SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAR-SAXAFADEED :

Kulamo Nairobi uga socda Madaxweynaha Puntland


17 April 2009

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay uga socdaan kulamo tiro badan.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Safiirka Dowlada Italy u qaabilsan wadanka Somalia Mr. Stefano Dejak [April 16, 2009] iyadoo kulankaasi uu ka dhacay Hotel Panari oo ay ku soo degeen Wafdiga Puntland maalintii Arbaco.

Safiirka Italy ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrimo tiro badan oo ay ka mid yihiin xiriir wanaaga iyo xoojinta amaanka iyadoo weliba uu Safiirka Dowlada Italy si gaar ah uga codsaday Madaxweynaha Puntland inuu kaalin ka qaato soo deynta markab lagu qafaashay xeebta degaanka Laas Qoray.

Kulankaasi ka dib ayaa Madaxweynaha wuxuu qado sharaf la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Mr. Ahmedou Ould-Abdallah iyadoo kulankaasi ku dhamaaday jawi qurux badan.

Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa safarkiisii hore uu ku tagay Dalka Djibouti kulan rasmi ah la yeeshay Mr. Ould-Abdallah iyagoo ka wada hadlay arrimo badan sida Nidaamka Federaalka oo ay ku dhisan tahay siyaasada Maamulka Puntland waxaana kulankii Nairobi ahaa qado iyo salaan sharaf.



Intaasi ka dib ayaa Madaxweynaha Puntland kulan rasmi ah la yeeshay Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Nairobi Mr. Michael Renneberger iyo qaar ka mid ah shaqaalahiisa maalintii Khamiis.

Kulankaasi oo ka dhacay guriga Safiirka ka dagan yahay magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Mr. Farax Adan Dhalac iyo Wasiiru-dowlaha Dimuqraadiyanta Dr. Cabdi Xasan Jimcale.

Kulankii Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Maraykanka ayaa laga hadlay arrimo tiro badan oo ay ka mid yihiin ka hortaga burcad-badeedka, hor’umarinta dowlad-wanaaga iyo dimuqraadiyaynta, balaarinta iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo Maraykanka, hormarinta xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dowlada Federaalka iyo arrimo kale.

Wasiirka Qorsheynta Puntland ayaa sheegay in kulankaasi ku dhacay jawi wanaagsan kuna dhamaaday isfaham guud ee u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo intii uu yimid magaalada Nairobi ka qeybqaatay kulamo tiro badan oo is dabo jooga iyadoo la filaayo inuu dhawaan la kulmo Jaaliyadaha Reer Puntland iyo Reer Jubbaland ee ku nool magaalada Nairobi.

Xafiiska Madaxweynaha
Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
April 17, 2009

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: