SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SHARIIFKA WAA IN UU NASIIYAA INAGA JAGADA RAYSAL WASAARAHA!

SIDA lawada ogsoonyahay dhawaan ayaa dalka waxaa uu galay marxalad cusub taas oo ey dad badan somali ahi soo dhaweeyeenwaana doorashada Madaxweyne ee loo doortay Sharifka,SHARIF SHEIKH AXMED doorashadiisi ka dib ayaa waxaa so baxaya warar sheegaya in beel waliba iyada ey rabtoin loo magacaabo jagadaxigtaa ee Wasiirka Koowaad ,

waxaana socda abaabul iyo shirar ey sameynayaa beelaha somaliyed ee ku dhaqan wadamada qurbaha waxaana beel kastaa ey rabtaa in iyada lo magacaabo jagadaasi uuna helo qof iyaga kasoo jeedo qabiil ahaan

magaaladan Seattle ee gobalka washignton Kaliya oo aan u kuur galay ayaa waxaa ka dhacay shirar dhawr ahi kuwaas oo aan qaarna maqlay qaarna tagay shaqsiyan aniga oo markaasi u kuur galaya u jeedada loo qabanayo,waxaadna arkeysaa iyada oo beelaha somaliyed qaar kood eyba qorsheynayaanin ey cambaareeyaan ama qoraalo ashtakooyin ahi soo saaraan hadii aaney iyaga helin magacaabistaas,

waxaa haboon in Hogaanka beelaha ee qurba jogta ahi ey dhaxdhaxaad ka noqdaan xaaladda wadanka ee cakiranwaxaana hubaal ah in Somaliya ey u baahantahay in qof waliba oo muwaadin ahi uu yahay madaxweyne ama raisul wasaare loogana baahanyahay in waxa uu qaban karo qabto ,si wadaninimo ah iyada oo qofkastaayi uu niyada ku hayo rabana si uu wadanka uga baxo dhibkaan 19 jirsaday

Hassan Ismacil (HassanNur)

xnuur11@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS