SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAR-SAXAFADEED: 

Warbixin: Wafdiga Puntland iyo Kulamadii Nairobi
18 April 2009

Wafdi uu hogaamiyo Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa weli ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya halkaasoo ay uga socdaan shirar iyo kulamo isdaba joog ah.

Subaxnimadii Jimce ayaa Hotel Panari oo ay degan yihiin Wafdiga Puntland waxaa ku soo booqday Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Md. Nicolas Bwakira.

Madaxweynaha Puntland iyo Mas’uulkaan oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay arrimo tiro badan oo ugu muhiimsan tahay amaanka caasimadda Somalia ee Muqdisho halkasoo ay ka howlgalaan ciidamo gaaraya ilaa 4,000-askari oo ka socda Midowga Afrika.

Mr. Bwakira ayaa ku amaanay Maamulka Puntland doorashadii xorta ahayd ee ka dhacday magaalada Garowe 8 Janaayo 2009 isagoo ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub iyo Shacabka Puntland guushii doorashada.

Md. Cabdiraxman Farole wuxuu casuumaad rasmi ah u fidiyay Md. Bwakira waana uu aqbalay.

Kulankaasi ka dib Madaxweynaha waxaa soo booqday Mr. Mark Bowden oo hey’adaha UN-ka u qaabilsan arrimaha Somalia, waxaana looga hadlay arrimo tiro badan oo la xiriira shirkii lagu qabtay Garowe bishii Febraayo iyadoo xooga la saaray sidii hey’adaha UN-ka uga howlgali lahaayeen dhamaan Gobolada Puntland waxaana la isla gartay in la sameeyo Guddi isku xira labada dhinac (Coordination Committee).

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku tukaday Salaadii Jimce Masjidka Hurligham ee magaalada Nairobi kadibna wuxuu qado sharaf la yeeshay Md. Faarax Macalin oo ah Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya.

Galabtii Jimce waxaa Hotel Panari ugu yimid Madaxweynaha qeybo ka mid ah saxaafada Soomalida iyo tan Caalamka halkasoo uu ku qabtay shir jaraa’id ah waxaana ka soo qeybgalay Reuters, AFP, El Mundo TV, French TV, ETN, Radio Garowe, Wargayska Siyaasi iyo kuwo kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa shirkaasi ka dhiibay warbixin kooban oo ku saabsan safarka Nairobi iyo waxyaalaha u qabsoomay wafdiga ka socda Maamulka Puntland.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in Beesha Caalamka ay xooga saartay sidii looga hadli lahaa ka hortaga burcad-badeeda iyadoo Madaxweyne C/raxman Farole sheegay in Dowlada Puntland u gudbisay Beesha Caalamka qorshe iskaashi ah sidii looga hortagi lahaa weerarada burcad badeeda ku hayaan maraakiibta dunida. Madaxweynaha wuxuu is gaara ah uga hadlay in xal loo helo kuluumaysiga sharci-darada ah oo sabab u noqday burcad-badeednimada.

Wuxuu ka codsaday Beesha Caalamka in la taageero Maamulka Puntland isagoo xusay in Maamulka uu xiray 60 ruux oo loo haysto dambi burcad badeednimo iyo 10 burcad-badeed oo dhawaan lagu xukumay maxkamad ku taala magaalada Boosaaso.

Tan iyo intii uu Madaxweyne C/raxman Farole yimid magaalada Nairobi ayaa waxaa jira shirar iyo kulamo isdabo joog ah oo uu ka qeybgalay waxaana haray shirarkii Jaaliyadaha, shir guud oo lala yeesho deeq bixiyaasha iyo hey'adaha UN-ka iyo kuwo kale.

Xafiiska Madaxweynaha
Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
18 April 2009

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: