SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi "Wadadii uu jeexey keli teliskii ayaa wali lagu socdaa ee hubka looma sito Dan Guud..."

Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi oo sida la ogyahay ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan, kana mid ahaa ragii loo xirey hal abuurnimadiisa, xiligii Kacaankii 21-ka sano dalka xukumayey oo aan kula klumey Hoteel Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti 09/03/2009-ka mar uu booqasho ku yimid Jabuuti, waxna ka weydiiyey cida uu kula hadlo suugaantiisa adag ee ay dadku inta badan wada fahmin, sababihii keeney burburka dowladii kacaanka iyo sida lagu helikaro soomaali oo mid ah ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaan ugu horeyn weydiiney

S:-Abwaan ujeedada safarkaada faah faahin kooban nagasii?.

J:- mudo shar goor ayaan imid Jabuuti, waxaana iigu horeysey 1991-dii, waqtigaa wixii ka dambeeyey dhor sheer ayaan imi oo aan uga qayb galey shirar dhinaca dhaqanka ah, Safarkeyga jabuuti aan ku imi, anigu intaan hubo waa dano aniga ii gaar ah oo aan sidaa u fogeyn, dibna waxaan ugu noqonayaa magaalada Burco oo aan ka imi.

S:-Jawiga magaalada Jabuuti, safaradii hore aad ugu imaan jirtey iyo kan aad hada ku joogto maxaa iska bedeley?.

J:-maalmo yar ayaan joogaa, kuwii hore aan imaneyeyna, way tirsanaayeen, waqti dheer oo aan sidaa ku faaqido ma jirin, laakiin waa magaalo soomaaliyeed oo lagu soo hirto, waxaana ka dhaca kulamo khuseeya Ummada, waxaana ugu dambeeyey kii lagu dhisey dowlada hada ka jirta Soomaaliya, waana wadan Ummada soomaaliyeed ay ku samo qabto, mar hadii dhulkii kale uu wali ka socdo dagaalo iyo bur burkii, bani'aadamkuna wuxuu had iyo jeer kusoo cararaa dhulka nabadgelyada leh.

S:-Waxaa laguugu tilmaamaa fayla-suuf Suugaaneed, suugaantaaduna dadd kooban ayaa fahma dulucdeeda, ee yaad kula hadashaa oo aad ugu talo gashey?.

J:-Suugaantu iska tiri oo hibadaada muuji ma ahan, markaan suugaan tiriyo waa inaan cid ula jeedaa, waxaana kula hadlaa inta Af-soomaaliga ku hadasha, marba waayaha jira ayaan ka hadlaa, inta garaadkeyga ah hadba Ummada samaheeda ayaan ka hadlaa, waxaan ka mid ahay inta Ummada wadajirkeeda iyo aruursanaanteeda ka shaqeysa, suugaanteyduna kuma koobna mida Qaran, waxaan keloo jira mid aan caalamka kula hadlo, waxayna leedahay mid gudaha iyo dibadda suugaanteydu, ma nihin jasiirad caalamka ka go'an, Ummada Soomaaliyeed midnimadeeda iyo danaheeda caalamka ayeynu la wadaagtaa, waxaan keloo ka hadlaa Ummadaha dulman ee ka dagaalanta Gumeysiga.

S:- Dadka Af-sooliga ku hadla, marka ay dhuuxaan oo ay akh-ristaan suugaantaada ama ay dhegeystaan, waxay ku sheegaan in ay adagtahay inta badan, marka yaad kula hadashaa suugaantaada?.

J:-haa taasi wey jirtaa, suugaanteydu ma adka, dadkii baa hoos u dhaadhacay, ka dhaqaaqey oo aad uga fogaadey garashadii iyo fahamkii nolosha guud ahaanba, mana ahan fogaanta oo quree, Ummadii baa halkii ka dhaqaaqdey oo socotey halkii ay taagnaan jirtey oo loogu talo geli jirey ee loogu hagaajin jirey waxa qofku yiraahdo, suugaantu shardi bey leedahay oo waa iney xeel dheeraato, iney farashaxanimo leedahay oo aan qof waliba fahmine waa cashar oo dadka loogu talo galey sida daruusta kale loo xifdiyo oo loo akh-riyo ama loo baro weeye suugaantu, dadku ma ahan inta sida hilibka la goo goosto oo afka loogu guree waa inaad wax adag soo hor dhigtaa, dabadeedna raadiyaan micnaheeda, mana ahan madadaalo iyo hees iska fudud waxayna xambaarsan tahay risaalo waaweyn oo xoojineysa Ummada iney kusii hadasho Afkii xeesha dheeraa, ayey ilaalineysaa. ma ahan Ummadu iney la daadegto, markey dadku dib usii gurtaan iney dib usii gurato ee waa iney isku deydo suugaantu halkii ay ka dhaqaaqeen ummadu ay kusoo noqdaan, mararka qaar oo ay jirto baahi deg deg ah qofku wuu tirinkaraa Gabey ama hees si qofku uu deg deg ugu dhaqaaqo, laakiin marka ay nabadu tahay dadbaan jecleyn in wuxu la wada fahmo oo maskaxdu ku daaliyaan oo baadidoon galaan, sida calooshu wax ugu baahan tahay ayey maskaxduna ugu baahan tahay ereyga xeesha dheer leh, guud ahaan suugaantu waa cashar u socda Ummada oo la doonayo inuusan lumin dadkuna waa iney ka dabatagaan oo ay rog rogaan, isku luraan oo xifdiyaan oo waxa la ilaalinyaa xeel dheerida Afka Soomaaliga oo da'iba da'da kale u gudbiso.

S:-Adiga waxaad ka mid ahayd abwaanadii wax ka diyaariyey, waxyaabihii looga soo horjeedey dowladii 21-ka sano dalka xukumeysey, maantana waad aragtaa halka ay mareyso, halkaan waxaa lagu soo gebagebeeyey shirkii dibu-heshiisiinta Soomaalida, markaad eegta xiliyadii hore iyo xiligaan dibu-heshiisiinta is-bar bardhig ku samee?.

J:-laysma barbar dhigi karo, waqati waliba wuxuu leeyahay xaalad gooni ah, waqti waliba waxaad wax ka orareysaa xaalada markaa jirta iyo sida ay u jirto, waan ka mid ahaa ragii nidaamkii 21-ka sano dalka ka talinayey ka soo horjeestey, waqtigu wuxuu rabi lahaa hal abuuradii markaa jirey oo nidaamkana ka hadli jirey waqtigaas, mararka qaarkoodna talooyin siinayey, Suugaantuna waa Af-hayeenka Ummada Soomaaliyeed iyo maslaxadeeda, hadba Ummada heerkey mareysey ayey la jaanqaadeysey, hadii dib loogu noqdo suugaantii 21-ka aan tiriyey, waxay waafaqsan tahay 21-ka sano oo keliya wixii dhacay, suugaantuna waa iney ka hadasho sawir shaley jirey, si ay rikoor u noqoto oo meel u taalo, si aan loo ilaabin dhacdooyinkii nolosha oo uu bani'aadamku soo marey, intii ka dambeysey iyo maanta xaalada jirta weynu ka war heynaa bur burkii dhacey wali wuu socdaa, lagama soo kaban maalin walba waxyeelo ayaa imaaneysa, wey ka sii dareysaa had iyo goor, markey digteetaradu meel ka taliyaan, iyagaa isku daya inaan xal la helin, markey meesha ka tagaan ama dhintaan, si kuwa dambe loola yaabo oo loo yiraahdo kii kore ayaaba dhaamey, dhulkii bey wada miino ka dhigaan, si marka ay wax hagaagaan aaney dhaliishiisu u muuqan, walina bur burkii baa dhacaya, waa ku talo galkii nidaamkii 21-ka sano dhisnaa weeye, waana laga dhamaan la'yahay aragtidii iyo hogaankii uu dejiyey Qoolashii iyo dabaradii, marar badan waa laysu yimid, marna xal lama helin, xalkuna wuu sii dheeraanayaa, ilaa la daalo oo dadku niyadoodu ay ku dhacdo in xal la gaaro oo quluubtoodu meel usoo wada jeesato, lama gaarayo inta ruux kasta dentiisa u socdo, wadadii uu jeexey keli teliskii ayaa wali lagu socdaa ee hubka looma sito dan guud, weyna dhacdaa in toban goor la lumo, hadii Alle idmo dhowaan waxaan rajeyneynaa in laga baxo, aragtidaan iyo mabda'aan lays leeyahay wax ku hagaajiya, ilaa loo soo noqdo waxa aynu dooneyno ee danteena waafajiyo.

La soco qayb kale oo muhiim ah

Waxaa wareystey Wariye Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: