Foojignaan iyo fiirsi badan
Soomaliya waxay mareysaa marxad adag oo u baahan foojignaan iyo fiirsi
badan marka lala falgalayo. Waayo, waxaa wadanka loo doortey madexweyne
cusub oo leh aragti islaami ah, marna ahaan hogaan ay dadka Soomaaliyeed
dareemeen inuu yahay mid soo celiyey dadnimadoodii iyo wadaniyadoodii.
Xilligaa uu hor kaceyey maxkamadihii dalka dhiniciisa koofureed
dareensiiyey aduunka iyo qurba joogta Soomaaliyeedba inay nabad noqon
karto.
Waxaa degdeg u gaarey oo dagaal ku qaadey dadkii diidanaa inay dalka
hagaan indheer garad aragti diineed leh, iyagga oo is tusay hadii ay
guushaas sii socoto inay abuuri karto geed qof kasta oo goomoon, ama
diin darteedna lagu galey, uu ka hello gaajo reebkiisa.
Markii la ibba garaacey hashii godolkeeda gobol kasta looga soo
guurey si gaaxdeeda loo maalo, lana gawracey nirigtii, ayey ragii
golahaas hormuudka u ahaa waxay goobeen xal iyagga u gaar ah waxayna
go’aamiyeen inay hubka garabka saartaan, una diidaa ga’ma iyo hoyaad qof
kasta oo gacan ka geystey maandeeq gawraceeda.
Markii muddo la garaacayey hadafkii hubka loo qaadey, lana dareemey
inuu cadawga soo galey dhulka uu kala saareyn shacabka iyo shiish
hayayaasha, ayey qayb ka mid ah halgamayaashii garwaaqsatey bal in dhan
kale loo weeciyo sidii loo saari lahaa, oo ay dooneed wadahadal iyo
siyaadad wax lagu doono, meesha ay qeyb kalena shiishkii sii wadeen.
Kale duwanaanta aragtiyeed ee saaxiibadii nabadda keenay, midna hubka
uu u arkey xalka saarida cadawga, meesha mid kale uu u arkey siyaasad
iyo wada hadal, ayaa waxaa uu abuurey inay kale fogaadaan dadaal
wadayaashii dadka harka ku forey bartamihii 2006. Waxaa marar badan
laysu mariyey warbaahiyeyaasha hadallo kul-kul oo mararka qaar
muujinayey sidda saaxiibada u kale durkeen. Waxaan aad u xasuustaan
hadalkii uu ninka hadda madaxweynaha loo doortey ka jeediyey maalintii
ugu horeysay ee uu shirka Jabuuti ee dib u hishiisiinta bilaabanayey oo
ahaa «Hadii aan weynay kheyr aan kale doorano laba shar ayaan kale
dooraneynaa» taas oo muujinaysay sidda uu u qanacsanayn wada hadalada
uu la gallo dad uu aaminsan yahay inay sabab u ahaayeen dhibaatada dadka
iyo dalka haysata, laakiin si dadka iyo dalka loo badbaadiyo waa in la
dhibaato midda yar la qaataa.
Waxaa hubaal ah in saaxiibada shalay ay awoodaan, hadii niyad wanaag
la muujiyo, xalinta khilaafka u dhexeeya. Waayo, saaxiibkaa hadii uu kaa
aragti duwanaado ma aha inuu cadaw noqday ama aad cadaw uu tuurto ee waa
inaad ku dadaashaa inaad isagga weynin mar walbana aad garabkiisa
istaagtaa.
Waa in hadafka maanta laga dhigaa sidii dadkii isla bilaabey dagaalka
ay meel isugu imaan lahaayeen, una heli lahaa dawlad danteedu ay tahay
horumarinta bulsha iyo ku dhaqanka diinta islaamka.
Waxaa haboon in wax badan laga fiirsado sidii loo helli lahaa golle
wasaaradeed oo ku saleysan aqoon iyo waayo aragnimo, kana fog aragtida
qof iyo qoys jeclaysi. Dadka ku heeran madaxweynaha waa inay si ‘fogaan
eegid’ ku dheehan tahay ay u raadiyaan dadkii xillalka wasaaradaha iyo
maamulka dalka qaban lahaa oo ay ka dheeraadaan aragtida aan dhaafsanay
ma iska arkaa madasha wax lagu qeybsanayo.
Waxaa la doonayaa qalinlayda, qeexayaasha iyo qurilaydaba inay
xoogooda isugu geeyaan sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo dalka
Soomaaliyeed, ee uu la haray hardanka danta guud ka maran ee danaha qof
ahaaneed ku salaysan. Hadii aad dib u eegto diidmada Soomaaligga, adigga
oo ka dhar tiran aragti hore aad u aaminsanayd, waxaa kuu soo baxaya waa
inay danta guud ahayn diidmada. Diidayaasha Soomaaliyeed oo dhan, in
yar mooyaane, waa dad ka waayey madashii qeybsiga markaa taagneeyd waxay
ku tashanayeen ama ay is tuseen inay mudnaayeen. Dabadeed waxaa u asal
noqotey mar hadii aan wayey anigga, bagga dhammaan dadkana ha illa
waayo, yey cidna qaadan magac aan anigga waayey helidiisa.
Waxaa tallo ahaan haboon in si fiiro dheer loo xaliyo arimahaan hoos
ku qoran:
- Xulida wasiirka 1aad, waa in lagu saleeyaa aqoon iyo xilkasnimo
qofka xilkaa qabanay, iyada oo aan laga boodeyn ‘qaanuun xujo’ ee
wax lagu qeybiyey, si xilligaa balaayo loo gudbiyo inta ka hartey
dadkii iyo dalka.
- Xallinta khilaafka maanta ee walaalahii shalay dhex yaal waa in
geed dheer iyo mid gaaban loo fuulaa, iyada oo sal laga dhiganayo
asalka ‘gunta’ Islaamka in la wadaago oo aan lagu kale tagi karin
isku aragtina laga ahaado asalka, furuucna ama dadaalada
aragtiyeedna, lagu kala duwanaan karo.
- Bogsiinta boogaha walaalaha Soomaaliyeed dhexdooda ah ee ama
qoys ku salaysan qabiil, lana abuuro jawigii iyo wadooyinkii ay ku
baabi’i lahaaayeen Qabiilka siyaasadeysan ama Qabyaalada burburisay
wax walba oo qiimo u lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
- Unkid siyaadad akhrin karta taariikhda, kana soo dheehan karta
dan dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyada oo ka dheeraanaysa inay
godod la shareeray dushooda oo hoos u dheer ku dhacdo ogaan la’aan,
sida marar badan ku dhacdo hagayaasha dalka Soomaaliyeed
- Abuuridid golle dhexdhexaadineed oo laga soo xulayo
aqoonyahanada Soomaaliyeed oo noqda gunta ay ka soo maaxdaan
siyaadaha dalka iyo dadka lagu dhaqayo iyo xallinta muranada dadka
iyo dawlada, waana inay noqdaan kuwa ka madax banaan maamulka
dawlada marka la magacaabo ka dib.
Ir. Abdulaziz Mohamed
(Mataan)
mataa74@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan