dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo soo Gaarey Jabuuti iyo Kulamo uu La Yeeshey Qaar Ka Mid ah Musharixiinta Xildka Ra'iisul Wasaaraha

shariifMadaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaarey Galabnimadii 10/02/2009-da Caasimada dalka jabuuti, Wafdiga madaxweynaha oo muddo 4 maalmood ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa intii uusan ka soo dhoofin Garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde waxaa uu shir jaraa'id ku qabtey xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaa uuna halkaasi kula hadley qaybaha warfidiyeenada gudaha iyo dibada wax-yaabihii u qabsoomey intii uu joogey Muqdisho.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif markii uu soo gaarey Dalka Jabuuti ayaa waxaa kusoo dhaweeyey mas'uuliyiin isugu jira Soomaali iyo Mas'uuliyiin ka socotey dalka Jabuuti, ma jirin wax hadal oo uu bixiyey markii uu soo gaarey madaxweynaha, balse warar ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha waxay sheegayaan in markii uu soo gaarey uu hore u bilaabey latashiyo gaar gaar ah oo uu la yeelaneyey Xubno kala duwan oo ka soo jeeda Beelaha Soomaaliyeed, islamarkaana si weyn rajo uga qaba qabashada xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Xubnaha uu la kulmey Madaxweynaha DFKMG markii uu yimid ayaa waxaa ka mid ah Dr. Maxamed Xasan Aadan iyo xubno kale, sidoo kale waxaa uu hore ula kulmey xubno ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, Prof, Cali Khaliif Galeyr, Gen, Maslax Maxamed Siyaad iyo xubno kale, sida ay ii xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan Xildhibaanadii hore ee TFG waxaa uu ii sheegey "Madaxweynaha marka uu yimaado waxaa uu kulamo gooni gooni la qaadandoonaa, Xildhibaanada Shanta Beelood sida ay u dhan yihiin, beelkasta waxaa uu kulan la qaadandoonaa mudo saacad ah" sida uu ii xaqiijiyey xildhibaankan.

Kudhawaaqista Ra'iisul wasaaraha ayaa la filayaa inay ahaato maalinta Khamiista oo Taariikh-da ku beegan 12/02/2009-da, sida ay ii xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha, inkastoo ay jirikarto in waqtigu uu dib uga dhaco, sababa badan oo jira aw-good, taasoo ay ugu horeyso xubnaha xilka Ra'iisul wasaaraha doonaya iyo Beelaha ama Jufooyinka oo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii badaneyso., Xubnaha liiska Ra'iisul Wasaaraha isu soo sharaxey waxaa ka mid ah marka laga reebo kuwii hore Dr. Maxamed C/llaahi Oomaar iyo Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaasoo markii uu yimid Madaxweynaha codsigoodii loo gudbiyey.

Dhinaca kale kulan ladoonayey in ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dib-udhac ku yimid, kaasoo aan hore loo sii shaacin, lama sheegin sababaha uu kulanku u baaqdey, balse warar kala duwan oo aan ka helney Xafiiska gudoonka ayaa sheegaya in loo baajiyey codsi dhinaca Madaxweynaha ka yimid inkastoo warkan uusan ahayn mid si rasmi ah loo shaaciyey.

Marka si guud loo eego la tashiyada Madaxweynaha DKMG uu wado ee dhinaca soo xuliska xubinta Ra'iisul Wasaaraha ayaa dadka qaar oo aan si gooni gooni ula kulmey waxay leeyihiin "waxaa waqtiga kusii fogeynaya Madaxweynaha xubno aan u qalmin qabashada xilka Ra'iisul Wasaaraha oo hore dalka dhibaatooyin kala duwan uga geystey", sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka TFG ayaa waxay iyaguna isudiyaarinayaan taageerada qaar ka mid ah xubnaha doonaya xilka Ra'iisul Wasaaraha, iyagaoo magacaabaya ruuxa waxayna leeyihiin "anagu waxaan dooneynaa qof hebel hadii la magacaabiwaayo, waxaan bilaabeynaa mucaarad nimo", halka kuwo kale oo ka mid ah Wasiiradii hore ee Geedi oo aan la kulmey ay ku andacoonayaan "waxaan sugeynaa marka lagu dhawaaqo Ra'iisul Wasaaraha iyo dowlada uu soo dhiso, kadib waxaad maqlidoontaa shirar jaraa'id oo is daba jooga ah oo looga soo horjeedo" ayey leeyihiin, inkastoo xubnahan ay u badnaayeen Xildhibaanada TFG, hadana dhinaca ARS markaad eegto waxay leeyihiin anagu ruux kasta oo uu soo magacaabo Madaxweynaha wax dood ah oo aan ka keeneyno ma jiraan, taasoo muujineysa kala fikir kala duwanaanshaha Xildhibaanada ku dhex jira ee dhinaca wadashaqeynta iyo soo xulista Ra'iisul Wasaaraha in ay tahay wax laga digtoonaado, hadana si kasta oo ay tahay Caasimada dalka jabuuti ayaa waxay xarun u noqotey shirarka xil doonka Ra'iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuumada cusub oo ay leeyihiin Beelaha Dowlada 4.5-ka, iyadoo ay u sii dheer tahay faraha fiiq fiiqan ee 19-ka sano ay ku mudayeen Beelaha danleyda caalamka soo celintii karaamada Ummada Soomaaliyeed ee luntey, balse la arkidoonee halka ay wax ku dambeeyaan.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS