SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Booqashadii madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr cabdiraxmaan maxamed faroole uu ku yimi Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar.

Sawiradii Booqashada Halkan ka daawo...

Waxaa manta soo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland dr cabdiraxmaan sheikh maxamed Faroole wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Gen:Cabdulaahi axmed jaamac(Ilka jiir) iyo wasiirka Maaliyadda dr.Faarax cali shire sidoo kale dadkii isugu jiray siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ee soo dhaweeyay madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka amniga maamul goboleedka puntland cabdulaahi siciid samatar iyo wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudahaa Yuusuf axmed khayr oo iyagu ku sugnaa magaaladda qardho kana qaybgalayay shir ay beesha Gobolka karkaar ku yeesheen magaaladda qardho isla markaana ay bayaan kazoo saaren sidoo kale waxaa isna kamid ahaa madaxweynihii hore ee maamul Goboleedka Puntland Gen:cadde muuse.

Soo Dhawaynta:kumanaan Dadweyna ah ayaa isugu soo baxay magaaladda qardho si ay uga qaybqaataan soo dhawaynta madaxweynaha puntland mudane:cabdiraxmaan maxamed faroole dadka ayaa soo gaaray Deegaanka loo yaqaan(Dardaare) iyagoo sita caleemo qoyan iyo boorar lagu xardhay hadalo amaan ah oo lagu soo dhawaynayo madaxweynaha puntland mudane faroole waana markii ugu horaysay ee madaxweynaha cusub ee puntland tan iyo intii la doortay madaxweyne cabdiraxmaan faroole 8 January waxaana madaxweynuhu kusii jeedaa magaaladda Dekedda ah ee boosaaso isaga oo Qardho joogaya habeenimaddda caawa ah waana soo dhawayntii ugu diiranayd ee abid lagu soo dhaweeyo madaxweyne puntland ee Qardho soo gaara.


Khudbadaha:hoolka dawladda Hoose ee degmadda qardho aya loo galbiyay wafdiga madaweynaha si ay dadweynaha reer qardho ugala hadlaan waxaan halkaasi laga jeediyay khudbado diiran oo loo jeediyay bulshaweynta Reer qardhood waxaa halkaasi ka hadlay maayarka magaaladda Qardho Cismaan buux cali iyo Gudoomiyaha Gobolka karkaar Yaasiin siciid xuseen waxaana ay ka warbixiyeen xaaladdaha guud ee ka jira magaaladda qardho iyo Guud ahaan Gobolka karkaar oo ay ka mid yihiin Arrimaha Amaanka iyo Arrimaha Bulshadda iyo adeegyadda aasaasiga ah ee bulshadda reer qardho u baahanyihiin sida dhismaha Airport ka magaaladda qadho ee xarunta gobolka karkaar iyo sidoo kale dhismaha Guriga loo yaqaan(Guest house) kaasoo loo baahanyahay in la dayactiro dhamaan balanqaadyadaaas ayaa uu madaxweynuhu aqbalay sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Mid ka mida Cuqaasha iyo nabadoonadda Gobolka karkaar maxamed Aaadan oo si wayn uga hadlay doorka nabadoonadu ku leeyihiin horumarinta amaanka iyo waxqabadka xukuumadda ee hanaanka barnaamijka xukuumadda puntland.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay madaxweynaha maamul goboleedka goboleedka puntland cabdiraxmaan faroole waxaan uu ka hadlay arimaha Deegaanka iyo Ganacsiga iyo sidoo kale hanaankii uu usoo dhisay golihiisa xukuumadda oo uu sheegay inay tayo galin doonaan barnaamijyadda horyaal golihiisa xukuumadda isla markaan ay tixgalinayaan codadkii mayorka cismaan buux iyo yaasiin waxaana uu sheegay in amaanka laga shaqayo oo ay hadda ka bilaaben magaaladda garoowe hawlo Amni sugid ah qardhona ay ku xigi doonto oo ay hayaddaha amnigu ka hawlgalayaan si kastaba ha ahaatee madaxweynaha ayaa hambalyo diiran u diray shacabka reer puntland ugana mahadceliyay bulshadda reer qardhood sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo wafdigiisa.

C/rashiid maxamed daahir(Haykal)
Email: Qardhomedia@hotmail.com

Warbixin Labaad:

Madaxwaynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magalada Qardho

Sawiradii Booqashada Halkan ka daawo...

Madaxwaynaha Maamul Goboledka Puntland Mudane C/raxman Sheikh Maxamud "Faroole" ayaa safarkiisi ugu horayay ku soo gaaray Xarunta G/Karkaar ee magaalada Qardho, dadwaynaha soo dhawaynayay madaxwaynaha ayaa waxay tuusanaayen wada laamiga ilaa laga gaaro magaalada Yaka oo dhowr kilomitir u jirta magalada Qardho.

Ugu horayntii madaxwahu wuxuu gaaray Xarunta Dawlada hoose oo ay ku sugayeen dadwayne aad furabadan iyo mas'uuliyin katirsan maamulka Gobolka iyo kan Degmada
Madaxweyne Faroole ayaa ka hadlay sidii wax loogu qaban lahaa magaalada Qardho oo uu sheegay inay tahay magaalo Taariikhi ah oo horey maamuladii jiray ay uga gaabiyeen inay wax u qabtaan..

Safarka Madaxweynaha dawladda Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa ku soo beegmaya xili uu dhawaan dhameystiray magacaabida xubnaha golaha Xukumada, taasoo dhawaan ay baarlamaanka Puntland meelmariyeen in ay sii shaqeyso 3 bilood oo kaliya, ayadoo looga fadhiyo waqtigaasi kooban Xukuumada Faroole in ay wax ka badan ka qabato Puntland
Iskusoowaduubo madaxaynaha ayaa la filaaya inuu caawa seexandoono maglaada Qardho beritona u qorshaysantahay inuu gaaro Magalaada Bosasso

Cumar Maxmud Cumar "Cumar Hantiile"
ayaanle6@hotmail.com

Bayaan ay Beesha Cusmaan Maxamuud Kasoo Saareen Magaaladda Qardho, Gobolka Karkaar  +Sawirro - Feb 2

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: