dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

Jaaliyada Soomaaliyeed ee London oo si heer Qaran xaflad ugu soo dhaweeyay doorashada Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo dowlada midnimo qaran.

Sawsiro Badan oo Xafladda London Halkan ka daawo...

London.09.02.2009. Waxaa habeenkii Sabtida taariikhduna ay ahayd 7 Febaraayo 2009 lagu qabtey magaalada London xaafada Manor Park xaflad weyn oo aan la arag oo lana maqal ebid Soomaalida London midaysay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen in ka badan 1500 oo qof, iyadoo wajiyadoodu ka muuqatey farxad iyo niyad wanaag ka duwan xafladihii hore ee ka dhici jirey magaalada London oo ay ku kala aragti duwanaayeen, xafladatan ayaa waxay kulmisay dad siyaasada Soomaaliya aad ugu kala duwanaa isla markaana kala qabay afkaaro kala duwan balse xafladatan ayaa ahayd mid ay meel iska dhigeen wixii khilaaf ahaa iyo gacmo daaliskii ay ku soo jireen mudo badan, sababtana waxay ahayd taageerada weyn uu Madaxwaynaha cusub Sheekha Sharafta badan u hayaan dadka Soomaaliyeed guud ahaantood, taas oo wax badan ka badashay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba, waxaana meesha kaga soo baxayay in shacabka Soomaaliyeed ay ka daleen dagaalo iyo qalalaase aan dhamaad lahayn balse hada ay dhab ka tahay in xal loo helo mashaakilka dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay qabaan inta badan in Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed inay aad ugu faraxsan yihiin inuu noqda hogaamiyaha Soomaaliya isla markaana ay ka dhawrayaan inuu wax badan oo isbadal ah ka samayn doono dalka Soomaaliya hadii Eebe idmo.

Dadka ka soo qayb galay xaflada oo ay ka muuqdeen guud ahaan bulshada noocyadeeda kala duwan ayaa waxaan dhihi karaa waxay ahayd xaflad taariikhi ah oo soo marta Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London tii ugu qiimaha badnayd 20 sano ee la soo dhafay, waxaana xaflada ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culumaaudiin, Faniintii qaranka Soomaaliya iyo Jabuuti,Abwaano, Dhalinyaro, Haween, Cuqaal, ganacsato iyo Caruur, kuwaas oo gabi ahaantood ka muuqatey shucuur Soomalinimo iyo mid wadaniyadeed, waxaana dadka intiisa badan oo ay ku labisnaayeen dharka calanka Soomaaliya, iyadoo meeshana aad loo qurxiyay laguna dhajiyay calamada Soomaaliya iyo Jabuuti, sawirada Madaxwaynaha cusub ee Soomaliya Madaxwayne Sheekh Shariif iyo Madaxwaynaha dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti Madaxwayne Ismaail Cumar Geelle.

Ugu horeyntiina waxaa meesha laga aqriyay aayado quraan ah iyo wacdi loo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay isla markaana waxaa loo duceeyay dowlada Cusub iyo Madaxwaynaha Soomaliya Sheekh Shariif, iyadoona halkaas laga sheegay in aan loo baahnayn in dagaal dambe oo ka sii qarxa dadka Soomaliyeed, waxaana loogu baaqay xoogaga ka soo horjeestay dowlada cusub inay miiska wada hadalka soo fariistaan isla markaana dowlada cusub wada hadal la furto qof kasta oo wax tabanaya.

Faarax Shiikh Cali ayaa ka aqriyay aayadaha Quraanka furitaanka halka Muxaadaro Diini uu ah u ka jeediyay Sheekh Mohamed Kulmiye

Waxaa xaflada ka hadlay Mudane C/qaadir Xaaji Masale oo ugu horeyntii ka sheegay xaflada inuu aad ugu faraxsan yahay inuu caawa goob joog ka ahaado xafladatan qiimaha badan isla markaana ka sheegay inuu taageersan yahay dowlada cusub, waxana u hambalyo u direy madaxwaynaha cusub Sheekh Sharif Sheekh Ahmed.

Waxa mar walba fashaliya dowlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata waa Ethopia iyo Meles Zenawi, tusaale ahaan Dowladii Hore ee Soomaaliyeed , tii Cali Mahdi, Tii Cabdi Qasim iyo Tii Claahi Yusuf kuli waxaa dumiyay waa Ethopia iyo Zenawi, tana waxaa geedka u fadhiya waa ZENAWI ee taa hala ogaado Soomaliyeey, marka waa inaan dowladnimadeena iyo Qaranimadeena xajisanaa anagoo ninana jeclaysanaynin nina aynan necbaysanaynin, waxa aan taageerayna waa dowladnimada shaqsi ma ahan, marka hada waxaan taageeraynaa waa Madaxwaynaha cusub iyo dowlada cusub, waa inaan taageernaa isla markaana hiil iyo hoo la daba joognaa si dalkeena aan ugu laabano oo aan ka hortagno in dalka la kala jarjaro Ethopiana naga faaidaysato, Soomaaliya iyo Ethopia waa labo dal oo daris ah Allah baan nagu wada abuuray geeska Afrika, marka midkeen midka kale ma tirtiri karo, waa inaan is tixgalinaa oo iskaashi yeelanaa laakinse Ethopia xaq uma laha inay hor istaagto sidii dowlad Soomaaliya uga dhalan lahayd ayuu C/qadir Xaaji Masale yiri, iyadoo dadkana sacab u garaacayeen.

Waxana u meesha ka sheegay inuusan siyaasada Soomaaliya hada uusan doonaynin balse waxa uu uga hadlayo ay tahay waajib ka saaran dalkiisa oo lama huraan ah inuu ka hadlo xaalada dalka iyo isbadalada socda, taana micnaheeda aysan ahayn inuu xil raadinaayo waqtigaan waxana uu intaas raaciyay inuusan xataa diyaar u ahayn ee taa ha ogaado ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane C/qadir Xaaji Masalle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiiska

Waxaa kale oo xaflada ka hadlay mudane C/qaadir Cali Boolaay oo ka mid ahaa dhalinyaradii horseedka leegada ayaa ka sheegay sida uu caawa ugu faraxsan yahay inuu goob jooge ka ahaado xafladatan taariikhiga ah isla markaana uu soo dhawaynaayo Dowlada cusub iyo Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in la garab istaago madaxwaynaha iyo dib u heshisiinta socota, waxana uu ka soo sheekeyay sida dalka loogu soo halgamay iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku haysata gudaha iyo dibadaba, waxaan halkaan ka cadaynayaa kuwa maanta Madaxwaynaha cusub Sheekh Shariif oo gaarey saakay magaalada Muqdisho Hoobiyaha ku tuurey iyagoo dadka shacabka dhaxdooda ka ridaaya isla markaana ku ridaya Villa Soomaaliya si ay fidno u kiciyaan, waxaan si cad u leeyahay kuwaasi waa kuwa Amxaarada u adeega oo raba inuusan dalka Degin ayuu yiri mudane C/qadir Cali Boolaay oo dadka Soomaaliyeed xasuusiyay halgankii iyo midnimadii dalka Soomaaliya, haatana laga rabo inaan dadkeena iyo dalkeena ka saarno dhibaatada iyo dowlad la'aanta.

Mudane Mohamed Ali Bilaal ayaa isna soo dhaweeyay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya iyo Dowlada cusub isla markaana ugu baaqay in wixii khilaafaad ah lagu xaliyo miiska dushiisa isla markaana aan dadka maatada ah dhaxdooda lagu dagaalamin, isla markaana sheegay mar hadii Tigreegii baxeen inaynan haboonayn in dhiig Soomaaliyeed la sii daadiyo.

Dhamaan dadkii halkaas ka hadlay ayaa dhamaantood ka jeediyay Taageero iyo in la garab istaago dowlada cusub madaama dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen khilaaf joogta ah iyo dagaalo sokeeye.

Marwo Mulki Xasan Cumar oo ku hadlaysa codka haweeenka Nabada ayaa si faahfaahsan uga hadashay dhibaatada haysta dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan isla markaana tilmaamtey in wax laga qabto dhibaatadaas isla markaana la garab istaago dowlada cusub iyo dib u heshisiinta, run ahaantii waxaa nasiib xumo ah in dhalinyaradii Soomaaliyeed ee dalka wax u qaban lahaa inay ku jiraan xabsiyada dalalkaan aynu joogno halka kuwii dalka joogayna loo isticmaalo inay is layaan ayay tiri iyadoo ay ka muuqatey dareen Soomaalinmo isla markaana ka muuqatey qiiro Soomaalinimo.

Waxaa iyana meesha ka hadlay mudanayaal badan oo lagu casumay inay ka hadlaan xaflada waxaana ka mid ahaa

  • 1- CABDULQAADIR XAAJI MASALE
  • 2-CABDIRAXMAN SAID [JANTALMAN
  • 3- CABDUQAADIR CALI BOOLAAY
  • 4- MAXAMED CALI BILAAL
  • 5-NUURADIIN XAAJI YUUSUF
  • 6-SULDAAN QALIIF
  • 7-MAXAMED XASAN CABDI
  • 8 - Aden Guureeye
  • 9 - Ali Jarmal

DHANKA HAWEENKA

  • 1- MULKI XASAN CUMAR

XARIIRIYAHA XAFLADA

  • 1- MAXAMED CALI CALASOW [JAANI DHEERE]

DHINACA SUUGAANTA

  • 1- Abdi Shire
  • 2 - Abdi Aziz Xildhibaan

BARAAN BURADA

  • 1-KUTUBAY CALI MAXAMED
  • 2- XALIIMO MAXAMED XAYLE

Dhanka Fanka Hobalada Waabari iyo Jabuuti

  • Maryan Mursal, Fadumo, Qoomaal, Daadaxo, Dolar iyo Fanaaniin kale

GABAYADA

  • 1- GABAYGII NABADA [ JAANI DHEERE)

Xaflada waxaa buraanburo iyo heeso wadani ah ka jeediyay haweenka horseedka nabada iyo dib u xoreynta dalka, ugu dambayntiina waxaa xaflada la wareegay hobaladii Waabari iyo hobalada qaranka Jabuuti oo ay horkacayeen faniinta qaranka Maryan Mursal ciise iyo Fadumo iyo Faniin kale oo fara badan oo isugu jirey kuwii hore iyo kuwa cusuba, iyagoo halkaasi ka qaadayay heeso wadani ah iyo kuwa taageero ah,waxayna goobta Xaflada isku badashay meel ay ku dabaal dagaan haween, dhalinyaro, rag , wayeel iyo caruurba, iyadoo ay noqotey meeshii oo dhan Blue, waxayna fanaaniinta qaadayeen Soomaliyeey toosoo iyo heesta calanka, iyo Hadaan Ceyreey ku qaato iyo heesta Madaxwaynaha Shariifka.

Abwaan Shire ayaa halkaas ka aqriyay tix maanso ah oo u tiriyay markii doorashada loo istaagay kadib markii uu arkay in dadka tartamaya aysan istaahilin inay Soomaaliya maamulaan ayuu waxa u curiyay maanso ama tix gabay ah oo ugu magac darey ''Yaan la dooran sadax yaan la dooran'' waxa u yiri markii aan tiriyay maansadaan ayaa BBC-da Yusuf Garad igu casumay Xaruunta BBC-da si uu waxa aan ula jeedo faahfaahin uga siiyo dadka Soomaaliyeed,waxana uu i su'aalay yaan la dooran baa tiriyee kuli yaa la doortaa? waxaan ku iri sadax yaan la dooran.

Kow Yaan la dooran dambiile qaa'in oo dalka hooga baday yaan la dooran

Labo Yaan la dooran wadaad diinta si qaldan u daliishadoo daalim ah.

Sadax Yaan la dooran nin dibad joog ahoo dayacay reerkii iyo caruurtii.

Markaas ayaa la igu celiyay war yaa la doortaa kuli hadii aad diiday, waxaan iri waa fariin waxayna ku socotaa Baarlamaanka Soomaaliyeed si dadkooda u badbaadiyaan, marka Yusuf Garaad iyo dadkii igala hadlay tixdaan gabayga ah, ma aysan ogayn inaan taageero weyn u hayo Sheekh Shariif Sheekh Ahmed uu xaga dambe igu qarsan yahay, marka halkaan waxaan u imid inaa caawa ii ogolaatan inaan codkiina ku hadlo marka kowaad Madaxwaynaha Soomaliya ka salaamo kadibna aan u mahadceliyo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliyeed inay iga ogolaadeen inay dooran kuwii aan ka digayay balse ay doorteen ninkii aan doorta iri waad ku mahadsan tihiin waxaana qabaa inaa dalkiina maanta ka badbaadiseen daalimiintaan ku xusay gabayga ama maansada ayuu yiri mudane Shire oo ka cudur daartey inaan Abwaan loogu yeerin madaama u yiri weli abwaan ma ahi, sacab fara badan baa u dhacay.

Waxaa kale meesha qaban qaabada kor ka maamulayay odey Ali Jarmal oo mararka qaar dadka ku gubaabinay inay adkaystaan caawa maadaama caawa dad badan inay ka hadlaan codsadeen munaasabadaan qaaliga ah, waxana hadaladiisi wanaagsana ka mid ahaa in maanta halkaan loo joogo in taageero loo muujiyo dowlada cusub iyo madaxwaynaha cusub Sheekh Shariif, caawa waa dhafraa oo waa la jabaa hadadana berito dhan waa la jiifaa, taas oo dadkii dhan ka qosolsiisay isla markaana ay u garaaceen sacab badan.

Waxaa isna dhalinyarada Soomaaliyeed u hadlay Zakariye Yare oo dadka dib u xasuusiyay in guusha maanta iyo dabaaldaga caawa inay wax weyn ka soo qabteen dhalinyarada Soomaaliyeed, waxana u yiri barafka oo dhacaya ayaan mudaharaadyo taageero ah ka samayn jirnay NR 10 Downing Street kuwana kalane way naftooda ayay u hireen Dib u xoreynta Soomaliya, dhalinyarada ayay ahaayeen kuwii dadka geedaha hoostooda daadsanaa lacagta dibadaha uga gurayay, marka caawa waa habeen wanaagsan guushiina waa gaarnay waxaana muhiim noo ah inaan aragno dowlad Soomaaliyeed oo shaqaysa waayo aniga waligay ma arkin dowlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa, wiil kale oo 9 jir ahaa ayaa ka hadlay xaflada waxana u yiri Soomaaiya Nabad ha noqoto insha Allah, taas oo dad badani qiiro ku abuurtey.

Waxaa xusid mudan in qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Xildhibaan uu isna ka aqriyay gabayo iyo suugan ay tiriyeen abwaanin Soomaaliyeed, sida Suldaan Timacade iyo Gacal Xaajoow iyo rag kale wilbana ku luuqaynayay heeso wadani ah oo loo wada istaagay.

Musikistaha Macaloow ayaa isna waxka waday xaga farsamada, run ahaan tii waxa u ahaa xaflad aan loo kala harin oo taariikh iyo xusuus badan ku reebtay dadkii ka soo qayb galay xaflada taageerada Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Xaflada Taageerada waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada Soomaalida london qeyr badan ALLAHA ka siiyee ,kuwaasoo taageero iyo hiil iyo hooba la garab taagnaa Maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed iyo ururka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, iyagoo lacagtooda , waqtigooda u hurey inay caawa xafladatan taageerada ah ku muujiyeen guusha taariikhiga ah ee halgankii dheeraa ee qaraara ee la soo marey in loogu dabaal dago iyadoo Soomaali oo dhan midaysan tahay.

Waxaan kale soo noqday xaflada taageerada Madaxwaynaha Cusub farxad iyo Soomaalinimo, dadkii ka soo qayb galay caruur iyo cirooleba waxaa ka muuqatey sida ay u rabaan inay helaan dowlad caadil ah oo dalkii dib u midaysa isla markaana soo celisa haybadii iyo magacii qarankeena burburey.

Xaflada waxaa soo qaban qaabiyay oo iska kaashaday dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dagan UK, gaar ahaan magaalada London

A- Golaha midaynta midaynta jaaliyada Soomaalida koonfur London iyo gudoomiyahooda

mr Axmed Cabdikarim [Gabayre]

B- jaaliyada Galbeedka London

  • 1- Cabdiraxmaan Sacid [Gentalman]
  • 2- Cabdulaahi Xirsi Kulmiye
  • 3- Cabdulaahi Ciro
  • 4-Sh Axmed Xayeesi

C -jaaliyada waqooyiga London

  • 1- Maxamed Cumar Hagafay
  • 2- Cali Ooyaaye
  • D - jaaliyada Bariga London
  • 1- Xaawa Shiino
  • 2- Cismaan Dheere
  • 3- Jawaahir
  • 4- Gaashaanle
  • 5- Shiikh Gacal

Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed waxaa looga fadhiyaa inuu isbadal badan la yimaado kuwa diidan uu wada hadal ku dhameeyo wixii madmadoow ah ee ku kala dhaxjira, Soomaaliduna waxay tiraahdaa nin xil qaaday eed qaad ee howsha iska dhiiji lana tasho kuwa Soomaalinimada, wadaniyada iyo diinta dal jecel ku darsaday isla markaana iska ilaali kuwa had iyo goor fashiliya dabkii soo baxaba.

Dadkii halkaasi goob jooga ka ahaa xaflada waxay si cad u diideen inay Muqaawamada dhaxdeeda iska hor timaado dagaal, qofkii wax tabanaya ha yimaado miiska wada hadalada dusheeda ayay yiraahdeen, cid aan ka yeelayno ma jirto dhaqankii hogaamiye kooxeedyada''

Sheekha Sharafta badan ayaa taageero weyn ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba waxaana Allah uga baryaynaa inaa gacan ka siino xilkaas culs.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS