SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqaawamada Gaza Duruus Mudan in laga Faa’iideysto

Gaza: Inbadan oo ka mid ah warbaahinada Aduunka ah waxay si joogta ah Sawir uga bixiyaan xaalada dhabaatada dhabta ah ee ay ku noolyihiin walaalaheyn Gaza, koranto la’aan,biyo la’aan,cuna la’aan,dhaawicii oo inbadan ka mid ah u dhimanayo Daawo yari darteed,ayada oo in badana  looheyn maryo lagu Kafano qofka marka uu dhinto,ahana waxa ugu yar ee qofka Muslinka ah karaamadiisa kujirto, in sifiican loo aaso marka uu dhinto,dadka waxay saacado badan fayl ugu jiraa sidii ay u heli lahayen Qubus ay ku aamusiyaan ilmaha yar ee la ilmeenaya  gaajo darteed,Malyuun Muslim ah iyo inkabadan ayaa waxay kujiraa dhibkaas Xabsiga ah, albaab walbana laga xirtay ayada oo waliba loogu sii daray gumaad Taariikhda aan noolnahay marna lagu sheegin in ay dhacday wax lamid ah.

Dhibkaas intaas la eg ayada oo ay jirto hadana markaad daawato amaba aad dhageysato dadka ku nool Gaza sida ay u hadlayaan amaba qofwalba marka uu ka waramo waxa soo gaaray hadalada ugu dambeeyo ee uu oranayo amaba uu ku qeelinayo,runtii waa arin u baahan in aan in badan dul istaagno,inbadan aan wax ka iraahno,in badana is waydiino sababta ay ku dhacday,waxa ka muuqda haybad iyo ciso inbadan oo muslimiin ah ay maanta ka maqantahay wajiyadooda markaad sifiican ugu fiirsatid reer Gaza.Hadaba waxaan jeclahay inaan halkaan ku soo gudbiyo qeybo ka mid ah waxyaabaha aan ka faa’iideysan karno Muqaawamada barakeysan Gaza,hadaan nahay SOMAALI madaama aan ka mid nahay muslimiinta dhulkooda la heysto,waxaana ku da’daalayaa Insha Allaah inaan qoraal walba wax kamid ah aan ka soo qaato. 

Hooyoda Gaza Tu’saalo mudan kudayasho:

Alle balan ayuu ku qaaday in Muslimiinta uu dhaxalsiindoo aduunka sida umudihii naga horeeyay ee Alle u hogaansamay uu u dhaxalsiiyay,,sidoo kalana uu u dhaxal siindoono diinta uu uga raali noqday,Cabsi kadibna uu ugu badali doono Nabad galyo.

Hadaladaan ayay ku bilowday Umu max’ed oo ah hooyo reer Gaza ah oo la socotay wiilkeeda oo dhaawac ah loona soo gudbiyay Isbitaalka weyn ee Cariish (waxa uu kuyaalaa xuduudka Gaza iyo Masar gaar ahaan dhinaca Masar) waxaa horay u Shahiiday wiil ka mid ah wiilasha ay dhashay,sidoo kalana waxaa horay u dhaawacmay wiil kale oo ka mid ah wiilasha ay dhashay,aniga iyo ilmaheyga Alle waxa uu noo abuuray inaan Risaaladan (islaamka) gaar siino aduunka,aana u gaarsiino sida ay tahay.

Ayada oo maqashiineyso wiilkeedii dhaawaca ah lana hadleyso ayay waxay ku tiri Hooyo Sabir oo dulqaado,Rabi wax walba oo ku soo gaaro waxa uu kuugu darayaa xasanaadkaaga,Rabina waa uu ku caafinayaa waadna ka kaceysaa si aad hadana markale walaalahaa jihaadka kujiro aad garabkooda u buuxisid,asaga oo taahayo islamrkaasna hilmaamay xanuunkii hayay ayuu waxa uu Hooyadii ugu jawaabay insha Allaah Hooyo waan ka kacayaa,dib baana ugu laabanayaa Gaza si aan ugu aaro dhiig walba oo ay daadiyen Yuhuuda!!!!

Hooyo kale oo labadii wiil ay dhashay loo sheegay in ay Shahiideyn ayaa waxa la waydiiyay waxa ay ka oraneyso,waxay tiri Allaa ayaa mahad iska leh waxaana diyaar u ahay hadii uu ii haray mid kale inaan asagana u diro jihaadka si uu uga dabatago walaalihiis!!!!

Hooyada Gaza waxaa oran karnaa waa hooyo nooc gooni ah,waa hooyo muteysatay inaan waxbadan ka sheegno,waa hooyo ilmaheyda ay ku soo barbaarisay in diintaan loo horo wax walba,waa hooyo marwalba diyaar u ah in Qalbigeyda uu ku dago fariin walba oo kaga timaada goobaha dagaalka ka socda,waa hooyo si walba ay u danqanayso hadana ilmaheyda ku barbaarisay wax alle agtiisa laga helaayo ay ka weenyahay naf lawaayo,waa hooyo hadii meedka wiilkeeda loo keeno aanan qeylin dharkana jeex jeexin aana oran hadalo Rabi ka caroonayo,waa hooyo tiraahdo marka loo keeno wiilkeeda oo Shahiiday ii ogalaada aan madaxa ka dhunkado si aan u tusiyo sida aan raaliga uga ahay!!!!,waa hooyo Alle ugu mahadiso kuna faanto in wiilkeeda uu u dhinto Alle dartiis.

Runtii waxaan orankaraa Gaza oo 24kii saac ee la soo dhaafay yuhuuda ay hal meel kaliya ku gumaadeyn  caruur iyo haween ku jiray iskuul ilaa iyo hada inta laga soo dhexsaaray bur burka ay sara u dhaafey 40,intaas waxaa sii dheer maanta kaliya waxay dhulka la simeyn 25 guri iyo dadkii kujiray ayaga oo ku garaaceyn madaafiic,Gaza waxaa iskuul ay ka soo baxaan dad gooni ah,waa iskuul soo saara geesiyaal hadii uu maanta jira qof lagu tilmaami karo geesi,Hooyo wax walba oo dhib u dulqaadaneyso,Aabe iyo wiilkiis dhufeyska wada galayo,sheikh iyo Imaam dadka horkacayo,hogaan ilmahooda  ka hormarinayo dadka oodhan si ay shahaado u helaan,umad siwalba oo ay u kala aragti duwanyihiin ku imdeysan in la iska difaaco cadowga ku soo duulay.

Markaan maqlno amaba aan aqrino waxyaabaha laga sheegayo Gaza,tusaalo ahaan sida ay raali ugu yihiin uguna qanacsanyihiin waxa ay rumeysan yihiin,islamarkiiba waxaa nagu soo dhacaya wax u dhaw amaba la mid ah waxyaabihii lagawariyay dumarkii saxaabada ahaa qeybo ka mid Allaha kawada raali noqdo dhamaantooda.

Anas Ibnu Maalik ayaa waxa uu warinayaa in Abu Dalxa uu ka xanuunsaday wiilkaasa dalxa kadibna uu dhintay asaga oo aanan ogeyn gurigana uu ka maqanyahay,haweyntii uu qabay Abu Dalxa ayaa markay aragtay in wiilkii uu dhintay ayaa waxay suubisay wiilkii ayay intay sifiican u hagaajisay meel gooni ah oo guriga ka mid ahna dhigtay,kadib bay waxay bilowday in ay si aad ah isku hagaajiso iskuna diyaariso Ninkeydii,waxaa yimi gurigii Abu Dalxa oo aanan warba ka heynin waxa ka dhacay guriga,mudo dheer kadib markii uu nastay waxyaabo badan oo naftiisa ay ku dagtana uu kala kulmay xaaskiisa ayaa waxa uu waydiiyay Xaalada wiilkiisa Dalxa inta uusan seexan,waxayna usheegtay in wax dhib ah aysan jirin lagana yaababa in dhibkii hayay wax kawanaagsan uu helay!!!!Abu dalxa asaga oo aanan marna hadalkeyda ka shakin ayuu iska seexday,Subaxadii markii hurda’da uu ka kacay ee uu meertay rabana in uu ka baxo guriga ayay u sheegtay in wiilkiisa dalxa uu dhintay shalay !!!!

Waa uu iska tagay Abu Dalxa waxa uuna u tagay Rasuulkii SWC waxa uuna u sheegay arintii xalay ku dhacay iyo in uu Dalxa dhintay iyo sida ay xaaskiisa ugu sheegtay dhimashada Dalxa, Rasuulka SWC ayaa waxa uu ku yiri Abu Dalxa asaga ku samirkiisanaya waxaa suutagal ah Rabi in uu idiin barakeey habeenkiina,kadib waxaa dhacay Rag saxaabada kamid ah in ay arkeyn Abu Dalxa oo Rabi siiyay sagaal caruur oo intaba ay Qur’aanka xifdisan yihiin!!!!!

Hooyada Gaza waa tusaalo dhab ah ee la taaban karo,ma aha Riwaayad ama sheeko qayaali ah ee uu qof Alifay si loo aqristo,waa nolal dhab ah oo kamid ah nolal maalmoodka ay Hooyada Falastiin ku nooshay,u dul qaadash dhib walba,waxayna awood u leeyihiin in ay soo saaraan jiil lagu tarbiyeeyay waxa ay u noolyihiin kaliya in ay tahay sidii ay u soo celin lahayen Cizadii iyo sharaftii ay lahayeen Muslimiinta,gacanta Yuhuudana ay uga xoreyn lahayen Baytul Maqdis.

Marlabaad aan ku laabano Umu max’ed oo hadalkeydii sii wadata waxay tiri,sida ay dad badan noo maleenayaan inaan nahay Hooyooyin aanan haba yaratee wax naxariis laheyn !!ee waxaan nahay hooyooyin dareen iyo danqasho leh, balse waxaan ku soo barbaarnay dhiig qubanayo iyo Ilmo wakhti walba ilmada ay kada’eyso,intaas oo jirta hadana waxaan aaminsanahay in aan siday tahay u gudano amaanada nasaaran oo ah inan diyaarino Jiilkii soo dhicin lahaa xuquuqdii Muslimiinta ee la dhacay qolo walbna in iska goosatay!!!!mar marka qaarna waxaad arkeysaa ilmada oo anan nagaba imaaneynin,waxaana ka sii qaadnaa adkeysi iyo awood aan dulqaad ugu yeelano wax walba aan kala kulano wada’da aan dooranay.

Umu max’ed ayada oo sii wado hadalkeydii  waxay ku soo gaba’gabeeysa ilaa iyo hada waxaan huray oo shahaado qaatay Ninkeygii iyo wiil aan dhalay,midna waa kan dhaawac ah waxaa ii haray labo wiil waxaan rabi kabaryahayaa inaan Gaza ku laabto ayaga oo helay Shahaado!!!!.

Umu Xassaan waa Hooyo dhashay wiil kamid ah ciidamada Booliska Gaza,waxayna u diyaarisay qada’dii uu cuni lahaa marka uu ka yimaado shaqada,Xassan ma uusan imaan ,mana imaandoono,waxa uu ka mid ahaa dadkii Yuhuuda ay gumaadeyn maalintii ugu horeeysay,Umu Xassan waxaanan aheyn afkeeda waalaga waayay,Xasbunalaahu wanicmal wakiil lagama yaabo  inaan is dhiibno,lagama yaabo inaan dabacno,lagama yaabo inaan cararno ilaa dhiiga noogu dambeyo uu daato waan iska dhicineynaa Yuhuud iyo cid walba oo waheliso!!!

Waa noo cee Mashiinka dhaqaajinaya Qalbiga hooyoda Falastiin in waxaas iyo wax kabadan ay dhabarka u dhigto,isla markaasna ay awood u yeelato in ay u dirto safka hore ee dagaalka inta ay dhashay oo idil,maxaan ku tilmaami karnaa Awooda dulqaadasho ee intaas la eg ee Rabi uu siiyay,runtii waa naxariis iyo Iimaan Rabi cidii uu doono uu siiyo,waa Hibo qofkii Rabi jecelyahay uu siiyo,waa Iftiin aanan u muuqan inbadan oo quusatay.

Aan iswaydiino in badan maxay Hooyoda Falastiin uga gadisan tahay Hooyooyinka kale ee maanta caalamka ku nool ilmahoodana ku bar baariya sidii ayaga oo ku nool meel kabaxasan dunida aan ku noolnahay ,ragooda iyo ilmahoodana ka fogeeya meel walba oo Jihaad ka socda si ay u helaan Nabad iyo Bir bir Aduun aanan lagu waareynin !!!!

Hadaba waa Duruus u baahan hooyo walba oo rabta maanta in ay ilmaheeda ku barbaariso bar baarin sax ah meel ay ka tusaalo qaadato haday ahaan laheyd.

  1. In lasabro xiliyadda adag.
  2. In cadowga la hor istaago ee aanan laga cararin.
  3. In lagu tarbiyeeyo sidii ay awood ugu yeelan lahayen geesimo,aysan marna isku dhiibin
  4. Jihaadka in uu yahay xalka kaliya ee lagu soo celinkaro xaquuqda muslimiinta ee la lunsaday
  5. Rumeyn Adag ee uu rumeysanyahay Rabi,mar walbana uu yahay dhinaciisa.
  6. In uusan jirin Bilad ka qaalisan bilad Alle siiyo qofka Shahiidka ah.

Allahayoow u gar gaar Muslimiinta, gar gaar dag dag ah, meel walba Muslimiinta ay ku dhibaateysanyihiin waxaadna tahay mid Awooda Yaadal Jalaali Wal Ikraam.

NB:lasoco Qeynta 2aad 

Fawsi Ahmed

Fawsi22@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS