SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sidee ugu hiilinaa reer Qazza 

Waa marxalad adag maanta Taariikhduna ay marqaati ka tahay xaalada ay marayaan Muslimiinta caalamka ku nool, Waliba anaga aqrineyno Taariikhdii madoobeyd ee soo martay muslimiinta ayaga oo loo bireeyo sida neefka Ariga oo kale,intuu u yimaado ninka Mangooliga ah dadka muslimiinta ah kuna amaro in ay halkooda ku sugaan si uu usoo qaato  Seeftii uu ku bireyn lahaa,kadibna u soo laabto ayaga  oo halkoodii fadhiya markaasna uu halkaas ku bireeyo.

Maantana waa maalin ay Taariikhdu qoreyso gumaadka Arxandara ah ee walaal Qazza lugu hayo maalintii 8aad,ahna shacab naftooda u horay in ay Difaacaan karaamadii iyo Sharaftii ay laheyd Umuda Muslimiinta ,waa shacab wax walba oo lagu suubiyo aanan ka tagin Mabda’ooda,waa, shacab lagu yaqaano Naftooda in ay u horaan Alle dartiis,waana Shacab ilaa iyo maanta u haraya naf iyo maal sidii gacanta yuhuuda looga xoreyn lahaa Masjidul Aqsaa,Nasiib darase waxaa ah walaalahood Muslimiinta in ay awood u la’yihiin in ay joojiyaan Gumaadka Naxariis darada ah ee laguhayo reer Falastiin ,waxaana Mas’uuliyada ugu weyn iska leh Madaxda Muslimiinta ee qiyaamay difaacii muqadasaadkii ay la hayen muslimiinta iyo xuquuqdii ay lahayen shucuubta ay xukumaan.

Falastiin waa dhul islaamku uu leeyahay,waa dhulkii Aabaheynii Ibraahiim,laguna dhalay Nabi Ciise,deegaana ka dhigtay Nabi Muuse.lagana dheelmiyay Nabi Max’ed SWC,ahna meeshii Ambiyada ay kula kulmeyn Nabi Max’ed halkaasna uu ku tujiyay habeenkii laga dheelmiyay Israa wal micraaj.

Falastiin waa dhul ay wadajir u wadaleeyihiin dhamaan Muslimiinta oo idil,xoreyteyda iyo difaaceyda,midaas oo aanan gaar ku aheyn reer Falstiin kaliya, waajibna ay ku tahay dhamaan Muslimiinta oo dhan,macnaheeda ma ha hadii reer Falastiin ay dhabarka u dhigteyn in ay mudo kabadan 60dan sano difaacayaan ayna udhabar adeegayaan xasuuq walba oo waxshinimo ah ee loo geesto,iyo leeyn aanan loogu kala aaba yeeleynin mid yar iyo mid weyn,gumaad iyo Duqeyn Cir iyo Dhul iyo Bad aanan kala joogsi laheyn,Go’doomin iyo gaajo iyo cabsi galin iyo caga jugleyn joogta ah.

Hadaba maxay tahay waajibka naga saaran walaalaheyn Falastiin si aan uga ula wadaagno dhibkaas faraha badan ee ay ku noolyihiin,diinteyna waxa ay nabareysaa in Muslinka meel walba oo jooga muslinka kale uu yahay walaalkiisa,una danqanayo hadii ay dhib yar soo gaarto kuna farxayo haduu wanaag helo,hadaba aaway walaaltinimadii,aaway halkii xubin ee uu nagu timaayay Rsauulka SWCin ay Muslimiinta ay yihiin,aaway inaan nahay Umad kaliya.

Hadaba Gumaadka loo geystay reer Qazza maanta marka uu dhacay meel walba oo muslimiinta ku noolyahiin iyo qofwalba oo ay Damiir Bini’dimo ay ku jirto waxa uu uga qeyb qaatay sidii walaalaha loogu gar-gaari lahaa hadba inta ay tabartiisu Tahay ,mid mudaaharaad suubiyay,mid dhaqaalo ku taageero(waloow ay maanta adagtahay) mid  mucaawino kala gadisan ku taageeray,mid ku taageeray Duco iyo Qunuud joogto ah,mida qalankiisa iyo afkiisa ku taageeray,Tusaalana u ah in wali uusan dhiman Damiirka Muslimiinta ee uu wali noolyahay

Hadaba hadaan nahay Mujtamaca  soomaaliyeed qeybna ka nahay Muslimiinta Aduunka ku nool,Nabigeynii suubanaa SWC asaga oo timaamay xiriirka ka dhaxeeya dadka Muslimiinta waxa uu ku timaamay sidii hal Xubin oo kale ah,qeyb kamid ah xubintaas hadii ay xanaansuto waxaa la xanuunsado Qeybta kale ee xubinta kamid ah,Falastiin halkee bay nooga talaa?ma tahay Arin agteyna kuweyn, maka mid tahay Muqadasaadkeyna aanan lataaban Karin,maka mid tahay dhaxalkeyna adage e da’ba da’da ka dambeyso ugu tago,ma kamid tahay Maadooyinka aan ku qaadano Iskuulaadka,Macahida,jaamacadaha,ma ku tarbiyeenaa Caruurteyna Jaceylka Falastiin?.

Runatii dhamaan waa su’aalo u baahan in ay aad uga waramaan dad iga aqoon badan dhinac walba,waa arin u baahan in laga suubiyo nadawaad iyo qoraalo badan,waxaana isleeyahay oo dad badan ay is oranayaan hadaan nahay Somali anagaaba 18sano kujirna mashaakil aanan xal laheyn,waa sax balse waxaan aaminsanahay in aysan marna jawaab u noqon Karin inta aan kor ku soo xusay,si walba oo ay dhibaato nooheyso marna ma keeneyso in aan hilmaamno waajibka lanaga rabo inaan lanimaano kuna taageyrno walaalheyn dhibaataysan meel walba ay kaga noolyihiin caalamka,waxaana aaminsanahay intay doontaba hala ekaato aan qeyb ka qaadan karno inaan walaalaheyn Falastiin u hiilano ugana gargaarno Yuuhada iyo Nasaara iyo cidwalba oo soo raaca.

Hadaba waxaan jeclahay inaan soo bandhigo wakhtigaan hada la jooga wax aan walaalheyn ugu hiilin karno ayadoo aanan halkaas ku soowada koobi Karin ,balse aan ka timaamayo wax yar oo kamid ah ,bal si aan ugu yaraan walaalaheyn Falstiin aan ula qeybsaneyno marxalada adag ay maanta ku jiraan.

  1. Inaan u deceyno wakhtiyada ducada la aqbalo,inaan salaadaha ugu qunuudno(waxaana horay u fadwooday Sh,Binu’baaz Allha u naxariistee iyo culo badan)
  2. Inaan u muujino Taageero muuqa ayna ka mid tahay inaan meel walba uga hadalno arintooda,una sheegno dadka sida dhabta ah ee uu ku saleesan yahay dagaalka socda,inaan wax ku qorno Websadyada dadka ay aad u aqristaan,inaan la socdsiino maalin walba halka ay wax marayaan,inaan u soo bandhigo Sawirada iyo sida naxariisdarada ah ee loo gumaadayo,mar marka qaarkoodna Sawirka waxa uu ka runbadan yahay hadalka,Idaacadahala dhageysto in aan wakhti ka siino laguna soo qaato Barnaamijyo ka sheekeenayo Falastiin iyo marxaladahii kala gadisan ay soomartay iyo marxalada adage ee maanta ay mareyso.
  3. Qofkii awood u leh in uu waxbiyo Lacag,Dhar,Rashin waxay doonataba hanoqoto in uu ku taageero,sida dadka lagu kalsoonyahay ay uga soo waramayaana baahida meesha ka jirta ma ha mid qof iyo labo qof kaliya dabooli karaan.
  4. In aan maalin ka mid isbuucii aan ku magacowno Maalinta Falastiin,dhamaan Uskuulaadka,Macaahida iyo Jaamacadaha dhamaan looga waramo Falastiin iyo waxa ay tahay iyo halka ay muslimiinta kaga taalo.
  5. In la suubiyo kulamo ay ka soo wada qeyb galayaan dhamaan qeybaha kalagadisan ee koobantahay bulshada,sida Culumada,aqoonyahanada,Siyaasiinta,waxgaradka halkaasna ayada oo loowada dhanyahay laga soo saaro Qoraal uu ku cadyahay sida aan uga xunahay aana marna u aqbaleynin Xasuuqa ka socda Qazza,loona qeebyaa dhamaan isgaarsiinta oo dhan mid la aqristo iyo mid la iska arko.
  6. Dhamaan Culumada soomaaliyeed in Msaajida’da Qudbadaha,Casharada labixiyo iyo meelaha la isku yimaado in dadka ay uga waramaan waxa ka socda Qazza in uu yahay mid lamid ah kii Maangooliyiintii ay ku xasuuqayn Muslimiinta.

Ugu dambeyntii waxa aan tilmaamay waa waxa ugu yar ee aan reer Qazza  kutaageeri karno,waxaana rajeynayaa in ay noqoto bilow wanaagsan aan ku saxeyno qalal farabadan oo jira, aana uga xoroowno aragtida gaaban ee aan dhaafsiisneyn xuduuda somaliya ay leedahay,meel walba oo muslin uu ku noolyahayna aan la wadaagno dhib iyo dheef .

Allow u gar-gaar dhamaan muslimiinta meel walba ay ku dhibanyihiin..


:::
Qazza Go’doomin kadib iyo Xasuuq!!!! Yaa u gar-gaarayo 

Fawsi Ahmed

Fawsi22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS