SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qazza Go’doomin kadib iyo Xasuuq!!!! Yaa u gar-gaarayo 

06/06/1967 waxay aheyd maalintii uu dhex maray dagaal u dhaxeya Masar ,Syia,iyo Jordan oo dhinac ah  iyo Yuhuud,dagaalkaas oo socoday mudo lix maalmod.

waxaana dhacaday muda’daas yar ee uu dagalka socday in carab looga qabsaday dhulal, wadamadii dagaalka lagalay Yuhuuda, (ilaa iyo maantana laga heysto inbadan oo kamid ah dhulkaas)ciidamadii carbeedna ay isku dhibeeyn ayaga oo kor u taagay maryo cad cad si loo nabad galiyo,waxii dhar ciidan qabayna ay ku badashaan dhar caadi ah si aanan loo garan in kalana ay ku labsiteyn dhar dumar si ay ula baxsadaan naftooda.

Maalintaas waxay carab oo dhan isku raacday in ku magacowdo maalintii Jabka,Laga bilaabo maalintaas kadib tilmaamaha lagu tilmaamo marka la tilmaamayo Yuhuuda ciidankooda ayaa waxaa lagu tilmaami jiray Ciidanka aanan la dhaqaajin Karin lagana adkaan Karin!!!!.

Qazza oo godoomin kujirtay mudo kudhaw labo sano ayaa waxaa maanta yuhuuda  ugu dartay duqeyn waxshi nimo ah iyo Xaqsuuq arxandaro ah ,waxay baabi’eyen oo ay dhulka la simeyn dhamaan aasaaska Bulshada ay ku taagantahay Wasaaradihii hay’aadkii guryihii dadka ay daganaayen,sidoo kalana waxaanan dulmigooda ka badbaadin goobihii cibaada’da,ugu yaraan ilaa 8 masjid ayay dhulka la simeyn,waxay ilaa hada dileyn inkabadan 500 oo qof waxayna dhawaceyn waxkabadan 2500, 200 kamid ah ay yihiin dhaawac halis ah,qofwalba oo muslin ah wax yar iimaan ay qalbigiisa ku jirto marka uu daawado warbaahinta qaar waxyaabha ay soo bandhigayaa waxaa danqanaya xubin walba oo jirkiisa kamid ah,waxaa indhihiisa ka yimaada ilin uusan awood u ahel in uu isku celiyo,

Hadba Shacaka intaas oo dhib ah heesato waxaan arkeynaa kii ladilay Aabiihi Walaahii iyo inta uu dhalay waxa uu ku cel celinayaa Xasbina llaahi wana3mal wakiil ,marna lagama yaabo inaan is dhiibno,qofka noogu dambeeyo ilaa uu ka Shahiido siwalba ay yahuudi noo duqeeyaan noola Gumaadaan, marna lagama yaabo in ay tir tiraan waxa ku Shaabadeysan qalbigeyna ayna ugu horeyso naceybka Yuhuuda aan uqabno.

Waxaa wax la’la  layaabo in mudo lix maalmood duqeyn iyo layn Arxandaro ah loogeysatay walaalaheyn reer Qazza in aysan wali is dhiibin,inaysan wali taagin maryo cad cad,in aysan wali magangalyo waydiisan kuwii Gumaadayay,in aysan u qeyla dhaasan kuwii dhulkooda Yuhuuda ka siiyay,in aysan naxiir badain kuwii ku soo hubeeyay,in aysan rajo badan kuwii Ardaha ka xirtay,waa wax Alle loogu mahadiyo in Qazza oo aan wada dareemi karno awoodooda iska cabineeyd inta ay dhantahay,hadana wali ay noolyihiin walina aysan Mabda’dooda uusan isbadalin,halka dawladaha Carbdeed maalinwalba ay ku bixinayaan Malaayin Doolar hob iyo Saanad aanan lagaraneynin cida ay rabaan in ay kula dagaalamaan oo ay ku Gumadaan!!!!

Waa wax laga ilmooyo laguna qoslo waxa ay ku heshiiyen Wasiirada Carbeed ee isku yimid Qaahira in dadkii Gumaadayay ay ku xiraan rajadooda ayna yiraahdaan ila adeerayaaloow naga daaya dilka oo noo naxariista ,inbadan ayba raali katahay in sidaas loo laayo reer Qazza.

Hadba waxaan leeyahay reer Qazza Sabra Insha allaah Balantiina waa Jano,Rabi idin hoojinmaayo Dhiig walba oo Alle dartiis u daatana  waxaa ku kobca islaanka,waxaad barteyn Muslimiinta meel walba ay ku noolyihiin wax walba oo loogeysto qofka Muslinka ah marna in uusan isbadalin Mabda’iisa,waxaad barteyn Shucuubta xooga lugu heysto wali dareynka Muslimiinta in uusan dhiman,waxaad dhibic kamid ah dhiigaana ku qorteyn in cidwalba oo dhul Muslin ah xoog ku qabsata aanan looga qaadi Karin ilaa xoog mo’yee,waxaad barteyn Shucuubta u dagaalamayo in ka xoroobaan Gumeesiga dhinac walba ka heesto in uusan laheyn nabad lagula noolaado,waxaadna barteyn umada Muslinka ah ee maanta hareeyay Duliga iyo Dulmiga ay ku dhexnoolyihiin in aanan looga bixi Karin ilaa nin walba naftiisa ilmihiisa iyo dadkiisa uu u horo in kalmada Alle ay saro noqoto.

Ugu dambeyntiina hadaan nahay Shacabka soomaaliyeed sidee bayna ugu gar-gaari karnaa  walaalheyn Muslimiinta ah ee reer Qazza waxaan ku soo qadaan doonaa qormadeyna dambe. 

Marlabaad reer Qazza waxaan leenahay Shukran!! Rabi ha idiin gar gaaro Rabina ha idinka guuleeyo Cadawgiina Yuuhada iyo Nasaaro iyo Shaado ladirka meel walba jooga.

Fawsi Ahmed 

Fawsi22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS