SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Warfaafinta Dowlada jabuuti MD, Cali Cabdi Faarax oo Xariga ka Jarey Wakaalad Wararka Madaxa Banaan ee Soomaaliya (SOMINA)

Sawirada oo Halkan ka daawo

Xaflad lagu furayo Wakaalad madax banaan oo ka soo qayb galeen Wasiirka Warfaafinta, boostada, Is-gaarsiinta iyo dhaqanka Dowlada Jabuuti Md, Cali Cabdi Faarax, sii hayihii hore ee Safaarada Soomaaliya Amp; Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe, Xog-hayaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Midnimada Qaran Cabdiqaadir Bahlaawi, Madaxa xarunta Doha Center for Media Freedom Mr, Robert Menard, qaybo ka tirsan wakiilada idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtey xarunta wakaalada madaxa banaan (SOMINA) ee caasimada dalka Jabuuti 29/04/2009-ka


Sawirada oo Halkan ka daawo

Furitaankii Wakaalada ayaa waxaa ka hadley Wasiirka Warfaafinta dowlada jabuuti, Mr, Robert oo ka socdey Doha Center,Xog-hayaha guud ee Wasaaradda Waefaafinta Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya Mr, Bahlaawi iyo Xog-hayaha guud ee Ururka NUSOJ Cumur Faaruuq Cismaan.

Wakaaladan oo hoos tagta Urur saxaafadeedka NUSOJ ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi khudbad isugu jirta soo dhaweyn, furitaan iyo ujeedada loo aas aasey ka jeediyey Xog-hayaha guud ee Ururka NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan "waxaa laysugu yimid xaflada lagu furayo Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee madaxa banaan, waa markii ugu horeysey oo laga hirgeliyo wakaalad dalka Soomaaliya, waxayna ku timid dhibaatooyinkii dalka ka dhacay, suxufiyiinta waxaa loo geystey dil, xarig iyo handadaad, waxaa la xirey xarumihii warbaahinta, waxaa la ogaadey in meel nabdoon ay ka faafinkaraan suxufiyiinta soomaaliyeed wararkooda, iyagoo aysan ka baqay dil, handadaad iyo dhibaato loo geysto" ayuu ku yiri Cumar Faaruuq furitaankii Wakaalada SOMINA.

waxaa kale oo uu khudbadiisa ku sheegey "dalka Jabuuti waa dalka labaad ee ay soomaalidu leeyihiin oo ay u soo ciirsadaan, marka ay dhibaato arkaan, gaar ahaan hadii aanu nahay saxafiyiinta soomaaliyeed, markii dhibaato loogeystey waa meeshii ay ku nabad galeen, waxaan go'aansaney in loo abuuro shaqo, ayna ka faa'iideystaan saxafiyiinta halkaan yimid jawiga nabdoon, waxaa muhiim ah in soomaaliya ay noqotey meelaha ugu dhibaatada badan Suxufiinta aduunka oo wararkooda aad loogu baahan yahay, hadii la helo wakaalad madax banaan oo ay leeyihiin saxafiyiinta Soomaaliyeed oo aan dano gaar ah lahayn oo dowrkoodu yahay xog dhex dhexaad ah oo isku dheelitiran oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax u taraya, in ay faafiyaan cid kasta oo la dhihi karo xogtaas wey u baahan tahay, waxaana u mahad celinayaa Wasiirka warfaafinta dowlada Jabuuti Md, Cali Cabdi Faarax ee inoo suurta geliyey furitaanka Wakaaladii ugu horeysey ee madax baan oo ay ka shaqeynayaan suxufiyiin Soomaaliyeed iyo hiilada uu noo muujiyey" ayuu ku soo gebagebeeyey Cumar Faaruuq.

Xog-hayaha guud ee Wasaaradda warfaafinta dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya Md, Cabadiqaadir Bahlaawi oo isna halkaasi ka jeediyey xaflada hadal qoraal ah oo ka kooban laba bog ayaa qoraalkiisa ku sheegey mar-xaladihii kala duwanaa ee ay soo martey saxaafada Soomaaliya xiliyadii 1960-kii, wixii ka dambeeyey iyo xiligan la joogo "saxaafadu, iyadaa wax dhista, iyada ayaa wax bur burisa, waxaana marxaladan ku tilmaamikarnaa wqti saxaafadu fursad u heshay in ay wax badan ifiso, taasina waa fursad ay heshey 20-kii sano ee ugu dambeysey, wasaaradda warfaafinta dowlada midnimada qaran waxaa qorshaheedu yahay in ay difaacdo suxufiga Soomaaliyeed, si uu u guto waajibaadkiisa, waxaana hada lagu hawlan yahay dib u eegida sharciga saxaafada, dhismaha waaxyihii kala duwaa sida wakaaladii wararka SONA T.V-gii Qaranka Soomaaliyeed iyo Radio Muqdisho oo dib loo xoojinaayo, waxaa kale oo deg deg loo bilaabayaa hawlihii diiwaan gelinta saxaafada gaar ah, waxaaana ku guuleysaney inaan abuurno xafiiska xiriirka saxaafadda" ayuu ku sheegey qoraalkiisa Md, Bahlaawi.

ugu dambeyn waxaa uu qoraalkiisa ku xusey baaq uu ujeediyey Ururada saxafiyiinta gaarka "wasaaradda warfaafinta waxaaay ururadda, Saxafiyiinta gaarka ah ka codsaneysaa in ay midoobaan si wada jir ahna uga hadlaan wixii dhexdooda ah, waxaana Ururka NUSOJ ugu dhiirigelinayaa in ay horseed u noqoto hawsha iyada ah".

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Jabuuti Md, Cali Cabdi Faarax oo Gunaanadkii xaflada ka hadley ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa "waxaan ognahay warfidiyeenada Soomaaliyeed inaysan haysan meel ay ku shiraan iyo qalab ay ku shaqeeyaan, islamarkaana naftooda ay u biimeeyaan, badbaadada dadkooda, dalkooda iyo sidii ay uga soo warami lahaayeen dhibaatada halkaa ka jirta, waxaana ku faraxsanahay in ay helaan ugu dambeeyey oo ay ku shaqeystaan, islamarkaana ay u isticmaalidoonaan danta dalkooda iyo dadkooda, inkastoo ay tahay aas aas madax banaan oo u adeego saxafiga Soomaaliyeed dantiisa, maanta jabuuti baanu ka furney, waxaana jeclahay in sida ugu dhaqsaha badan ay wakaaladu ugu furnaandoonto Muqdisho, waxaa keloo aaminsanahay in ay ku timid karaamada Ummada Soomaaliyeed sidii loo soo celin lahaa ayna suura gelin doonto dowlada uu madaxweynaha ka yahay ee lagu dhisey ay noqondoonto tii Ummada Soomaaliyeed karaamadeeda soo celisa idinka ilaahay" ayuu ku soo xirey khudbadiisa Wasiirka warfaafinta dowlada jabuuti.

furitaanka Wakaaladan cusub oo noqoneysa wakaaladii labaad oo ay yeeshaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ku hadasha Afka Soomaaliga tan iyo markii ay Soomaaliya Xornimada qaadatey ayaa waxay kusoo beeg meysaa, iyadoo uusan haysan saxafiga Soomaaliyeed damaanad qaad nabad gelyo sharciyadeed oo gudaha ah, caymis guud iyo mid gaar ah, islamarkaana ay jiraan Urur saxaafadeedyo kala duwan oo qaarkood lagu fushada dano gaar ahaaneed iyo mid shekhsiyadeedba, taasoo ay ka mid tahay in saxafiyiinta qaarkood la inkiro xubinimadooda shekh-siyadeed ee dhinaca warfaafinta, isagoo ku guda jira hawshiisa shaqo haystana cadeymo muujinaya, halka qaarkood loogu hanjabo in xubin nimada Ururka ay ku jiraan laga saarayo, islamarkaana laga faafiyo warar xaqiiqada ka fog, hadii uu isku dayo in uu ka hadlo tacadiyada loo geystey, sidoo kale furitaanka Wakaaladan cusub ayaa waxay ku bilaabatey faragelin shisheeye iyo xaqiraada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee joogey Caasimada dalka Jabuuti oo aan lagu wargelin in Wakaalad warar oo ku hadasha Afka Suxufiyiinta Soomaaliyeed laga furayo Jabuuti, iyadoo mas’uulka ugu sareeya ee wada hawshaan uu yahay xubinta ugu sareysa Ururada saxaafadda Soomaaliya ee ka jira dalka, guud ahaan hawlahaan sida deg deg ah u socda waxay u muuqdaan in wixii caalamiga ahaa laga dhigo mid Gobol, kii Gobolkuna laga dhigo mid Daakhili ah, halka ugu dambeyn tii guduhuna lagaba dhigto mid shekhsiyadeed.


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: