad aan cidina saadaalin Karin waxa dhici doona, balse hal shay ay hubaal tahay taas oo ah in isbedel siyaasadeed oo xowli ku socda jiro.

Sidaa awgeed ayaad moodaa in isbedelada dhici doona ay ka mid noqon doonto guusha uu heli doono Gen. Ilka Jiir, isagoo ku guulaysan doona Madaxweynenimada Puntland.

Hadaba waxaan jeclaan lahaa in maamulka cusub ee Gen. Ilka jiir u ekaado sidan:

Gen. Ilko jiir – Madaxweyne
Saleebeen Ciise - Madaxweyne ku-xigeen
Muxiyadiin Cali – Wasiirka Ganacsiga iyo Dekedaha
Cabdi Awaare – Wasiirka Dowladaha hoose
Nuuradiin Diiriye – Wasiirka xiriirka dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Cabdiraxman Faroole - Wasiirka Qorshaynta
Col. Garam-Garam, Taliyaha Daraawiishta
Gen. Gaani Maxamed, Taliyaha amniga iyo Booliska
Dr. Cabdulahi Dhagacade – Wasiirka Caafimaadka
Caasha Ghelle – Wasiirka arimaha Gudaha

Intaas jagooyinka ka soo hara ha u qaybiyo ashkhaasta kale oo u qalba kana soo kala jeedaha beelaha iyo gobolada ay ka kooban tahay Puntland.

Shaxdaas kor ku xusani waxay keeni kartaa:

in dhamaan dadkii is sharaxay inta ugu tayadda fiicnayd hesho wasaarado ay u qalmaan si toos ahna uga howlgeli karaan,

in shaxdani u muujin doonto reer Puntland bog cusub oo ku aadan hab maamul oo ku salaysan wada shaqayn iyo kalsooni.

iyo in ay meesha ka baxayso afraadii ku fashilmay hogaanka dalka, waa cusub oo ku salaysan maskax iyo mabaadi furfurana ay gasho Puntland

Siyaasadda Gen. Ilka Jiir:

Ilaa iyo iminka khalad ama meelka dhac iyo gabi iska xoor midna laguma sheegin Jananka, balse deganaan iyo dadaal ku salaysan hab maamul xeelado cusub wata ayuu la yimid Gen. Ilka Jiir.

Waxaan Jananka kula kulmay anigoo ku sii jeeda Puntland horaadkii bisha August, 2008, dabadeedna anigoo ku sugan Garoowe ayaan ka war helay inuu Gen. Ilko Jiir yimid magaalada Boosaaso.

Sidii caadada u ahayd musharaxiinta kale ayaan ka filayay isagoo tikniko iyo baabuur daba yaacayso inuu iman doono Garoowe dabadeedna u sii gudbi doono Mudug iyo Sool. Balse waxaan ka war helay inuu Jananku aaday xagaas iyo Sanaag.

Afraad aan isla joognay Garoowe oo deegaamada Sanaag u dhalatay ayaan ka war helay inay socdaal ugu kici timayaan dhinacaas iyo Sanaag si ay uga qayb qaataan shirweyne ka dhici doona halkaasi, kaas oo uu hormuud ka yahay Jananku.

Hadaba guulaha shirkaasi iyo socdaalkaas ka soo baxay ayaan oran karaa waa guul u soo hoyatay bahwadaagta reer Puntland , taas oo ah in markii ugu horaysay taariikhda reer Sanaag la arkay iyagoo hogaan qudha ku daba safan, taageero hiil iyo hoo lehna la garab taagan, waxaan filayaa Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa ugu danbeeyay hogaan noocaas oo kale ah, ama hadaan sida kale u dhigo muwaafaqo iyo midnimo beesha Warsangeli.

Taasi waxay ku tusin kartaa tayada iyo qaabka hab maamul ama xeeladeed uu yeelan karo hogaanka cusub ee Puntland ee uu hormuudka ka yahay Gen. Ilka Jiir.

Waxaa hogaankaan cusubi keeni karaa in la helo madaxweyne difaaci kara khadiyada Sool , Sanaag iyo Cayn, ahna nin u dhashay deegaankaas , kuna hayb iyo hogaan ah bahwadaagta Puntland, sidaa awgeed khadiyada sadexdaas gobol waxaa laga fili karaa maamulkan cusub inuu noqdo mid hanta deegaamadaasi, mid mideeya walaalaha reer Puntland, mid difaaca sharafta iyo dhulka Puntland.

Intaa waxaa kuu sii dheer Jananka oo looga fadhiyo soo celinta kala danbaynta iyo amniga dhamaan deegaamada Puntland, difaaca xuduudaha labada foronti, difaaca khayraadka bad iyo beri ee Puntland, doonista midnimada Soomali wayn, iyo daris kula noolaanshaha walaalaha Soomaaliyeed ee aan ood wadaagta nahay.

Howl aad u weyn ayaa sugaysa Madaxweynaha Mustaqbalka Puntland Gen. Ilka Jiir , marka waxaan leenahay duco iyo taageero ayaanu kula garab taaganahay, waxaan leenahay noqo hogaamiyihii loo darsado, noqo mid lagu raayo, noqo mid mideeya Puntland iyo Soomaali inteeda kale.

Guul iyo Gobanimo.

Farah Aw-Osman
Ottawa, Canada
awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS