Jariirada Il-Giornale ee talyaniga oo
waraysatay Safiirka Soomaalida ee Geneva (Yuusuf
Baribari)
http://www.ilgiornale.it/a.pic1?ID=344607
Qoraalkii jariirada oo afka talyaaniga
"Madaafiicda loo adeegsanayo ka hor-tagga
burcad-badeeda waxaa ka wanaagsan hor-u-marka
dhaqaale (micro-credit)".
Sawirka Safiirka Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil
Bari-Bari
Hordhac: Yusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari waa
Safiirka Dowladda Soomaaliyeed u fadhiya
Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ee Geneva.
Jariidada Il Giornale wuxuu uga warramayaa
aragtida Soomaaliyeed.
Su'aal: Maxeey doonayaan, maxeeysa yihin
burcad-badeeda qafaashtay markabka talyaaniga
iyo shaqaalaha saaran?
Jawaab: "Waxba kama jiraan fikradda laga haysto
oo ah burcad-badeedii madoobaa oo indhaha
duuban-jiray (sida aflaanta lagu arki jiray).
Waxaa loo baahan-yahay in la tix-galiyo carada
shacabka Soomaaliyeed ku nool xeebaha taas oo ka
dhalatay kallumaysiga sharci-darrada iyo sunta
loo keenayo. Arrintaan waxaa si dhab ah loogu
macneeyn-karaa burcadnimo mataano ah (twin
piracy). Kalluumeysatada Soomaaliyeed nolol
maalmeedkooda oo kaliya lagama qaato hasa
yeeshee marar badan waxaa la isaga fogeeyn jiray
rasaas ooda looga qaado. Mas'uuliyadda ugu
horraysa ee burburka Dalkeena haddii aan
Soomaali nahay innaga ayeey ina saaranta, hasa
yeeshee waa la inala wadaagaa".
Su'aal: Ma waxaad leedahay ma jiraan
burcad-badeed?
Jawaab: "Iyadoo laga faa'iideysanayo carada
shacabka Soomaaliyeed iyo awood la'aanta
Maamullada (institutions) maaliishyaad baa ka
faa'idaaystay marka ay garteen in ay dhaqaale ka
sameeyn-karaan".
Su'aal: Ma la socotaa xaaladda shaqaalha
talyaaniga lagu haysto waqooyiga Soomaaliya?
Jawaab: "Waay ladan-yihin mana garanayo sabab
wax-loogu dhimi karo".
Su'aal: Maxaa loo qabsaday markabka talyaaniga?
Jawaab: "Sababtu ma ahan calanka talyaaniga oo
saaran. Waxaay u badan-tahay in lagu raad joogay
labada markab kallumaaysiga laga leeyahay Masar
oo dhoowr jeer loo digay ka dib marka lagu arkay
iyagoo ka kallumaysanaya meel xeebta u dhow.
Waxaa dhici karta in markabka talyaaniga uu
xilli qaldan aagaas marayey".
Su'aal: Shaqaalaha saaran markabka talyaaniga
waxaa lagu haystaa Puntland oo ah gobolka
federaalka ku yaal waqooyiga Soomaaliya. Sidee
baad dooneeysaan in aad arrintaan ku xallisaan?
Jawaab: "Dhallinyarada gacanta ku dhigtay
markabka waxaay haddiiba u yeereen odayaasha
degaanka. Dowlad Goboleedka Puntland waxaay ku
hawlan-tahay sida ugu saxsan oo arrintaan loo
maareeyn-karo. Hasa yeeshee inkastoo marar badan
oo la soo dhaafay Dowladda Soomaaliyeed iyo gaar
ahaan DG Puntland ay codsadeen in aan la bixinin
lacag madax-furasho, saacadaha aynu ku jirno
dhallinyarada soo qabsatay markabka talyaaniga
waxaa loo bandhigay in ay qaataan lacag
madax-furasho. Arrinta waxaay meel ka dhac ku
tahay dadaaladda Maamul Goboleedyada".
Su'aal: Burcad-badeeda Soomaaliyeed ma leeyihiin
xirriro ka baxsan Soomaaliya?
Jawaab: "Waxaa muuqata in dibedda looga soo
sheego xilliga ay maraakiibta soo dhoofayaan iyo
ay ku soo beegaan yihin badda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa jira mukhallisiin dibedda ku
nool oo maareeya lacagaha madax-furashada loo
bixiyo".
Su'aal: Ma kula tahay in maraakiibta dagaalka ee
beesha caalamka gaaf-wareegaya badda Soomaaliya
ay xal keeni karaan?
Jawaab: "Waxaay ila tahay in ay
habboonaan-laheeyd in la fuliyo is-kaashi dhab
ah oo dhex mara Mas'uliyiinta Soomaaliyeed iyo
Beesha Caalamka ay danteedu ku jirto in la
xasiliyo mid ka mid ah bad-mareenada adduunka
ugu muhiimsan (strategic)".
Su'aal: Ma dhab baa in Dowladda Soomaaliyeed ay
codsatey in loo dhiso ciidan badda ilaaliya oo
ka kooban 3000 oo nin?
Jawaab: "Intaas kuma koobna: waxaa kaloo
habboonaan-laheeyd in la dhiso hay'ad difaacda
bay'adda, in la helo dhaqaale (micro-credit)
lagu hor-u-mariyo shacabka Soomaalyeed ku nool
xeebaha dalka iyo dhismaha shariikaad ay ka mid
yihin kallumeeysata Soomaaliyeed si suuqyada
kallunka ee caalamiga si toos loogu iib-geeyo
kalluunka Soomaaliyeed. Dhaqaalaha qorshahaan
lagu fulin karo wuxuu aad iyo aad uga hooseeyaa
dhaqaalaha lixaadka leh lagu bixiyo hawl-gallada
ay fulinayaan maraakiibta dagaalka ee Beesha
Caalamka".
###
Jariidada Talyaaniga ee IL Giornale Qoraalkeedii
oo ahaa sida tan ka daalaco
http://www.ilgiornale.it/a.pic1?ID=344607
Yusuf Mohamed Ismail Bari-Bari è l’ambasciatore
del governo somalo presso la sede Onu di
Ginevra. Sul sequestro corsaro dei marinai
italiani racconta il punto di vista di
Mogadiscio.
Chi sono e cosa vogliono i pirati che hanno
sequestrato il rimorchiatore d’altura italiano
ed il suo equipaggio?
«Non esiste lo stereotipo del corsaro nero con
la benda sull’occhio. Per capire la situazione
bisogna tener conto della reazione delle
comunità costiere alla pesca di frodo
internazionale di fronte alle coste somale e
allo scarico di rifiuti tossici. Questa è una
vera e propria "pirateria gemella". I pescatori
non solo si vedevano sottrarre il loro mezzo di
sostentamento, ma venivano pure tenuti a
distanza a volte con l’uso di armi da fuoco. Noi
somali siamo i primi responsabili della
distruzione del Paese, ma non gli unici».
Vuol dire che i pirati non esistono?
«Facendo leva sul malcontento della popolazione
e l’impotenza delle istituzioni, miliziani ed
altri hanno approfittato intravedendo una
possibilità di lucro».
Ha notizie dei marinai italiani trattenuti nel
nord della Somalia?
«Stanno bene e non vedo per quale motivo
qualcuno gli dovrebbe fare del male».
Perché è stato abbordato il rimorchiatore
italiano?
«Non perché issava il tricolore. Sembra che
l’obiettivo fossero due pescherecci egiziani
(pure sequestrati, n.d.a.), che lanciavano le
reti sotto costa ed erano già stati avvertiti.
Il rimorchiatore deve essersi trovato in quella
zona di mare nel momento sbagliato».
L’equipaggio è bloccato nel Puntland, la regione
semi autonoma della Somalia settentrionale. Cosa
state facendo per risolvere la situazione?
«Gli anziani del posto sono stati coinvolti
subito dagli stessi che hanno bloccato il
rimorchiatore. L’amministrazione locale si sta
adoperando per trovare una soluzione nel modo
più corretto possibile. Nonostante in passato le
autorità somale ed in particolare del Puntland
avessero più volte chiesto che non venissero
pagati riscatti in queste ore sono in corso
offerte di denaro a chi ha fermato il
"Buccaneer" mettendo in difficoltà l’azione
delle istituzioni regionali».
I pirati hanno complici al di fuori della
Somalia?
«È evidente che qualcuno segnala la partenza o
il transito delle navi mercantili. Inoltre ci
sono dei mediatori all’estero che fanno
transitare il denaro sui circuiti
internazionali».
Ritiene che l’invio di navi da guerra della
comunità internazionale al largo della Somalia
sia efficace?
«Penso che sia meglio una reale cooperazione tra
le autorità somale e la comunità internazionale
interessata alla stabilità di una delle vie
marittime più strategiche del mondo».
È vero che il governo somalo chiede aiuto per
costituire una guardia costiera di tremila
uomini?
«Non solo: ci vuole pure un’unità di protezione
ambientale, oltre a micro crediti a favore delle
comunità costiere e joint venture con i
pescatori locali per accedere ai mercati ittici
internazionali. Questo piano costerebbe
infinitamente meno della mega operazione
militare di pattugliamento del mare che è
attualmente in corso».