SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 

Tacsi: Wariye Siciid Tahliil Axmed

أنا لله ؤ أنا أله را حعؤن
Tacsi Tiiraayo leh oo ay dirayaan bahda warbaahinta kala duwan ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti

Cumar Faaruuq Cusmaan Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, Cali Muse Cabdi, C/llaahi Maxamed Xasan (C/llaahi Black), Fahad Maxamed Yaasiin, C/llaahi Geeddi Januune, Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini), C/llaahi Muuse Kalgacal, Farxaan Max’ed Xareed, Max’ed Faarax Talyaani, Max’ed Bashiir Sh. C/raxmaaan, Max’ed C/qaadir Akiila, Garaad Salaad Xirsi, Max’ed Macalin Cusmaan All-man.

Dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan bahda Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalada Muqdisho, Qoyskii, eheladii uu ka geeriyoodey iyo Aqoonyahanada Ummada Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee marxuum Wariye Siciid Tahliil Axmed oo kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka Shirkada Dahabshiil ee Magaalada Muqdisho 04/02/2009 xili uu ku jirey hawl maalmeedkiisa

Waxaanu leenahay Janaddii Fardowso Alle ha ka waraabiyo, Qoyskii iyo Caruurtii uu ka tagey marxuum Wariye Siciid Tahliil Axmed samir iyo iimaana Alle haka siiyo.
أنا لله ؤ أنا أله را حعؤن

Alla ha unaxariistee Saciid Tahliil Axmed oo ahaa Agaasimihii Idaacada Horn Africa ayey kooxo hubeysan ku dilen gudaha Magaalad muqdhisho.

Saciid Tahliil Axmed wuxuu kamid ahaa Saxafiyiinta caanka ka ah gudaha Dalka Soomaaliya, waxuuna ka shaqeyay qaar kamid ah Idaacada madaxa banaan ee ku yaalay magaalada Muqdhisho Asagoona hada ahaa Agaasimaha Idaacada Horn Africa.

Sidoo kale Saciid Tahliil Axmed waxaa uu kasoo shaqeyay idaacadii STN, balse waxuu usoo wareegay Idaacada uu hada ka ahaa Agaasimaha ee Hoon Afrik.

Dadka yaqaano Marxuum Saciid ALLE ha u naxariistee, waxey ku xasuustaan Barnaamijyadii Dooda ahaa ee kabixi jiray Idaacada Horn Afrik sida kulanka Jimcaha ama hadal haynta Jimcaha oo ahaa Barnaamij aad loo xiseeyo oo kasoo gali jiray Idaacada Horn Afrika Barqanimada Maalin kasto oo Jimca ah. Sidoo kale Dood wadaaga, oo asna ka bixi jiray Idaacada iyo TV-ga horn afrik, waxuuna ahaa Saxafi inta badan Dood ka sameeyo Barnaamijyad ay Dadku xiseynayaan, waxuuna dood uqaban jiray Shaqsiyaadka Magaca ku dhex leh bulshada, sida Siyaasiyinta, Culumada, Ganacsatad, iyo dhamaan qeybaha bulshada ee ay markaasi doodu quseyso.

Doodihiisii ugu danbeyay ee uu qabtay Marxuum Saciid Tahliil waxaa kamid ahaa Dood uu kasameyay Doorashadii dhawaan loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu noqdo Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.

Rabi naxariistii Janada aheyd ha ka waraabiyee Saciid Tahliil Axmed ayaa saacadu Markey aheyd wax yar un kadib Sideedii iyo barkii duhurnimo ay kooxo ku hubeysan Bastoolado ku toogteen agagaarka Shirkada xawaalada Dahabshiil xarunteeda Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Falkaas guracan kadib waxaa goobtii uu dilku ka dhacay ka baxsaday kooxihii Gacanku dhiglayaasha ahaa ee dilay wariye Marxuum Saciid Tahliil Axmed.

W/D: C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya.

SOMALIA: CPJ shocked by murder of Horn Afrik Director

New York, February 4, 2009—The Committee to Protect Journalists issued the following statement today after the shooting Tuesday of Horn Afrik radio station director, Said Tahlil, in Mogadishu, Somalia.

“We are shocked by the killing of Said Tahlil and send our deepest condolences to his family and colleagues,” said CPJ’s Africa Program Coordinator, Tom Rhodes. “Tahlil and other brave journalists in Mogadishu who continue to work under extremely dangerous conditions must be supported. We call on the new Somalia administration to make every effort to protect journalists.”

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS