
United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)
Xafiiska Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaalia
(UNPOS)
War Saxaafafeed: 015/ 2009
Ergayga Gaarka ah (SRSG) oo ku baaqay in ay si guul leh u dhaqan
galaan waxyaabiyii ka soo baxay Shirkii Brusels ee Soomaalia.
Nayrobi: 27 Abril: Ergaygga Gaarka ah ee Qarammadda Middoobay uqaabilsan Arrimaha Soomaalia, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa ku amaanay
Bulshada caalamka sida deeqsinimada leh ee ay ugu balanqaadeen lacag
Gaaraysa US$ 213 Milyan Hay’addaha Arrimaha Nebedgelyadda u Qaabilsan
Soomaalaiya iyo Howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Soomaliya ( AMISOM).
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in si dhakhso leh loo helo dhaqaalihii la
balan qaaday loona isticmaalo si maangal ah oo ay mas’uuliyadi ku
dheehantahay.
“ Shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay maalintii Khamiista aheyd
Brusels, ayna ka soo qaybgaleen madaxda Qaramadda Midoobay, Ururka
Midowga Africa, Ururka Midowga Yurub iyo kan Ergadda Reer Yuruba,
Ururka Midowga Carabta, iyo Ururka Islaamaka Addunka, waa in uu astaan u
noqdaa in xaaladda Soomaalia uu isbedel ku yimid. Mar haddii la
xoojinayo hay’adaha nebedgelyada, shaqana loo abuurayo dhalinyarada,
kaalmada bani’aadinimo ee muhiimka ahna la gaarsiinayo ummadda, nabad
waarta iyo xasilooniba waxay dalka ugu soo noqonaysaa si
tartiib-tartiib ah iyadoo la adeegsnaayo sida ku cad heshiiskii
Jabuuti.
“ Waxaa mahadleh heshiiskii Jabuuti, maxaa yeelay dadkii barakacay
ayaa guryahoodii ku soo noqonaaya, barlamaanku waa loo waa dhan yahay,
dawlad midnimo Qaran leh ayaa la sameeyey, waxaana si habsami leh oo
kala horeysa dalka uga baxay ciidamadda Ethiopia muddo sadex bilood laga
joogo.
“ Madaxdii dalka ka carartay sanadkii 2006 ayaa soo noqotay, aniguna
waxaan ku guubaabinayaa madaxdani inay si nabadi ku dheehan tahay oo
waxtar leh uga qeyb qaataan dib u soo nooleynta wadankooda ”.
Mudane Ould-Abdalla wuxuu xasuusiyey shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ku
jira liiska cunaqabataynta Golaha Amaanka waa inay muujiyaan wadaniyad
aad u weyn horeyna u socdaan waana inaynan wadankooda madax furasho u
haysanin iyagoo fiirsanaya danahooda gaarka ah keliya.
“ Haddii shaqsiyaadka aan soo tilmaamay ay si waxtar leh ugu
howlgalaan helitaanka nabadda iyo xasiloonida, Ould-Abdalla wuxuu yiri
“Waxaan diyaar u ahay, anigoo ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midooway inaan baadi goobo taageerada bulshada caalamka si si guul leh
aan wax uga qabto xaaladaha sharci iyo diblomacynimo ee shaqsiyaadka aan
soo sheegay”
“ Hadda waxaan joognaa waqtigii dadka Soomaaliyed ay dadkooda, dadka
gobolka iyo bulshada caalamkaba u miijin lahaayeen inay markaan dhab ka
tahay inay nabad helaan ayna iska iloowayaan dhaqankii ku dhisnaa ninkii
guuleysta ayaa wax walba qaata iyo samaysashada isbahaysiyada
isbedbedala markasta kuwaasoo ilaa iyo haddana dalka arimahiisa sii
xumaynaya, waxaa hadda la joogaa waqtigii dhamaan dhinacyada oo dhan ay
taageri lahaaayeen guusha la gaaray si wadajir ahna loo wada howlgeli
lahaa si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay dib ugu soo noqota sharaftii ay
dunida ka mudneyd. 20kii sano ee la soo dhaafay, awood sheegasho qolana
uma suurtagelinin inay awooda ku sii haysato haddana uma suurtoobayso
inay qolo awood wax ku hesho”.
___________________________________________
Wixii warar dheeraad ah fadlan kala soo xiriir: Susanah Price ama
Donna Cusumano, Public Information Officers , UN Political Office for
Somalia (Nairobi, Kenya) Tel: +254 20 762 1192/1625 ama +254 733 902
020/737 400 133
Fadlan booqo
www.UN-Somalia.org