SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed ku wajahan xaaladda dalku soo maray iyo dhacdooyinka cusub

Sida aan wada ogsoonnahay dalku wuxuu soo maray maraaxiil kala duwan oo aad u fool xun, fadliga Ilaahay waa laga soo gudbay inkasta oo lagala kulmay dhibaatooyin kala duwan sida: dhimasho, dhaawac, burbur, kufsi, iyo barakac baahsan. Dhibaatooyinkaas waxaa ugu dambeeyay kuwii cadowga Ilaahay iyo cadowga Soomaaliyeed ee ay horsocdeen dadkii Makasta ahaa ee heybka qabiil la wadaagay shacabka Soomaaliyeed.

Allaa ku mahadsan in uu naga kiciyay cadowgii soo jireenka ahaa, welina waxaa dalka baaqi ku ah cadowgii labaad. Intaas kadib waxaa muuqanaya ifafaalo dagaal oo ay ka shaqeeyeen dowladaha reer Yurub, Mareykanka iyo ururka Midowga Afrika, kaasoo ujeeddadiisu ay tahay in la isku laayo ama ay is dilaan dadkii Mujaahidiinta ahaa ee soo galay dagaalkii 2da sano iyo 6da bilood ayagoo hal meel xabbadda u wada ridaya, waxayna ugu talo galeen Wadaad ninka la yiraahdo kaarkiisu inuu u gudbto sida uu u gubtay kii Hoggaamiye Kooxeedyada, kadibna Ummadda Soomaaliyeed ay noqoto Labo jir aan Aabo iyo Hooyo lahayn. Ilaahay baan ka magangalnay arrintu in ay sidaasi u dhacdo.



Haddaba waxay u baahan tahay xaaladda in ay ka arrimiyaan dad xeeldheerayaal ku ah arrimaha Diinta, sidoo kale dad xeeldheerayaal ku ah xalinta mushkiladaha Soomaaliya iyo Wadaniyiin leh shaqsiyad wanaagsan, caqli saliim ah iyo waayo-aragnimo.

Waxaan ku talo bixinayaa in la qaato qodobada soo socda:-

1. Masiibooyinku marka ay dhacaan dadka Muslimiinta ah waxaa indho u ah Culimada, sidaa darteed waxaan leeyahay waa in laga talo qaato oo looga dambeeyo xal u helidda mushkiladaha dalka Soomaaliya Culimada Soomaaliyeed ee Salafiyiinta ah, iyadoo lala saxayo ama lagu baraarujinayo wixii u muuqda in ay ka il-duufeen. Nabadda Soomaaliyana waxaa asal u ah in la helo Labo shardi:

a). Ku dhaqanka shareecada Islaamka.

b). Saaritaanka ciidamada shisheeyaha.


2. Suurtagal ma aha halgankii dheeraa ee ay soo galeen Mujaahidiinta oo ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed in meel cidlo ah lagu tuuro, isla markaasna la qaato nidaamka Dimoqraadiga. Haddaba si looga badbaado dagaal dib u soo cusboonaada waa in shacabku ay ku qancaan ku dhaqanka shareecada Islaamka si dhab ah oo ficil ahna looga run sheego.

3. Sidoo kale waxaan suurtagal ahayn Shaqsiyaad, qolo, iyo Xisbi kaligood ahi inay metalaan ummadda Soomaaliyeed, waa in la helo wadahadal, is afgarad, iyo talo lagu mideysan yahay, ha noqoto in aan dagaal la galno ciidamada AMISOM ama ha noqoto in aan u aragno si nabadgelyo inaan ku saari karno, waa in aan sameynaa is horfariisi looga wada hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo xaaladda ay ku sugan tahay maanta.

4. Waxaan uga nasteexeynayaa shaqsiyaadka ama qeybaha aamisan qabyaaladda in ay ka waantoobaan, waayo Soomaaliya waxay ka gudubtay barnaamijkii qabaa’ilada, waxayna u gudubtay barnaamij Diineed iyo axzaab, waxaana dhihi karnaa waa tallaabo wanaagsan oo loo baahan yahay in horey loo sii socdo. Dadku maanta waxay u hanqal taagayaan inay helaan qofkii ku maamuli lahaa Shareecada Islaamka. Waxaan rabaa si gaar ah inaan u xuso wararka soo noqnoqday ee ku saabsan lahaanshaha magaalada Muqdisho, waxaanna aaminsanahay magaalada Muqdisho in ay tahay meel Ilaahay uu leeyahay isla markaana uu Makaniyay ummadda Soomaaliyeed uuna uga dhigay caasimaddii waddankooda, mana xusuusni qolo gooni ah oo Ilaahay u hibeeyay laguna yiri Xamar idinka ayaa iska leh. Nin kasta oo Soomaali ahi wuxuu xaq u leeyahay in uu ka dhisto Guri, Ceel ka qoto, Dukaan ka furto, waxna ku barto caasimadda Muqdisho. Waxaan is leeyahay Walaalihii ay ka soo yeertay ereyga aan lagu farxin ee Muqdisho inay cid gaar ah leedahay inay ka waantoobaan. Waxaan ognahay walaalahaasi inay wax badan oo wanaag ah ay ka soo qeyb qaateen, dhibaato badanna ay u soo mareen difaaca dalkooda iyo la dagaalankii cadowgii dalka qabsaday, sidaa darteed waxay mudan yihiin in aan lagu degdegin, ninkii wax u sheegayana uu u nasteexeeyo iyadoo la ilaalinayo waxqabadkoodii hore, qalbigooda iyo Muslinnimadooda.

5. Mujaahidiinta waxaan kula dardaarmayaa in ay ogaadaan camalka 10% (Boqolkiiba Toban) in ay hayaan, 90-ka kalena shacabka Soomaaliyeed uu hayo, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in ay shacabka wax u reebaan, la tashadaan, una naxariistaan, ayna ogaadaan mas’uuliyadda saaran adduun iyo aakhiro in lagula xisaabtami doono. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa in ay u samraan xaaladda adag ee lagu jiro, dulqaad dheeri ahna la yimaadaan, walaalahooda Mujaahidiinta ahna ay u nasteexeeyaan haddii ay dareemaan wax qaldan, ayna la garab istaagaan hiil iyo hooba, si loo gaaro midnimo iyo horumar.


Wabillaahi Towfiiq


Afhayeenka Salaadiinta beelaha Daarood
ahna Ugaaska beesha Sade

Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur

----------------------------------------------------


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: