Nabaddu waa khaali, Nimaan haysan waa Nuxuus
Wadamada
loogu hal qabto (Dunidda Horumartay), mar kasta oo ay qoraxdu soo
dhalaasho hadal haynta ugu badani waxay u janjeertaa dhanka horumarka,
dhiiragelinta waxbarashada, kor u qaadida iyo tayo-gelinta horumarka
casirga ah iyo waliba kobcinta maskaxdda da’yarta soo koreysa oo lagu
toosiyo sida ugu macquulsan oo ay ku dhaxli karaan doorka uu doonayo in
uu tiigsado wadankaasi, waxaa maskaxda da’yarta laga ilaaliyaa ama
wadanka oo dhan wax kasta oo ku sababi kara dib u dhac iyo waliba in ay
ka mashquulaan hadafka loo qosheeyey in ay ku furtaa mustaqbalka fog.

Xidigaha dushooda in la isaga baaqo, waxay wadamada horumarka ku
faanay ku gaareen qodobo dhowr ah oo aad u muhiim ah, waxaan qodobadaasi
wax badan ka qishay wadamada iyana loogu yeero (Wadamada soo koraya),
balse waxaa weli wadadda ku soo dhicin dhulyow kuwaas oo weli hurdo ku
jira oo xitaa aan isku dayeen in ay baadi goobaan wadiiqada dheer ee
mudo dad badani ku soo tacab beeleen lana sahlay runtii, una fudud cid
kasta oo haatan u istaagta in ay ku safarto wadadaasi maadaama horey loo
falay oo keliya ay u baahan tahay in aad lugta saartid adiga oo caqli
shaqeynaya uu ku wehliyo.
Waxaa isweydiin mudan sida kuwa horumarka ku talaabsaday dayaxa u
gaareen, dad badan oo caqli u saaxiib ah ayaa si weyn uga faalooday
arrimahaasi, qaarkood umaba baahno faalo oo waa kuwo iska muuqda, oo
haddii loo holado la heli karo, waxaa hadal badan u baahneen oo la isku
wada raacay in dhamaan arrimahani sidii lagu xaqiijin lahaa qodobka
keliya ee saldhigga u ah yahay in la helo Jawi xasiloon oo qas iyo
jahwareer ka maran, jawiga noocaas ah ayaa marka la soo koobo waxa uu
qaatay magaca ah (Nabad).

Deganaashaha wadan ama Qaarad weyn ay hesho ayaa ah wax lagu faano,
oo aan la iska sheegsheegin, waxaa waajib ah in la dhowrto oo la
qarsado, wax walba oo cuuryaamin karana laga ilaaliyo, waxaa iyana
meesha ku jirta in waqti walba la hubiyo sida ay ku waabariisatay ama uu
gabalku ugu dhacay nabadda meel ka jirta, tan oo xurmadda koowaad la
siiyo waxay ka dhigaysaa inta hartay kuwo wado keliya ku wada dhaca oo
aan leex-leexad lahayn.
Qaaradaha dunnida ee maanta ku guuleystay in ay xaqiijiyaan nabadda
gudahooda ka jirta, indho badan way u muuqan kartaa dhaxalka ay ka
heleen nabadda ay juhdiga badan ku bixiyeen, welina ay diyaarka u yihiin
in ay dadaal kale geliyaan, jawigaa xasiloon oo ay ku guuleysteen
wadamada horumaray, waa midda keentay waxa aan kor ku soo xusay ee
dhamaan hoosta ka xariiqaya kor u kac iyo waliba in hawada sare lagu
tartamo, sidoo kale waa midda keentay in tacliinta heer sare laga gaaro,
waxaan kaa dabooleyn in da’yarta dunidda
horumartay aan la barbardhigi Karin kuwa dunida saddexaad marka loo
eego maskaxda kobacsan ee daqiiqad walba u fikireysa soo saarista wax
cusub oo aan horey adduunka looga baran, waxayna nabadda ay heleen oo ay
ku guuleysteen dhaxalkii ay ka heeleen u suuragelisay in ay ku
hogaamiyaan dunidda saddexaad.
Dunidda saddexaad, waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid dhulka taal
weli, kaba soo gudub in ay cirka tiigsatee waxaa la tilmaamayaa in ay
weli dhulka galgalaneyso, waxaa amuurtaan sabab looga dhigay dhowr qodob
oo midba midka kale ka sii liito, waxaa la soo jeediyey in daawo loo
heli karo dhamaan qodobadaan waa haddii la meeleeyo qodobka ugu
muhiimsan, qodobkaa ayaa lagu sheegay in uu yahay (Nabadda).

Foowdada, Qaska iyo Jawhareerka ka taagan dunidda saddexaad inteeda
badan ayaa loo doortay in uu yahay caqabadda koowaad ee hor taagan in
dunidda saddexaad dhulka ka kacdo, waxay aqoonyahanadu isku raaceen in
nabad darida iyo waliba nabad la’aanta meelaha qaar ee Dunidda saddexaad
ka jirta keentay in weli wadamo badani sii hurdaan oo aysan ku
baraarugin sida adduunka loo kala boobayo, waxaan qoraal badan u sii
baahneen in Qaaradda Afrika si qaas ah ay ula degtay nabad dari,
wadamada yar ee afrika la dhihi karo waxaa ka jira wax xoogaa hurdo ka
soo toos ah qudhooda waxaa daashaday nabad dari, u xuubsiibatay
musuqmaasuq.
Ujeedka qoraalkaan markaan u soo daadego, Soomaaliya waxay qaybta
hore kaga jirtaa haddeysan nambar wan ahayn meelaha adduunka looga
yaqaano (Bahalo Galeen), nabad la’aanta ka jirta Soomaaliya, waxay
keentay dib u dhac hor leh, iskaba daa’ in ay kor u dhaqaaqdee, hoos
ayay u sii maquuratay, waxaa laga yaabaa in dadka qaar horumarka ka
fiirinayaa wax xoogaa yar oo u badan dhanka Isgaarsiinta oo Soomaaliya
ku soo badatay, waxaase si waadix ah u muuqata in taas laba-jibaarkeed
ku soo kordhi lahayd Soomaaliya 18-kii sano ee ugu dambeeyay haddaysan
nabad daradu la degi lahayn.
Soomaaliya waxay qayb ka ahyd dadaalo dhowr jeer lagu doon doonay in
meelo ka mid ah dunidda saddexaad wax laga bedelo, dhowr shir oo la
iskugu yimid wadanka gudihiisa iyo dibaddiisa waxba ma aysan wanaajin in
ay wax sii qaribaan mooyee, nabaddii la baadi goobayna laguma guuleysan
in la helo, waxay dadka Soomaaliyeed mudo bilo ku siman u riyaaqeen mar
ay koox Culumo ahi u istaagtay in ay nabaddii luntay dib u yakleelaan,
taasina mudo kadib hoosta ayaa lagala baxay, dadku waxay qabaan in kuwo
awalba diidanaa nabad Soomaali ay hesho middaanna ay dhuunta u galeen,
haddaan soo koobo dhawaan ayaa Jabuuti lagu dhisay Dowlad uu madax ka
yahy shaqsi mudooyinkii dambe masraxa siyaasadda Soomaaliya lagu arkay,
inkastoo uu cusub yahay haddana dadka badankiis waxay u muujiyeen
taageero, caasimadda Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay tahay meesha sartu
ka qurunsan tahay ayaa ugu horeysay meelaha laga soo dhaweeyey
Madaxweyne Sheekh Shariif inkastoo weli ay jiraan kooxo quud-dareynaya
oo sheegay in Shariif iyo kuwa la socda yihiin kuwo gefay, waxay
wadaanna aysan waxba ka jirin.
Dadka Soomaaliyeed ayaa haatan waxa ay u baahan yihiin nabad, waxay
dadku isku raacsan yihiin in nabaddu tahay shayga koowaad ee looga
fadhiyo cid kasta oo mas’uuliyad u soo qaada wadankaan, waxay dadka
qaarkii soo qaadanayaan halku dhigyo nabadeed sida (Nabad ayaa naas la
nuugo leh, Nabad la’aan waa nolol la’aan iyo kuwo kale oo la mid ah).
Waxaa Muqdisho la isugu yimid shirar badan oo lagu taageerayo nabadda,
qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa hoosta ka wada xariiqay in nabad
waarta oo dhibaatada looga baxo si wada jir ah loo baadi goobo, waxaa
goobihii la isugu yimid dhamaantood laga wada jeediyey suugaan ka
hadleysa nabadda iyo waxtarkeeda, waxaana ka mid ahaa Baraanburu, Gabayo
iyo waliba Heeso.
Haweenay ayaa si aad ah ugu calaacashay “War-heedhe sidaan si ma
ahan, anaga haddaan nahay Haweenka Soomaaliyeed iyo carruurtooda waxaan
dooneynaa nabad, carruurteenii waxay ku qaangaareen nabad la’aan, in ay
wax na taraan oo ay wax noo bartaan iska daayee waxay halis ku hayaan
nafteena, maxaa yeelay wiilkaagii oo ka qayb-qaadanaya amaba ku jira
dhibaato, adiguba qiyaas markuu dhiig galo in marka dambe adiga uu kugu
soo laabanayo, nabad la’aan ayaan mudo ahayn, intaa ka badanna nabad
la’aan ma sii ahaan karno, waxaan ka codsaneynaa dhamaan dadka ay ka
go’do talada Soomaaliyeed in ay u istaagaan nabadda oo ka gacmaha is
qabsadaan,”. Dadka dhamaan hadlay waxay ka wada sinaayeen in nabaddu ay
tahay muhiim ah.
Reer Miyiga ayaa laga hayaa in Rag goshii ay tahay nabad, waxaana
halkaa kaaga cad in meel kasta oo xayndaaban ama Dhisme shub ah oo aad
gashaa marnaba kuu noqon karin meel aad ku badbaado, balse nabaddu ay
tahay mid lagu badbaadi karo, haddii aad nabad ku naalooneyso, waxaa
hubaal ah in aad jiifsan karto meel kasta oo ay qoraxdu kuugu dhacdo,
waxaan ugu dambeyntii afka lagu wada hayaa halkudhiga ah (Nabaddu waa
khaali, nimaan haysan waa nuxuus),
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
SHALAY: I DOORO AAN KU DILLEE, MAANTA: I DOORO AAN KU DARYEELEE...
Akhri..