dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

Xaflad Lagu Soo Dhaweynayo Dowlada Cusub Ee Somalia oo ka dhacday dalka India gaar ahaan Magaalada Madras.
 



India.10.02.2009.Habeenimadii Axada oo ay taariikhdu aheyd 08.02.2009 ayaa Waxaa ay xaflad aad iyo aad u qiimo badan ka dhacday Dalka India gaar ahaan Magaalada Madras (East Woud Hotel). Xafladaasi oo ula jeedkeedu ahaa soo Dhaweynta Dowlada cusub iyo in la taageero Nabada ayaa halkaasi waxa loogu duceeyay Dowlada cusub in uu Illah ka dhigo mid dib usoo celisa Nabada iyo kala danbeynta.

Xafladaasi oo ay Ka soo Qeyb galeen dad isugu jiray Madax ka socotay Maamul Goboleedka IGAD iyo arday somaliyeed. Xalay oo ay aheyd Habeen aysan illaawi Karin Arday badan oo wax ka Barata Magaalada Madras ee South India kadib markii ay Arday badan oo waligood anan arag meel loogu istaagay Heesta calanka in ay xalay u istaageen.Waxaa ka muuqatay wajiyada Ardayda farxad aan la soo koobi Karin.

Mudane Cige Ibrahim Dahir oo ahaa Mas’uul kasocday Maamul Goboleedka IGAD oo u dhashay dalka DJabuuti ayaa wuxu halkaasi kula dardaarmay Ardayda Somaliyeed ee wax kabarata Magaalada Madras asaga oo sheegay in la taageero Nabada isla mar ahaantaana u duceeyay Dowlada cusub isla mar ahaantaana ardayda somaliyeed kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan qaabkii ay ku soocelin lahaayeen sharaftii ay Somalia ku laheyd geeska Africa iyo Dunida inteeda kalaba.

Ardayda oo halkaasi ku soo bandhigay Ruwaayad aad iyo aad uga qoslisiisay dadka, taasi oo Magaceedu ahaaa “Nabad Dahab Ku doorsan maayo” .Ruwaayadaasi oo maskaxdeedu lahaa mid ka mid ah ardayda oo magaciisu la yiraahdo Axmed cabdi-wali Ciise.Halkaasi oo aad looga dareemi karay sida ay dadku ugu oomanyihiin Nabada.Ugu danbeyntii waxaa Halkaasi fariimo kala duwan loogu diray Dowlada cusub fariimahaasi oo ay kamid ahaayeen in ay la timaado Dowlada Nabad, Cadaalad, iyo Midnimo qaran.



Maxamed Muxumed Adam
Duurow222@hotmail.com
00919840339027
Madras-India
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS