SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaar ka mid ah Isbitaalada dalka oo ay jaaliyadaha UK London iyo Switzerland gaarsiiyeen hal container oo qalab caafimaad ah

Shan isbitaal oo ay Qaar ka mid ah jaaliyadaha UK London iyo Switzerland gaarsiiyeen hal container oo qalab caafimaad ah Water health education Development program & somalischer integrationsverein der ostschweiz

Waa deeq ay iska kaashdeen laba jaaliyadood , isla markaana ay soo dhiibeen jaaliyado Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan laba dal oo yurub ku wada yaal waxaana la gaarsiiyeyila 5 isbitaal oo ku yaal gobolka banadir iyo gobolka galgadud ee bartahay somaliya .

Kaalmadaan ayaa isbitaaladii loo qeybiyey waxaa ka mid ah isbitaalka dagmada dayniile oo la siiyey %50 qalabkii caafimaadka iyada oo intii kalana loo qoondeeyey in la gaarsiiyo isbitalada damooyin ka tirsan gobolka galgaduud sida isbtaalka dagmada ceelbuur .isbitalka dagmada wabxo .Isbitalkada dagmada gal hareeri .iyo isbitalka dagmada dari waxaana dhamaantood u joogay wakiilo la aqoonsan yahay

Kaalmadaan ayaa waxaa iska kaashday ururada kala ah Barnaamijka horumarinta Biyaha caafimaadka iyo waxbarashada oo fadhigisu yahay UK waxaana hogaamiye sare ka ah Maxamed Jimcaale waana urur samafale ah isaga oo xooga saray qodobada aan kor ku soo xusnay .

ururka labaad ayaa ah somalischer integrationsverein der ostschweiz oo ay wakiil ka tahay Leylo Maxamud Qanyare fadhigiisuna yahay East Switzerland

Deeqdaan oo u badan qalabka cafimaadka ayaa soo gudbinteeda waxaa iska kaashaday jaaliyadaha UK London iyo Switzerland kuwaas oo isug jiray Somali iyo samafalayaal Ajnabi kale ah ,
Xaflada wareejinta qalabkaan caafimaad oo ka dhacaday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay culumaa.udiin mas.uuliyiinta isbitaalada .qaar ka mid ah ganacasatada gobolka banadir siyaasiyiin xubno ka socday jaaliyadaha somaliyeed eek u dhaqan dalka dibadiisa iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay

Qalabkii caafimad waxaa loogu qeybiyey isbitaaladii loogu tala galay si nabad ah oo dhinacyadii ka soo qeyb galay ay raali ka wada ahaayeen inkasta oo aysan wada dabooli Karin baahida dabta ah ee ay qabaan bulshada somaliyeed waxaana jirtay baahi ka weyn qalabka manta loo hibeeyey isbitaalada qaarkood

Gudoomiyaha ururka somalischer integrationsverein der ostschweiz oo wakiil ka Leylo Maxamud Qanyare oo ku hadalysay magaca jaaliyada somaliyed ee dagan dalka Switzerland ayaa xaflada uga qeyb qaadatay xaga isgaarsiinta talephonka waxayna faafaahin dheeraad ah ka bixisay shaqada ay qabteen iyo dhibka ay ka soo mareen waxayan u mahad celisay dhamaan intii ka qeb qaadatay meel marinta qalabkaan caafimad ee ay soo garsiiyeen bulshada waqti ay u qabeen baahi weyn waxaana iyana looga mahad cleiyey fikirkeeda saliimka ah iyo duco loo daba dhigay

Macalin cali oo ku hadlayey Magaca jaaliyada somaliyeed ee wadamada yurub ayaa ka mid ahaa dadkii munaasibada qalabka lagugudonsiinayey isbitaalada ka hadashay wuxuuna u soo jeediyey ka qeyb galayashii xaflada wacdi diini ah waano iyo aayado quraan ah wuxuuna sheegay in loo baahan yahay raajo .sheybaar casri ah .dhaqtaro iyo shaqaale xirfad leh
Ka qeyb galayaasha waxaa ka mid ahaa Axmed Maxmauud ,maxamed Macalin Xasan iyo Cali Axmed Guure waxayna ka socdeen Jaaliyadaha soo dhiibay qalabka caafimaad
Sidoo kale Enj: Cabduaalhi Macalin( wasiiqo ) isaga oo ku hadlayey Magaca isbitalka dagmada dayniile ayaa gudoomay deeqdii ka koobneyd qalabka caafimaadka ee loogu talagalay isbitaalkaas wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay walaalaha qurbaha joogo oo ay heysato dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horeeyaan sida midab takoor ,qabow baraf ah iyo iyaga oo la nool dadyow ane isku dhqan iyo diin Aheyn ,

Isbitalka dagmada ceelbuur waxaa u qaaday hantidii loogu tala galay oo la gudoonsiiyey Adan Sh Nuur ( Adan qooje ) isaga oo ku hadlayey Maga dadka deegaanka ceelbuur ayuu u mahadceliyey dhamaan intii ka soo qeyb gashay barnaamijkaan iyo intii ka qeyb qaadatay soo gudbinta deeqdaan

hadaan u beyrno dhanka Dagmada galhaReeri waxaa gudoomay qebti loogu deeqa Md Xasan Cali Boor wuxuna ku mahadceliyey dhaman jaaliyadaha somaliyeed gaar ahaa kuwaa soo dhibay xiligaan deeqdaa ka kooban qalabka caafimaad oo uu ku sheegay in ay ku soo begantay xili baahi weyn loo qabay

dhanka dagmada dari ayaa waxaa u gudoomay kaalmadii ay qeybta u heleen Cabdi Macalin tooxow Cabdi dheere ) oo matalayey dadka deegaan wuxuuna shegay in hada wixii laga bilaabo meel marinteeda uu isagu mas.uul ka yahay wuxuuna sidoo kales hegay in dadkii isku howlay ee lahaa fikirkan ay mudan yihiin in loo abaal gudo balse ay taariikhda u gali doonto abaalkooda

Dr Cumar Maxamuud Xuseen ( Cumar Aboor ) oo Ka mid ah maamulka sare ee isbitaalka dagmada dayniile ayaa ka warxiyey xaalada isbitaalka iyo shaqaalaha oo sida uu shegay soo jiidatay dhagaystayaashii kulan ka qeyb galayey isaga oo sheegay in uu isbitaalku ku talaabsaday horumar weyn oo dhankastaba leh sida xiriirka dadweynahay iyo xanaaneyntoda wuxuuna sheegay in sanadkii tagay lagu daaweeyey in ka badan 8 kun oo badan koodu qabeen dhaawacyo ka soo gaaray dagaaladi ka socday Dalka gudihiisa

Wuxuuna intaa ku daray isaga oo hadalkisa sii wato in isbitaalka howlaha bukaanda loo qabto ay yihiin dhamaantood lacag la.aan sida raajada .jiifka .daawada.dhalida .dhalainta haweenka .raashinka iyo wixii la mid ah waxaana isbitalka ka shaqeeya 143 shaqaale ah oo dhamaantood lagu qaatay imtixaan ay galeen waana ku yar yihiin dadka deegaan isaga oo yiri isbitalka waxaa leh ummaada somaliyeed waxna loogu qabtaa

Waxaa kale oo iyane xusid mudan in kaalmadaan soo uruurinteeda ay ka qeyb qaateen qoys aan Somali ahayn oo fiiriyey xaga bini aadanimada arintaan qeyb weyn ka qaatay xaas ka kooban haweeney iyo ninkeedii u dhashay dalka Switzerland
Waxaa qalabkaan cafimaadka isku soo duba riday oo kaalmeeyey ururadaan samafalayalka ah ka sokow waa labadaa qof ee is qabta

Waxaa iyane gacan ka geysta soo gudbinta kaalmadaan ganacsartadii ka soo rarta yurub ila adubai kadibna soo gaarsiisay Muqdisho oo ku bixisay juhdi aad u fara badan waxana ku bixiyeen qaash badan

Arintaan ayaa ka danbeysay markii ay isku biiriyeen jaaliyadahaasi xoogood .maskaxdoda caqligooda malkooda iyo waqtigooda
Intii ay xafladu socotay dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Macalin oo ku hadlay magaca jaaliyada somaliyeed eek u dhaqandalka dibadiisa isaga oo ku hadlayay afka faransiiska intii xaflada joogtayna ka dhigay sida dad baariis joogo oo kale marka la eego luqada sida uu ugu hadlayay



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: