SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 

UGAASKA BEESHA YAXYE SAALAX OO UGU DIGAY IN SOMALIYA DHIIG KALE KU      DAATO LAGANA FOOJIGNAADO.                                                                                                      

Ugaas c/raxmaan Axmed siyaad ayaa manta shir jaar’id ku qabtay Muqdishu, shirkaasi waxa uu ku saabsanaa in aanan la daadinin dhiig kale si loo badbaadiyo ummada somaaliyeed.

Laga soo bilaabo sanadkii 1991-2008 dad badan oo soomaali ah ayaa ku dhamaaday dagaaladii ahliga ahaa iyo waliba dhinaca bada, waxaa ku xigay dagaalkii jenaral caydiid la galay Unisom IWM.waxaa kaloo ku xigay dagaaladii hogaamiye kooxeedka, waxaa kaloo ku sii xagay maxkamadaha islaamiga iyo hogaamiye kooxeedka oo iyaguna ku dagaalamay muqdishu laga soo bilaabo 2005-2006, waxaa kale oo xigay dagaalkii Dowladii c/llaahi yuusuf iyo maxkamada islaamiga iyo waliba Dowlada Ethopia oo wadanka ku soo duushay 2006-2008.

Hadaba maxeynu filaynaa in uu masiirkeena noqda 2009 ilaa 20010 xilga uu jagada hayn doono madaxweyne sheekh shariif.

Waxaa la saadaalinayaa in uu dhaco dagaalo qaraar kaas oo ka dhax abuurmidoono shabaabkii nabada iyo xasiloonaanta wadanka ku soo celiyay lixdii bilood ee lama iloowaanka aheyd, haddii aay saadaashaas run noqoto dhibaato weeyn ayaa dhici doonto adduun iyo aaqiraba, shacabka soomaaliyeedna dhibweeyn ayaa ka soo gaari doono iyo bur bur hor leh.

Waxaan baaq u soo jeedinayaa culima udiinka, odoyaasha, waxgardka, mutucaliminta nin kasta oo soomaali ah in u istaago arintaan si wax looga qabto uusana dhiig danbe u dhicin loona badbaadiyo maatada iyo shacabka soomaaliyeed.

Insha allaah, allaah ayaan badbaado ka sugaynaa.

Asc. Wr. Wb.

Ugaas c/raxmaan Axmed Siyaad, Ugaaska beesha yaxye saalax ee koonfurta somaliyed.

                                                                                                             04/01/2009

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS