SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DUGSIGA SARE EE SHEIKH

Aqoonyahanka Reer Minnesota oo Taageeray Dugsiga Sare ee Sheikh, una ballan qaaday 7 Arday in ay ka bixinayaan kharasha Iskoolka hal sano ah...

  • SomaliTalk.com | Minneapolis | April 25, 2009

Sheikh Secondary School waxa uu leeyahay taarkiikh dheer xagga waxbarashada Somalida kaasoo ay hore uga soo qalin jabiyeen aqoon yahano iyo xiradleyaal fara badan oo ku nool dunida daafaheeda.  Waxa uu iskuulku soo maray dhaqaale xumo baahsan sida iskuulo badan oo kale la soo daristay taasoo sabab u ahayd xukunkii kaligi talisnimo, dagaalo sokeeye iyo musuqmaasuq.  Iskuulku si tartiib tartiib ayuu dib u dhismay, waxaana ku sugan 209 arday kuwaaso 39 ka mid ahi ay yihiin gabdho.  Waxa uu iskuulku sanad walba qaataa ardada kaalinta sare ka gala machadayada dugsiyada dhexe ee ku baahsan gobolada dalka.  Badida ardaydan ayaa ka soo jeeda qoysas sabool ah oo aan iyagu awoodin inay iska bixiyaan qarashka iskuulka oo ah $360/sanadkii.  Seddex fasal ayaa ka qalin jabiyey islkuulka tan iyo markii dib loo furay sanadkii 2001dii iyadoo fasalka afraad qalin jabin doono sanadkan.

Haddaba waxaa Sabtidii (April 25, 2009) Jaamacadda Minnesota lagu qabtay kulan loogu talo galay in lagu caawiyo ardayda Iskuulka Sheikh. Waxaa kulankaas ka soo qayb galay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis/ St. Paul. Waxaana isku soo dubaridka kulankaas ka qayb qaatay Prof. Cabir I. Samatar. Dadkii ka hadlayna waxaa ka mid ahaa Sh. C/Rahman Shariif., Prof. Awo Cabdi iyo Eng. Khaliif Axmed.

Furitaankii kulanka iyo soo dhaweyn kaddib waxaa madasha lagu soo dhaweeyey Sh. C/raxmaan Shariif oo ugu horayn dhiiri kagaliyey dadweynihii madasha isugu yimid isagoo xasuusiyey xigmadda ah:  Qofku waxa uu najaxaa "haddii uu arrin joogteeyo, islamarkaana uu niyad wanaagsan iyo dadaal ka daro."

Kaddib waxa uu ku xeel dheeraaday sida diinta Islaamku u qiimayso cilmiga, isagoo xusay in Kitaalbka Quraanka ay ku jiraan ilaa 700 kelmadood oo ka ku saabsan cilmiga. Taas waxay ku tusaysanaa, ayuu yiri, sida Islaamku u qiimaynayo cilmga- Sidoo kale Aayadihii ugu horeeyey ee Allah ku soo dejiyey Nebi Muxammad (NNKH) waxay ahayd "Iqra" oo kuu muujinaysa muhiimadda wax akhriska si loo yeesho cilmi. Sidoo kale waxaa Allah ku dhaartay Qalinka iyo waxa uu qorayo.

Sh. C/raxmaan waxa uu ku dheeraaday in Islaamku qiimo aad u weyn siinayo aqoonta iyo raadinteeda iyo barashadeeda. Aqoontu waxay fure u tahay horumarka bini'aadamka.

Aqoon la'aani waa iftiin la'aan, ee hala gacan qabto ardayda waxbaranaysa.

Eng. Khaliif Axmed oo hadal guubaabo jeedey waxa uu tusaalayeey in dadkii Soomaalida wax u bartay ee wax bedeli lahaa ay dalkii ka maqan yihiin. Mustqabalkeena waxaa asaas iyo gundhig u ah waxbarasho. Waa in carruurta Soomaaliyeed wax la baro meesha uu doonaan ha joogeene.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Dugsiga Sare ee Sheikh oo sannadkii uu ardaygii u baahan yahay in laga bixiyo $360. Waxana uu sheegay in ardayda ugu waxbarashada fiican ay yihiin kuwo qoysaskoodu aysan awoodin kharashkaas.

Macallin Fariid oo ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada sare ee Minneapolis ayaa  sheegay in uu ka mid ahaa ardaydii ka soo baxday Sheikh, isla markaana guubaabo yar waxa uu u jeediyay dadka madasha isugu yimid, waxana uu xasuusiyey in dadka inta maanta halkan isugu yimid aysan qabiil isugu iman ee ay isugu yimaadeen sidii ay ardaay Soomaaliyeed u garab istaagi lahaayeen.

Prof. Awo Cabdi waxa soo bandhigtay tiro koob ku saabsan ardaya Soomaaliyeed ee dugsiyada hoose dhigya oo ay samaysay hay'adda UNICEF. Tirakoobkaasi waxa uu sheegay in ay 2003-2004 jireen  1172 Dugsi oo shaqaynayay. Marka la eego ardayda da'doodu gaartey waxbarashada dugsiyada hoose ee dhiganayey iskuul xilligaas waxaa lagu qiyaasay 20% boqolkiiba (taas macnaheedu waa in boqolkiiba 80% ardayda gaaray da'da waxbarasho dugsi hoose in aysan iskuulba dhigan). Tirada iskuulka dhiganayeywaxay isugu jireen boqolkiiba 13 %  oo ahaa wiilal iyo boqolkiiba 7% oo ahaa gabadho.

Macallin Maxamed Xasan oo isaguna madasha hadal kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay in cilmigu uusan xuduud lahayn, taas oo uu ku tusaalaynayey in dugsiga la caawiyo meeshuu doono ha kaga yaal dhulka Soomaalidu degto in ay tahay guul iyo faa'iido.

Kaddib waxaa madashii lacag loogu ruuriyey ardayda dhigta dugsiga Sheikh, taas oo qiyaastii 6 arday loogu yaboohay in hal sano laga bixiyo kharashka ku baxaya dugsiga.

Waxa hadalo kala duwan ka soo jeediyey in badan oo dadkii madasha ka soo qayb galay.

Xog la'aani waa wax qabad la'aan, Aqoon la'aana waa iftiin la'aan.

Haddba, qofkasta oo ka qayb qaadanaya caawinaada ardayd adugsiga sare ee Sheikh, waxay laxiriiri karaan Eng. Khaliif Axmed oo ku sugan Minneapolis, Email: Gashanle@aol.com

Waxaa qoraalkan idiin soo tebiyey bahda SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: