SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland

somaliaC/risaq maxamed xussen-

Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com


Hordhac

Asaaskii dowlad goboleedka Puntland waxaa hadda laga soo wareegey ilaa tobban sano iyo dheeraad. Dadka ku dhaqan gobolada Puntland-na waxaa ay soo mareen marxalado kala duwan. Kuwaas oo u kala qaybsama marxalado siyaasadeed, bulsho iyo kuwa dhaqaaleba. Si kastaba ha ahaatee waxaa runtii guud ahaan lagu guuleystey in la helo nabadgelyo iyo kala dameyn. Arrintaas oo ah aasaaska wax walba.Qofku haddaanu haysan nabadgelyo wax walba ayaa jahwareer galaaya. Puntland, waxaa kaloo sida aan ognahayba u kala dameeyey saddex xukuumadood kolkii lagu daro maamulka cusub ee dhowaanta la dhisay.

Nidaamka xibiyada badan


Inkastoo ay puntland jirtey muddo dheer haddana laguma guuleysan in dhidibada loo taago nidaamka axsaabta badan. Nidaamkaas oo runtii aad iyo aad uga fiican qaabka hadda lagu soo doorto golaha deegaanka iyo weliba qaabka loo dhiso xukuumada. Kolkii la bilaabo qaabka xisbiyada waxaa meesha ka baxaysa qaabkii ku saleysnaa qabiilka, waxaana loo gudbayaa qaab ku saleysan afkaar. Waxaa ay noqoneysaa in intii isku feker ah ay xisbi ku midoobaan, kolkaasna ay degsadaan barnaamijkooda siyaasadeed, una soo bandhigaan dadka reer puntland. Arintaasi waxaa ay keeneysaa tartan siyaasadeed oo gobolka u keena horumar maadaama uu xisbi walbaa ogaanayo in lagula xisaabtami doono kolba waxii uu qabtay.

Qaabka axsaabta badani waxaa kaloo ay keeneysaa in dalka ay dib ugu soo noqdaan dad badan oo aqoon yahano ah oo maanta saluugsan nidaam-siyaasadeedka hadda lagu dhaqmo.
Waxaa sahlanaan doonta in gobolku u furmo aduunweynaha maadaama qaabkaasi yahay mid aduunku aad ugu dhaqmo. Dalka gudihiisana waxaa yaraan doonta qof qabiil iwm wax ku hela isagoon lahayn tayo aqooneed iyo mid khibradeedba. Waxaa xisbi walbaa uu xooga saari doonaa sidii uu ula iimaan lahaa dad karti iyo aqoon leh oo ka guuleysan kara xisbiyada kale.

Si kor looga ilaaliyo nidaamka axsaabta ee ugubka ah waxaa la sameyn karaa gole la yiraa golaha odayaasha, kaas oo la socda habsami u sucodka nidaamka xisbiyada. Kolkii ay xisbiyadu amba qaadaana, xisbi walba baarlamaanka ayuu ka helayaa tiro xubno ah oo matala xisbiga. Dadweynaha reer puntland-na waxaa ay helayaan fursad qaali ah oo ay codkooda ku dhiibtaan, ayna doortaan xisbigii ay kolba ku qancaan barnaamijkiisa nabadgelyo, dhaqaale,waxbarasho, caafimaad, xiriirka dibada, arimaha bulshada, reer guuraaga, horumarinta gobolka iwm.

Dhaqan gelinta nidaamka asxaabta badan waxaa dhinac socon doona tirakoobka dadka ku dhaqan gobolada puntland guud ahaan gaar ahaana waxaa la qiyaasayaa inta doorashada xisbiyada ka qayb qaadan karto. Wakhtigan xaadirka ahba waa la qiyaasi karaa dadka ku dhaqan gobolada puntland balse waxaa loo baahan yahay tira koob sugan si loo qorsheeyo arimaha doorashada, caafimaadka waxbarashada iyo waxii la mid ah.

Haddii ay dowlad goboleedka Puntland qorshaha tirakoobka ay soo diyaariso waxa la heli karaa dowlado ama ururo ka saacidi kara xagga dhaqaalaha ku baxaaya. Waxaa kaloo arinkaas qayb libaax ka qaadan kara qurba jooga reer puntland. Waxaa kaloo iyana muhiim ah in dowlada goboleedka Puntland soo diyaasriso qaabkii ay xisbiyadu u howl geli lahaayeen. Taas waxaa loo saari karaa gudi aqoonyahano ah oo cilmi baaris ku soo sameyn kara qaabkii loo dhaqan gelin lahaa nidaamka xisbiyada.

Gebagebo


Waxaan qabaa in la soo gaaray wakhtigii loo gudbi lahaa nidaamka xisbiyada badan.

Arrinkana masuuliyadeeda ugu badani waxaa ay saaran tahay xukuumada hadda jirta, waxaa kaloo qayb weyn ka qaadan kara dhamaan noocyada kala duwan ee dadweynaha reer Puntland. Maadaama aan horay qaabka xisbiyada looga hirgelin Puntland, waxaa loo baahan yahay wakhti howlaha lagu diyaariyo. Balse kolka dowlada hadda jirta xiligeedu dhamaado waxaa haboon in doorashada looga qayb qaato nidaamka xisbiyada. Waxaan ku boorinayaa aqoonyahanka iyo waxgaradka reer puntland iney arinkan xisbiyada badan ay ku daraan ajandayaashooda. Taasi waxaa ay dhalineysaa in marka hore fikirka axsaabta badan la bisleeyo. Kolkaasna waxaa sahlanaaneysa in qorshihii axsaabta badan oo si fiican loo soo diyaariyey la howl geliyo. Waxaan aaminsanahay in hadda lagaarey wakhtigii loo howl geli lahaa lana diyaarin lahaa puntland nidaamka axsaabta badan.


Mahadsanidin
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
Master degree in economics
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Faallo: Caqabadaha hortaagan madaxweynaha cusub ee Soomaliya.. Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS