Wargalin: Ka soo qayb gal Xaflada Taageerada Madaxwaynaha Cusub ee
Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Dowlada Midnimo Qaran oo
lagu qaban doono Sabtida magaalada London
Waxaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan London iyo UK si xushmad leh oo
Soomaalinimo ah idin kaga codsanaynaa inaa nagala soo qayb gashaan Xaflad lagu
taageerayo Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh
Ahmed iyo go'aanadii ka soo baxay shirka Jabuuti.
Waxaa xaflada lagu qabanayaa Bariga magaalada London xaafada Monar Park
galabnimada Sabtida taariikhduna tahay 07.02.2009, Saacada 5:00 pm galabnimo
Cinwaanka goobta xaflada ka dhacaysa waa sidatan:
501 High Street North
Manor Park
London E12 6TH
Saturday 07/02/2009
Time: 05:00 pm
Manor Park Station
Waxaana ka soo qayb gali doono xaflada taageerada dad sumcad ku leh jaaliyada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London, isla markaana waxaan isku dayi
doonaa in Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh
Ahmed uu kaga soo qayb gali doonaa xaflada qadka Telefoonka hadii Allah idmo
Ka soo qayb gal wacan dhamaantiin waqtigana dhawra Insha Allah
Mahadsanidiin
Wixii aqbaar ah oo ku saabsan xaflada kala soo xiriir adoo mahadsan
Mudane Ahmed C/kariim Gabeyre
Telephone : 07984126280
&
Mudane Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Telephone : 07947510746
mrsomalia@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2009
|