dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan “Ninkii Maanta Dagaal Iclaamiya isaga ayaa ku Dhimanaya”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Afhayeenka culimada dhexdhexaadinta Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo kooxaha Muqaawamada in ay taageeraan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu doonayo in dalka lagu xukumo shareecadda islaamka.

“Ninkii dagaal iclaamiya isaga ayaa ku dhimanaya waayo 18 sano ayaa wadankaan dagaal ka socday wax faa’iido ah oo lagu gaaray ma jirto” ayuu si kulul u yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay in shacabku ay meel ulga soo wada jeesan doonaan kuwa carqaladda ku ah nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Guddiga Musaalixada oo shalay kulan balaaran la yeeshay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya, waxa uuna Sheekh Nuur Baaruud Gurxan sheegay in Sheekh Shariif uu diyaar u yahay in uu goob kasta kula kulmo kooxaha ka soo horjeeda ama mucaaradka ku ah Dowladdiisa.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawlaha dhexdhexaadinta ee ay ka dhex wadaan dowladda iyo muqaawamadda, waxa uuna u soo jeediyey kooxaha muqaawamada in ay u naxariistaan shacabkooda oo ay joojiyaan falalka carqaladda ku ah nabadda iyo Horumarka Ummadda Soomaaliyeed.

“Madaxweynuhu waxa uu diyaar u yahay in wadankaan lagu dhaqo shareecadda Islaamka, marka ciddii ka hortimaada waa cid aan dooneyn in shareecadda lagu xukumo dalka” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo sheegay in la gaaray waqtigii ummadda loo horseedi lahaa wanaaga, isla markaana laga joojin lahaa wixii dhibaato ku ah.

Dhinaca kale waxaa kullan wada yeeshay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Golaha Midnimadda Beelaha Hawiye waxaana kullankaasi la iskula soo qaaday sidii looga shaqeyn lahaa nabadda Soomaaliya, waxa uuna sheegay afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali in Madaxweyne Sheekh Shariif uu dhiniica diyaar u yahay uuna qaadanayo wax kasta oo ay u gooyaan odoyaasha beelaha Hawiye, isagoo sheegay in maalmaha soo socda Golaha Beelaha ay u tafaxaydan doonaan sidii ay isugu keeni lahaayeen madaxweyne Sheekh Shariif iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Ciidamada AMISOM oo u Hogaasamey Amarkii Madaxweyne Shariif

Ciidamada AMISOM ayaa muuqata in ay u hogaansameen amar ka soo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif oo dhigayay in aysan wax jawaab ah ka bixin haddii la soo weeraro xarumaha ay ku sugan yihiin.

“Waxaa la gaaray waqtigii la horjoogsan lahaa dhibaato kasta oo shacabka ku timaada” ayuu yiri Madaxweynuhu oo sheegay in ciidamada AMISON ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan balse aan loo baahneen in madaafiic la isaga garaaco shacabka.

Maalintii uu soo gaaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed xarunta madaxtoonyada Soomaaliyeed ayaa galabnimadeedii waxaa lagu weeraray madaafiic, sidii caadaddu ahaan jirtay markay ay dhacaan weeraro noocaas oo kale waxay ciidamada AMISOM ka bixin jireen jawaab balse waxaa arrintaasi is hor istaagay madaxweyne Sheekh Shariif, sidoo kale subaxnimadii xigtay ayaa ciidamada Burundi ee ku sugan Kulliyaddii Jaale Siyaad la weeraray, weerarkaasina wax jawaab ah kama bixin ciidamadaasi, sidoo kale xalay ciidamada Uganda ee fariisinka ku leh gurigii shaqaalaha ayaa lagu qaaday weerar iyana wax jawaab ah kama aysan bixin, waxaana arrintaan si aad ah u soo dhaweeyey shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo iyagu ku walwalshanaa madaafiicdii ay tuuri jireen ciidamada AMISOM kuwaas oo ay qasaaro ka soo gaari jirtay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS