Faallo: Caqabadaha hortaagan madaxweynaha cusub ee Soomaliya
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Hordhac
Si la wada ogsoon yahay waxaa madaxweyanaha cusub
ee soomaaliya loo doortay sheekh shariif sheekh Ahmed. Shiikha wax iska caabin
oo sidaas ah kalama kulmin tartankii doorashada. Taas waxaa ay salka ku haysaa
qaabka baarlamaanka wax dooranayaa u dhisan yahay. Baarlamaanku waa laba qaybood,
qaybtii hore ee dalka keenya lagu soo dhisay iyo qaybta dame ee hadda lagu soo
daray. Qaybtaan dame waxaa ay ka kooban tahay 275 xildhibaan oo ay si toos ah u
soo diyaariyeen ururka dib u xoreynta qaybta uu shariifku hogaamiyo. Sidaas
darteed shariifku si uu u guuleysto waxaa uu u baahnaa oo keliya in
xildhibaanada ururkiisu soo magacaabay ay doortaan kadibna uu dhowr cod ka helo
xildhibaanadii hore. Marka guusha uu gaaray waxaa ay ahayd mid la filaayey.
Haddaba suàasha meesha taalaa waxaa weeye, waa maxay caqabadaha hortaagan
madaxweynaha cusub? Sidee ayuuse uga gudbi karaa caqabadahaas?
Dalka
gudihiisa:
Soomaliya waxaa ka jira dhibaato siyaasadeed oo xal u
helideedu ay aad u daba dheeraatay.
Kolkii la yiraa maanta ayaa xalku
dhowyahayna, waxaa dilaaca dhibaatooyin hor leh.
Madaxweyne kasta oo la
magacaabayna waxaa uu ku guuldareysan jirey inuu nabad iyo xal ka dhaliyo gudaha
dalka soomaaliya gaar ahaan gobolada koonfureed. Haddaba waxaan eegeynaa
waxyaalaha horyaala sheikh shariif sheikh ahmed iyo sida lagu maareyn karo si
nabad iyo isfaham dalka looga helo. Caqabadaha madaxweynaha horyaal waxaa aan u
kala qeybineynaa kuwo dalka gudihiisa ah iyo kuwo dalka dibadiisa ah. Waxaan
falanqayn doonaa kuwa dalka gudihiisa yaal.
Ururka Al-shabaab
Ururka alshabaab waxaa weeyaan mid saameyn xoogan ku leh gobolada koonfureed ee
soomaaliya. Waxaana ay gacanta ku hayaan magaalooyin badan oo muhiim ah.
Awoodooda mulaterina waa mid aan la dhayalsan Karin. Ururku waxaa uu qayb libaax
ka qaatay dagaalkii lala galay ciidamadii Itoobiya ee dalka soomaaliya soo galay.
Dagaalkoodu waxaa uu ku saleysnaa mid ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah, taas oo keentay
in ciidamada itoobiya ay ku adkaato iney guul kasoo hoyaan dagaalkaas.Ururkan
waxaa u badan sida magacoodu cadeynaayo dad dhalinyaro u badan oo badankood ay
leeyihiin tababar milateri.
Al-shabaab waxaa ay sheekh shariif u arkaan
nin la shirkoobey dowlad aan dalka ku xakumeynin diinta islaamka. Waxaa ay marar
badan sheegeen in shariifku yahay nin wax ku darsaday dowladii dalka soomaaliya
keentay ciidamada wadanka Itoobiya. Al-shabaab kuma qanacsana sida ay wax u
socdaan, waana adag tahay iney aqbalaan madaxweynanimada sheekh shariif. Waxaa
iyana muhiim ah inaan xusno ururo kale ee aan sidaas uga mabda`fogeyn al-shabaab
oo iyana diidan madaxweynanimada sheekh shariif.
Ururka dib u xoreynta
ee Asmara
Ururkan oo u hogaamiyo Xasan daahir Aweys, fadhigiisuna
yahay magaalada asmara ee wadanka Eriteriya ayaa gebi ahaanba kasoo horjeeda
qaabka uu shariifka iyo saaxiibadiis u wajeheen dibuheshiisiinta. Waxaa ay
qabaan fikir ku dhow midka ururka Al-shabaab.
Sheekh shariifna waxaa ay u
arkaan mid iyaga ka goostay kana baxay waxyaalihii horey loogu heshiiyey
maadaama ay markoodii hore isku urur ahaayeen. Ururkan uu hogaamiyo Aweys waxaa
uu saameyn milateri iyo mid taageeroba ku leeyahay gudaha dalka soomaaliya.
Walow awoodooda milateri aaney gaarsiisneyn mida ururka al-shabaab. Hadal uu
jeediyey xasan daahir Aweys ka dib kolkii sheekh shariif loo doortay madaxweyne
ayuu ku sheegay in madaxweynanimada shariif aaney waxba bedeleynin. Waayo
nidaamku waa isku mid, c/llahi yusuf ayuunbaa sheekh shariif lagu bedeley ayuu
yiri.
Qabqablashaashii hore
Qabqablayaashii hore, weli
badankood kama aaney quusan arrimaha siyaasada. Siyaabo kala duwan ayeyna ugu
jiraan marxaladaha siyaasada soomaaliya. Qab-qablashaasha waxaa u sahlan iney
iyagoo adeegsanaya magaca qabiilka ay isu keenaan maleeshiyooyin badan.
Markasta oo jahwareerka siyaasadeed ee dalka uu siyadona waxaa kor u soo kaca
hamigoodii ahaa iney dib ugu naqdaan mandaqadihii ay horay u maamuli jireen.
Qab-qablayaashii hore waxa ay adeegsadaan hadba magac la hana qaadi kara
mowjadaha siyaasadeed ee dalka ka socda markaas. Waxaan xasuusanaa kolkii
maxkamadaha silaamigu soo baxeen waxaa ay qabqablayaashu sameeyeen ururkii la
oran jiray “la dagaalanka argagixisada”
Wakhtigaan xaadirka ah waxaa soo
baxay tusaale ahaan ururka ahlu sunnah wajameeca oo ay ku jiraan qaar ka mid ah
qab-qablayaashii hore.
Dowlad goboleedka Puntland iyo somaliland
Dowlad goboleedka Puntland ayaan ku qanacsaneyn qaabka loo soo xulay
xildhibaanada cusub. Arrintaasna waxaa ka hadlay madaxweynaha dowlad goboleedka
Puntland,Mudane C/raxmaan Faroole oo si cad u sheegay in aaney ku qanacsanayn
qaabka loo maamulay masharaxiinta cusub ee baarlamaanka. Madaxweynuhu waxaa uu
carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay in dadka matalaaya deegaanada Puntland
lagala tashado dowlada iyo Isimada Puntland. Haddii aan taas la yeelina waxaa uu
sheegay iney noqoneyso arinta xiladhibaanada cusubi mid aan reer puntland quseyn.
Mucaarad dowlada shariifka kaga timaada dhinaca puntland waxaa ay noqon kartaa
mid aad loo dareemo. Sidaas darteed taageero buuxda oo puntland laga helaa waa
mid aad muhimad ugu leh dowlada uu shariif hogaamin doono iyo baarlamaankaba.
Arinta gooni isu taaga Somaliland ayaa iyana noqon karta caqabad hortaal
sheekh shariif.
Maadaama uu shariifku ku daartay muqadasnimimada iyo
jiritaanka soomaaliya waa adag tahay inuu taageero goosashada somaliland. Taas
oo keeni karta in reer soomaaliland u arkaan shariifka nin gooni isutaagooda
kasoo horjeeda isla markaasna ay bilaabaan dagaal diblumaasiyeed oo dhan ka ah
dowlada shariifka.
Sidee ayaa shariifku uga gudbi karaa caqabadahaas
aan soo sheegnay?
Sidaan kor ku xusnayba caqabaduhu waa kala adag
yihiin. Waxaana ugu adag xal u helida mowqifka ururka al-shabaab, ururada kale
ee ku siyaasada ah iyo qolooyinka Asmara jooga ee uu hogaamiyo Xasan daahir
Aweys. Haddaba aniga waxaa ay iila muuqataa in shariifku ugu horeyn uu soo dhiso
dowlad tayo leh laguna doortay aqoonteeda. Ka dibna inuu geed gaaban iyo mid
dheerba u fuulaa sidii isfaham looga heli lahaa ururada aan kor kusoo sheegnay.
Waxaa muhiim ah in shariifka iyo baarlamaankiisu ay qiraan awooda ururadaan
weliba ururka al-shabaab iyo ururada kale ee ku dhow dhow sida ururka
Raaskambooni iwm.
Waxaa lagama maarmaan ah in loo fidiyo gogosha nabada
lana sameeyo tanaasulaad labada dhinac ah. Waxaa muhiim ah in shariifku uu
isticmaalo xiriiradiisii hore ee uu la lahaa hogaamiyayaasha ururadaas aan kor
kusoo sheegnay. Walow ay siyaasadu kala geysey haddana waxaa dhici karta in
waxuun isu soo dhowaansho ah ay timaado.
Waxaa loo baahan yahay inuu
shariifku ka digtoonaado dacaayada la isu mariyo warbaahinta, uuna marwalba ku
adkeysto inuu diyaar u yahay xal u helida arimaha soomaaliya.
Haddii
shariifku uu ku dhaco shabaqa ah in cay iyo dacaayad la isu mariyo warbaahinta
waxaa ku adkaan doonta in ay isu soo dhowaansho la helo. Waxaa kaloo aad u
wanaagsan in shariifku qof ahaan uu noqdo isagu midka hogaaminaaya wada hadalka
lala yeelanaayo qaybaha aan soo sheegnay si loo muujiyo in arinka daacad laga
yahay.
Arrinta Puntland iyo soomaali land waa mid siyaasadeed, una baahan
isfaham iyo wada hadal xushmadi ku dhisan tahay. Iyadoo la turxaan bixinaayo
meelaha la isku fahmi la`yahay.
Xaalada Puntland waa ay ka duwan tahay
mida soomaaliland maxaa yeelay puntland waxaa ay qayb ka tahay soomaaliya walow
ay tahay dowlad goboleed maamulkeeda u madax banaan. Waxaana dowlada puntland ay
marwalba qayb ka qaadataa soocelinta qarankii soomaaliya ee burburay. Sidaas
darteed waa muhiim in shariifku xiriir toos ah la yeeshaa faroole, madaxweynaha
puntland si loo turxaan bixiyo meelaha mugdihu ku jiro. Bilaha inagu soo aadan
waa kuwo muhiimad u leh dowlada shariifku soo dhiso. Waxaana loo baahan yahay in
bilahaas looga faaìideysto dib u heshiisiinta dalka. Waxaa cad in dagaal iyo
xoog aan waxba lagu xalin karin.
Xalka soomaaliya waxaa uu ku jiraa wadahadal iyo isfaham siyaasadeed.
Haddii aan taas la helin Madaxweyne shariif waxaa uu marayaa halkii ay mareen
madaxweynayaashii ka horeeyey ee iyana dibada lagu soo doortay.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen.
habdirisak@hotmail.com
Master degree in economics
Eskilstuna, Sweden
Wajiga cusub ee bur-burinta soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2009