SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan loogaga hadlayey tartanka kubada cagta Eurosom oo Gothenburg Sweden ka dhacay

Xubnaha urrurka xagga ciyaaraha iyo dhaqanka u qaabilsan soomaalida Yurub ee Eurosom, ayaa shir balaaran oo maalin dhan qaatay waxaa ay ku yeesheen degmada Kungälv oo ku taala duleedka magaalada Gothenburg. Kasokow kulankan oo ahaa shir sanadeedkii Eursom ayaa hadana waxaa urrurada isboortiga soomaalida Gothenburg ee xubinta ka ah Eurosom ay uga warbixiyeen gudiga farasamada ee xagga ciyaaraha u qaabilsan, qaabka ay ku sanadkan 2009-ka ku martigelinayaan tartankan kubadda cagta soomaalida Yurub ay sanad walba ciyaaran xilliga xagaaga.

Aadam Maxamed Ibraahin Aadan Oor ahaa ciyaaryahan kubadda cagta ciyaari jiray xilligii ay nabada kana tirsan bahda Eurosom ee Sweden ayaa sharaxaad uga bixiyey gudiga hoyga seexan lahaayeen ciyaartooyeda iyo garoomaddii loogu talagalay iney ku ciyaaraan. Sidoo kale C/laahi Jowhar oo isnaha ka mid ah taageerayaasha ciyaaraha Eurosom iyo guud ahaanba isboortiga soomaaliyeed, islamarkaasina ah macalin wax ka dhiga iskuulada Gothenburg, ayaa laftiisa martisharafta Eurosom ugu warbixiyey taariikhda qotada dheer ee magaalada Gothenburg, halkaasoo gudigii ka qeybgalayey ay si 'aad ah ugu riyaaqiin.

Dhinaca kale xubnaha iyo ciyaartooyda ayaa waxaa halkaasi markale ku doortay Maxamed Diini oo horey u ahaa gudoomiyaha Eurosom in markale uu noqdo isla gudoomiyaha urrurkaasi, halka Maxamed Lolow iyo Maxamuud Nuur ay iyagana dib loogu doortay jagooyinkoodi oo ahaa xoghayaha iyo qasnajiga Eurosom.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Duraan Axmed Faarax oo ah gudoomiye ku xigeenka Olombikada Soomaaliyeed iyo C/laahi Tarabi oo isagana ah xoghayaha guud ee GOS. Tarabi waxaa uu sharaxaad dheer ka bixiyey qaabkii ay ku dhacday doorashadii GOS ee dhawaan lugu qabtay dalka Jabuuti iyo dowrka weyn ee muuqda ee Eursom ku yeelatay, islamarkaasina noqotay ururka isboortiga keliya ee qaarada Yurub ka socda oo dooroshooyinkaasi si rasmi ah uga qeybgala.

Ugu dambeytiina waxaa halkaasi qori tuur loogu sameeyey kooxaha sagaal koox ka kooban ee ciyaaraha xagaaga sanadka 2009-ka ee Gothenburg Sweden ka qeybgalaya, waxaana ay iskugu soo aadeen sidatan. Gothenburg,Kanava,Waberi iyo Bermingham. Halka ay iyagana is aragooda uu noqday kooxaha kale. Al-hijra,Sakao Norwey,Kik iyo Leicester.


Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: