SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqaawamada Gaza Duruus mudan in laga Faa’iideysto (2) 

قال تبارك وتعالى ( أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا وَإِنَّ اللَّهَ عَلَى نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ ، الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِنْ دِيَارِهِمْ بِغَيْرِ حَقٍّ إِلَّا أَنْ يَقُولُوا رَبُّنَا اللَّهُ وَلَوْلا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُمْ بِبَعْضٍ لَهُدِّمَتْ صَوَامِعُ وَبِيَعٌ وَصَلَوَاتٌ وَمَسَاجِدُ يُذْكَرُ فِيهَا اسْمُ اللَّهِ كَثِيراً وَلَيَنْصُرَنَّ اللَّهُ مَنْ يَنْصُرُهُ إِنَّ اللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ ) الحج

Rabi waxa uu qur’aanka Kariimka ah nagu barayaa in ay tahay xaq Sharci ah in dadka ladulmiyay dhulkooda iyo guryahooda laqabsaday ilaa in ay Rabi rumeeyen,Rabina waa mid awooda in dadkaas uu u gar-gaaro,Rabina uu u uw u gar-gaarayaa cid walba oo u gar-gaarta Diintiisa iyo Muslimiinta dhiban.

Waxa maanta ka dhacaya Gaza guumaad iyo xasuuq iyo bur bur dhinac walba ah iyo ku xad gudubka bani’aadnimo waxa ugu yar,iyo sida Aduun weynaha raali uga yahay ugana aamusanyahay,ayada oo daqiiqad walba warbaahinada Aduunka qaar ka mid ah ay soo Sawirayaan muqaalo iyo Sawiro qof walba oo qalbi leh,damiir iyo danqasho yarna ay qalbigiisa ku jirto uusan u dul qaadan karin in uu idhihiisa ku daawado,waa wax la’la yaabo!!!!!dad muslimiin ah oo sidaa Yuhuuda si waxuushnimo ah ay u gumaadayaan,ilaa iyo hada tiradaay laayeen waxay ay marreysaa daqiiqad walba ay sii kordheyso tiradda 765 Shuhado ah,3125 dhaawac ah 350 inkabadana ay yihiin dhaawac halis ah ,50% dhaawaca iyo dhimashada ay yihiin Caruur iyo Dumar,14 maalmoodna uu ku socdo gumaad aanan waxba loo qaban karin, waxba lagu taageeri karin,balse waxa ah wax laga sii naxo qaar ka mid dadka  muslimiinta ah marka aad fiirisid sida ay aysan warba uga heynin dadkaas Muslimiin ah ee gumaadka ku socdo ,waxaaba is oraneysaa waxay u heestaan in dadkaas ay ku noolyihiin Caalam kabaxasan Caalamka aan ku noolnahay.

Waa dhab waxaa dhamaaday isku danqashadii muslimiinta dhexdooda,waa dhab waxaa yaraaday dareenkii mus’uuliyadeed,waa dhab qofwalba waxa uu heestaa Amni iyo waxa uu cuno war kama war hayo in uu aduunka ku noolyahay Walaal Muslin ah oo qatan,walaal Muslin ah oo gacan Gumeysi kujira ,Walaal Muslin ah oo xabsiyada lagu hilmaamay, qofwalba waxa uu ku mashquulsan yahay Tuulada yare ee reerkiis dagan yahay.

Waxaa mar naba shaki ku jirin Diinteena ay horay noogu sheegtay in ummada Muslimiinta ah dhexdooda mar walba laga dhex helayo dad  u istaagta sidii ay u soo celin lahayeen Muqadasaadkii ay la hayeen muslimiinta ee la boobay iyo Cizadii uu lahaa qofka Muslimka ah, kamana baqaan wax walba oo lagu garaaco iyo cidwalba oo ku garaacdana ,Taariikhduna waxay nabartay in dhib walba iyo gumaadka walba oo loogeesto Muslimiinta,waxaa dhab ah in ay soo saarto awooda iyo tamarta Muslimiinta.

Hadaba hadaan aragti caafimaad ku eegno Gaza oo sidaa u gubaneyso dhinac walba waxaan aaminsanahay hadaan nahay SOMAALI kana mid nahay dadyawga Muslimiinta ah ee la heesto dhulkooda, in wax yaabo badan aan ka faa’iideysan karno Muaqaawamada Gaza ee barakeysan ayada oo aanan halkaan marna lagu soo koobi karin,qormadeynii horna aan wax kamid ah ku soo qaadanay. 

2- Reer Gaza,Shacab ku timaaman Dharab adeeg iyo Sugnaan.

Sumaya waa 10sano jir waxay ka mid tahay Caruurta Gaza ku nool waxay hadalkeeda ku bilowday,waxaan ku cayaarayay barxada guriga aniga iyo caruur kale kaftan iyo qosal,Daqiiqad gudaheed ayaa hal mar waxaan maqalnay qarax iyo qaylo aanan garaneynin halka ay ka timid badashayna farxadii iyo qosalkii naga muuqaday waxyar ka hor ,Naxdin iyo Argagax kadib waxaan fiiriyay Cirka mise waxaa qariyay madow aanan garaneynin halka uu ka yimi waxaan ku soo orday gurigii bal dadka guriga jooga si aan wax uga waydiiyo waxa aan maqlay,qofna ma aanan helin,waxaan shiday Raadiyaha,waxaa ka hadlayo wariye dadka u sheegayo in gataalada Diyaaradaha Yuhuuda ay soo ridayaan sidaas darteedna meel fiican laga galo,banaankii aan ka mi ayaa hal mar waxaa siibatay sawaxankii iyo Qeyladii aan horay u maqlay,waxaan marlabaad u soo baxay Banaankii una dhaqaaqay halkii ay dadka u ordayeen mise waxaa waran oo daadsan qeyb ka mid ah Ciidankii Booliskii Gaza, qeyb ka mid ah waxaa kabaxaday Nafta Xubin walbana meel ay taalo iyo wax dhaawac ah,waana Booliskii aan ku faanaynay,hal mar baan waxaan iri Xasbunallahu wanucmal wakiil ,hadalkeedii waxay ku soo gaba’gabeysay walaahi wax walba oo Yahuud nagu suubiyaan marna is dhiibi meyno,wax walba aad nagu garaacdaan, waxaan ka qaadeynaa Dharab adeeg iyo Sugnaan,waxaana nahay dadkii lahaa Dhulkaan aad xooga ku heesataan.

Maxaan ku tilmaami karnaa dharab adeegaas iyo sugaantaa in taa la’eg,gabaryar oo Da’daas jirta,sidaas u hadleyso,sidaas u rumeysan waxa ay aaminsantahay,rumeysan dhib walba iyo Gumaad walba loo geytso in uu ka dambeeyo Nasri iyo guul,waa caruur lagu soo tarbiyay yaraantooda Dhabar adeeg iyo Sugnaasho,iyo dareen Mas’uuliyeed,waa caruur ka tusaalo qaadatay kuwii ka horeeyay Aabe, Adeer,Walaal,Daris,iyo cid walba oo ay u garanayaan in naftiisa u horay Diinta,waa run waa caruur aanan ku soo bar baarin Nolal Taraf ah(xadka ka baxsan) waa run waa caruur waxay ku cayaari lahayen ka suubsada waxa ka soo haray Gantaalada lagu laayo.

Waa tusaalo yar oo kamid ah Dhabar adeega iyo Sugnaanta ay ku timaaman yihiin Shacabka Gaza,hadaba waa Cashar aan ka faa’iideysan karno in Ilmaheyna inta ay yaryihiin aan ku soo bar baarimo,Mabda’a adage e qofka Muslinka ah ee uu rumeysan yahay marna in uusan isbadalin, wada’dana ay dheertahay, wax walba oo lagala kulma wada’daas dheerna looga gudbi karo Dhabar adeego iyo Sugnaasho.waxaase wax laga naxo ah inbadan oo caruurta aan dhalnay aysan faraba noogu jirin,marna aanan ka fakirin sidaan ugu bar baarin laheyn siday Risaalada Rabi ugadan lahayen,waxaana halkaas ka soo baxay markii mas’uuliyadaas lagabay Ilmo aanan laheyn Hadaf,Ilmo aanan aragti laheyn,Ilmo aanan garaneynin wax lahuro,Ilmo ku nool Qiyaali iyo dhalanteed Aduun.

Dr Feysal Abu Heyn,waa Mutaqasis ku taqasusay Cilmu Nafsiga,waxa uuna Macalin ka yahay Jaamacada Gaza,asaga oo ka hadlayo Barbaarinta Caruurta waxa uu yiri lana hadlayo Aabaha wanaagsan: Bar ilmihiina Qanaacada iyo Dulqaadka,iyo dhabar adeega,yaraanta ku bara dareenka Ma’uuliyadeed,yeesan wax walban adaga ka sugina inaad ku caawisid,bar in uu mar marka qaar la kulno waxyaabaha adag,kana sug sida uu u xalin lahaa oo uu uga gudbi lahaa si uu u dareemo in uu yahay Ms’uul.

12/27 xili Duhurnimo waxay aheyd markii Boqal in kabadan Diyaaradaha Nooca F 16  ay  si gaadmo ah  weerar ugu soo qaadeyn Gaza islamarkaasna ay duqeyn ba’an u geesteyn in kabadan 50 meel,waxaa ka dhacay Xasuuq in kabadan 40 sano aysan arkin Reer Falastiin, meel walba oo ay dad taagan yihiin waxay ku tuurayen gataan kaas oo aanan u kala aaba yeeleynin,goobihii Waxbarashada,Masaajidada,Xerooyinka Ciidanka,waxaa ka dhacay Gumaad arxan daro ah,waxaa mudo saacad ah nafwaayay 350 qofood, 200 in kabadan waxay ahayen Ragii Xamaas u badan ragii Ciidamada ahaa oo ay wahliyaan rag kamid ah Mus’uuliyiinta Ciidanka,900 oo Qofna waxay noqdeyn dhaawac,waa fajac iyo amakaak iyo naxdin,wax walbana waxay isku badaleyn Saacad gudahood,meel walba waxaa daadsan meedad,dhaawac,daawo la’aan,koranto la’aan,duqeyn aanan kala joogsi laheyn.waa arin Naxdin leh,bur bur meel walba gaaray.Gaza waxay noqotay qofwalba in uu raadsado meel uu kagalo gantaalada ay diyaaradaha soo ridayaan,dadkiina waxaa kawada muuqdo argagax iyo amakaak. 

Sida lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah Sabirkana lagu macneeyo waa dhacadada hore ee qofka wax ku dhacaan in uu ku Sabro asaga oo ka sookabanayo waxa ku dhacay oo dhib ah ,saacado kayar kadib  waxaa halmar isbadalay dhamaan waxii ku noolaa Gaza,maba aha dadkii waxaas oo dhib ah ee aan ka soo sheekeynay soo gaaray,Shuhada’dii oo la’aaso,dhaawicii oo laguro,qof walba waa mas’uul, waxii loo diro sida ay tahay buu uga soo baxayaa,saacdo gudahood wajigooda waxaa ka muuqda Dhabar adeeg iyo Sugnaasho,qofwalba oo hadla waxa uu diyaar u yahay in uu kudhinto waxa uu aaminsanyahay,marna in aysan is dhiibeyn,marna in aysan u qeela dhaansaneyn raxmadna ka sugeynin kii ku soo duulay iyo kii hubka siiyay,iyo kii la tolka ah ee ku taageerayay wax walba ay u baahanyihiin oo macluumaad ah.

Hadaba aan mar labaad is waydiino maxaan ku tilmaami karnaa dharab adeegaas iyo Sugnaantaas intaa la’eg,mise isku xili baanan nooleyn,mise waxaan ku kala noolnahay labo Caalam oo kala gadisan,mise waxaan aan ka sheekeeneyno waa Qisas qayaali ah oo dadka lagu maaweeliyo.

Waxaan hubaa intaba in aysan aheyn,waa dad caadi ah ,waa dad anaga oo kale ah, inta bilood aan ku dhalanayna ku dhashay,balse farqiga noo dhaxeeyo ayaa ah,waa dad loo tarbiyay in ay u noolyihiin Risaalada ayna u gutaan sida ay tahay wax walba ay lakulmaan u dhabar adeegaan ayaga oo la imaanayo marwalba Sugnaasho,waa arin Alle la waydiisto in qofka Muslimka ah uu siiyo Dharbar adeeg iyo Suganaasho Xiliyada Adag gaar ahaan wakhtiga ay xabadu dhaceyso.

Maanta waxaan u baahnahay hadaan rabno Muqaawamada barakeysan ee wadanka ka jirta in ay sii socto mirana u yeelato, qofwalba oo naga mid ah aan saarno jiil ku Tilmaaman Dhabar adeeg iyo Sugaan kana Tusaalo Qaatay Rasuulkeenii SWC iyo Saxaabadii iyo dhamaan dadkii wanaagsanaa ee Diidaan naftooda u soo horay,kuna bar baarino Almaheena cid walba oo dhinta ama Shahaado qaata in aysan Risaaladaan u joogsaneynin.

  • Umud walba oo doorata in lagu qoro Sadaradda ugu hooseeya Taariikhada Umadaas waxay dhimataa ayada oo aanan laheyn Ciwaan.

NB: Fadlan walaalahaa meel walba ku dulman,gaar ahaan walaalahaa Gaza haka hilmaamin Ducadaada. 
 

:::Muqaawamada Gaza Duruus Mudan in laga Faa’iideysto- Fawsi

Lasoco qeybta 3aad

Fawsi Ahmed

Fawsi22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS