SHALAY: I DOORO AAN KU DILLEE, MAANTA: I DOORO AAN KU DARYEELEE
2004-tii ayaa Weriye Fahad Yaasiin waxa uu qoray maqaal uu ugu
magacdaray
(I DOORO AAN KU DILLEE) wuxuuna ku soo beegay maqaalkaan xiligii
loo ololaynayay Tartanka madaxnimada shirkii Impagathi, waxa
uuna weriyuhu sii saadaaliyey in uu doorashada ku soo bixi doono
C/llaahi Yuusuf Axmed maadaama uu ugu tun roonaa qabqablayaashii
shirkaas abaabuley oo ay itoobiya dabada ka riixeysey , waxaana
meesha isugu tagey intii dilaaga ahayd Abwaan Tabantaabo ayaa
yiri “Dilaa Sare Haddii aan la Dilin waa Dalacayaaye saa la
Dilli waaye”
Xaqiiqda marka loo hadlo waxa uu weriyuhu uga digayey
xildhibaanada Baarlamaanka in ay doortaan shaqsi ummadda u
horseeda burbur iyo baaba', hase yeeshee arrintaasi waa ay iska
indha tireen, xildhibaan ayaa waxa uu yiri "Ninkii afka ii
buuxiya ayaan dooranayaa, waxba igama gelin cidda la dilayo" mid
kale oo Musqusha ku tirsanaya lacag ayaa isna waxa uu yiri "Weligay
ma arag lacag intaan la eg meeshay doonto ha ka dhacdo wixii
doonana ha baaba'een", mid kale ayaa isna sii raaciyey "Wallaahi
C/llaahi Yuusuf nin uga dhow Doorashada ma jiro, waayo waa nin
40 sano u soo halgamayay madaxtinimada oo dad badan u soo
baabiyey, marka ummaddu waxay u baahan tahay nin noocaan oo kale
waayo Dadka Soomaaliyeed 16-kii sano ayay faraha ka baxeen,
marka C/llaahi ayaa dariiqa toosan ku soo celin doona, ummadduna
waxay u baahan tahay nin milatari ah oo birta calaaliya oo aanan
cidna ka naxeyn".
Xildhibaan kale oo ka soo horjeeda C/llaahi Yuusuf oo isna u
digaya xildhibaanada kale ayaa yiri "waxaan idinkaga digayaa in
aad doorataan C/llaahi Yuusuf, waa nin dhiig fara badan ku soo
qubeystay oo aan cidna ka naxeyn, marka waxaan idin leeyahay ha
laga digtoonaado ninkaa doorashadiisa". Xildhibaan kale oo ay
isku beel yihiin C/llaahi Yuusuf ayaa yiri "Wallee Soomaaliyeey
waxaana ka baqayaa in uu hoog iyo baaba' idiinla yimaado C/llaahi,
waayo waan idinka naqaanaa ninkaa waa nin madax adag oo
kelitalis ah, cid uu ka naxayana ma jirto, waan ognahay in
Dowladda Itoobiya ay kharash badan ku bixineyso soo bixitaanka
C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna ula jeedaa in ay Soomaaliya sii
baabi'iso ee ujeedo kale oo ay leedahay ma jirto.
C/llaahi Yuusuf waxa uu helay habeenkii Doorashada 189 cod,
waxayna Beeluhu codadka u kala siiyeen sida tan 55 Beelaha Digil
iyo Mirifle, 57 Beelaha Hawiye, 45 Beelaha Dir, 22 Beesha
Daarood, 10 Beelaha Isbahaysiga, coddeyntaan waxaa kaaga cad in
Beelaha Hawiye ay si indho la'aan ah u doorteen C/llaahi Yuusuf
Axmed, kadib markii ay heleen lacago fara badan, sidoo kale
waxaa coddeyntaan kaaga soo baxaya in beesha Daarood ee uu ka
soo jeedo C/lllaahi Yuusuf ay aad ugu yar yihiin coddeynta, taas
oo ah in ay ahaayeen dad si aad C/llaahi Yuusuf u yaqaanay. Nin
xildhibaan ah oo ka mid ah Xildhibaandii horey u soo doortay
C/llaahi Yuusuf kuna sii jeeday shirka Jabuuti ayaa mar aan kula
kulmay Magaalada Muqdisho waxa uu yiri "Aad baan uga shalaayay
Doorashadii C/llaahi Yuusuf, mas'uuliyadeeda dhibaatadii ku
dhacay shacabka waxaa iska leh intii soo dooratay C/llaahi
Yuusuf,
C/llaahi Axmed Caddow oo tartanka la galay C/llaahi Yuusuf Axmed
ayaa doorashadaas waxa uu ka waayay wixii uu filayey, intii
aysan doorashadaasi dhicin waxa uu yiri mar la wareystay "waxaan
doonayaa in aan si soomaalinimo ah doorashada ugu soo baxo nin
qabiil wax ku doonaya ma ihi, ninkaan iraahdo doorashada igu
taageerna waxa iigu jawaaba 'lacag ma wadataa', inta yaabay
ayaan hoos waxaan ka iri 'ma aqaan ummadan halka loo wado balse
iyadaa ka war keeni doonto".
Waxaa caddaatay in ay soo baxday oraahdii ahayd (I Dooro aan ku
dillee), waxa uuna C/llahi Yuusuf bilaabay in uu wadanka soo
geliyo ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo ka gaystay wadanka xasuuq
fara badan, iyadoo xiligii uu joogay C/llaahi Magaalada Muqdisho
ee labada sano ahayd la barakiciyay dad gaaraya Labo Milyan oo
qof, sidoo kale waxaa dalka ka cararay dad fara badan kadib
markii loo jeediyey hanjabaadyo, C/llaahi waxaa afkiisa ka
dhamaan waayay waxaan la dagaalamayaa argagixiso, xitaa waxa
laga waayay hadal dadka soo jiita, iyadoo raggii kale ee isaga
la shaqaynayay ee ka soo jeeday gobolkaan ay iyana si bareer ah
ula safteen C/llaahi, waxaa dhamaantood ka soo wada yeeray
hadalo ay bulshada Soomaaliyeed weligeed hilmaami doonin, iyadoo
markii dambe C/llaahi Yuusuf ay iska hor yimaadeen Cali Max'ed
Geedi taasina keentay in Cali xilka iska casilo, hase yeeshee
markii uu yimid Nuur Cadde, C/llaahi waxa uu is lahaa waxaad
heshay nin aad sii adeegsan doonto, balse waxay arrintu noqotay
in C/llaahi uu maro wadaddii Geedi horey u maray, xilkiina uu
iska casilo, waxaana haatan cad oo iska muuqata in xaaladdu ku
soo laabatay labo sano ka hor meeshii ay joogtay iyadoo intii
hore ka awood badan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay beesha caalamka wax la waday
ayaa ku soo baxay 31-kii bishii hore Doorashada madaxweynimada
Soomaaliya, runtii doorashadaani waxay ahayd mid deg deg badan,
Xildhibaanada meesha isugu tagayna waxay ahaayeen kuwo si aad ah
ula dhacsanaa doorka uu Sheekh Shariif ka cayaaray arrimaha
Soomaaliya, taasina waxay keentay in uu cod aqlabiyad leh ka
helo xildhibaanadii Baarlamaanka, runtii doorashadii C/llaahi
iyo middaan waxaa u dhexeeye farqi weyn, waayo middaan waxaa
inta badan laga siman yahay in faragelinta Itoobiya ay ka
marneed, sidoo kale waxaa marnaa in lacago laaluush ah la kala
qaato, waxaana taas sabab u ah markii Sheekh Shariif ay soo
sharaxeen Isbahaysiga dib u xorreynta oo iyagu lahaa 200 oo
Xildhibaan, xitaa waxaa la yaab leh in bulshada rayidka ah oo 75
xubnood ku lahayd Isbahaysiga aysan ka qaybgelin doorashadii
Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo ay iska caddeyd in
Shariifku uusan baahneyn 75-taa Xildhibaan oo uu haystay
kalsooni buuxda, waxaase mucjiso noqotay in Sheekh Shariif isku
soo baxaan Maslax Max'ed Siyaad oo uu dhalay madaxweynihii hore
ee Soomaaliya Max'ed Siyaad Barre, hase yeeshee dadka odorosa
siyaasadda waxay markiiba qireen in Maslax ay ka ahyd in uu
magac ka helo doorashadaas balse uu Shariifku ku cad-caddaa oo
uu ku soo bixi doono tartanka.
Haddaba haddii ay shalayd ahayd (I dooro aan ku dillee), maanta
waa (I dooro aan ku daryeelee). Sheekh Shariif inkastoo Muddo
yar ku jirey siyaasadda haddana waxaa hor taagan caqabado fara
badan oo ay ugu horeyso sidii uu u qancin lahaa kooxaha ka
dagaalamaya gudaha dalka oo iyagu si aad ah uga soo horjeeda
Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuna tilmaamay in uu yahay nin ka
leexday wadaddii ay kuwada ballameen sida ay sheegeenna isku
dhiibay wax ay ugu yeereen beesha Caalamka, balse Sheekh Xasan
Daahir Aweys ayaa waxa uu yiri "markii C/llaahi laga dhameystay
dantii laga lahaa ayaa haddana la doonaya in Sheekh Shariif
maalmo kale lagu sii meel gaaro, marka arrinta Soomaaliya waa
jug jug meeshaada joog.
Marka laga yimaado hadalada ay kooxaha kala duwan ee Soomaalida
ka soo yeeray kuna wajahan doorashad Sheekh Shariif, waxa sidoo
kale iyana cod dheer ku taageeray beesha Caalamka iyo Wadamada
Islaamka gaar ahaan Ururka Culumada Islaamka ee Adduunka kuwaas
oo kooxdda Al-Shabaab iyo Isbahaysiga garabka Asmara u soo
jeediyeen in ay raacan Shariifka, isla markaana ay soo gogol
dhigtaan haddii ay wax qaladaad ah tabanayaan, waxayna taasi u
muuqataa in Shariifku uu taageero badan ka haysto dhinacyada
caalamka, balse hadda caqabadda keliya ee jirta lagu tilmaami
karo in ay tahay kooxaha gudaha oo qudhooda kooban marka loo
barbardhigo mucaaraddkii ka hor imaan jiray dowladihii horey loo
dhisay, Shariifka ayaa doorashadiisii kadib waxa uu sheegay in
uu la hadli doono gebi ahaanba dhinacyada soomaaliyeed, waxa
uuna arrintaan ku celcelinayay mudo dheer, dadka siyaasadda
indha-indheeyana waxay tilmaamayaan in Sheekhu ka gudbi karo
caqabadahaan, maadaama mucaaradka ka soo horjeeda ay yihiin ay
mudo isla soo shaqeeyaan oo ay wax wada fahmi karaan, sidoo kale
shacabka soomaaliyeed ayaa kalsooni badan ka muujiyay
Madaxweynaha cusub, iyagoo daliishaday in uu yahy nin Nabadeed
oo aan qoriga caaraddiisa wax ku raadineyn sida C/llaahi Yuusuf
waa sida ay tilmaameen, isku soo wada duuboo waxa loo badinayaa
in arrintu hagaagi doono mar haddii Xukuumadda cusub iyo
Madaxweynuhuba si buuxda uga hawlgalan Caasimadda Muqdisho,
waxaana dareemi kartaa in tani ay ka macno tahay oraahdii aan
horey u sheegay ee ahayd (I dooro aan ku daryeelee), bulshaduna
waxay qabtaa in aan la deg degin ee daryeelka la sugo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com