Shareecada
Xukuumad Ku Sheega:
Bad Iyo
Bariba Waa Beec!
WQ:
Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
بسم الله الرّحمن
الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
والصّلاة
والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين
ٍلكُلِّ غَاْدِرٍ
لِوَآءً يَوْمَ الْقِيَاْمَةِ يُرْفَعُ َلهُ بِقَدْرِ غَدْرَتِهِ
ألا وَلا
غَاْدِرَ أَعْظَمُ غَدْراً مِنْ أَمِيْرِ الْعَاْمَّةِ / رواه مسلم.
Khaain kastaa
wuxuu leeyahay calan / lagu muujiyo intuu wax khiyaamay / maalinta
khiyaamaha waxaana kor loogu qaadaa / calankaasi / hadba intay laeg
tahay khiyaanadiisa, war ogaada majiro khaainnimo kawayn hadduu wax
khiyaano madaxwaynaha guud / ee ummadi leedahay.
تَمَخَضَتِ
الْجَبَلُ فَوَلَدَتْ فَأراً
Buur baa
foolatay waxayna dhashay Jiir
Waxaa
muddooyinkan danbe noqotay arin iska caadi ah qof walba oo xukun-doon ah
inuu shicaar ama astaan ka dhigto waxaan dalka ku xukumayaa shareecada
islaamka si uu kalsooni uu uga helo shacabka.
Haddii uu ogaan
lahaa in shacabku aan la marsiin Karin wax aan shareecada islaamka oo
barax la’ ka ahayn, lama soo shir tageen shareeco islaam baan wadaa ee
daaguudka uu doonayo inuu wax ku xukumo ayuu caddaysan lahaa. Hallagu
raaco ama hallagu diido sida kuwii ka horeeyayba ay u caddaysteen
dagaalka ay kula jireen islaamka.
Balse kolkii ay
u caddaatay in shacabkani badankii uu yahay shacab ay qabyaaladi
dillootay diin, dad iyo dalna aan dan ka lahayn marka loo bar-bar dhigo
qabiilka oo qofka soomaaliga ahi reerkiisu gar iyo gar daraba uu is
garab taago waana sida hadda saaxada taala ee ah: Horay U Soco Wax
Kuu Sacbiyaa Waayi Meyside! Waana sidii ay ahaan jireen
carabta xilligii jaahiliyadda oo ay ku gabyi jireen:
وَهَلْ أَنَاْ
إلا مِنْ غَزِيَّةَ إِنْ غَوَتْ غَوَيْتُ وَإِنْ تَرْشَدْغَزِيَّة
ُأرْشُدِ
Anigu reer
Gaziya uun baan ahay haddii ay baadiyawdo waan la baadiyoobi haddii ay
Gaziya hanuuntana waan la hanuuni.
Waxa kaloo
gabayadoodii jaahilliga kamid ahaa:
إِذَاْ لَمْ
أَنْصُرْ أَخِيْ حِيْنَ يَظْلِمُ فَمَاْ أَنَاْ بِنَاْصِرٍ لَهُ حِيْنَ
يُظْلمِ
Haddii aanan
uhiilin walaalkay kolkuu gardaran yahay
Maxaan kaga
hiillin kolka laga gardaranyahay.
Kol haddii ay
caqliyaddii shacabku intaa aysan ka badnayn waxaa u sahlanaatay waxa
xukuumad lagu sheegay inay yaraysato caqliyadda shacabka.
Waxaan shaki
lahayn in xukuumad ku sheegtani ay qaadatay kaartadii fircoon taas oo
ahayd kolkii uu fircoon LC uu caqliyaddooda iyo sida ay u fekerayaan
reer maser uu dersay inay yihiin fasaqo iyo fajaro baa u suurto gelisay
inuu yaraysto uuna kasoo qaado wax aan qiimo lahayn kadibna uu
dullaystay ilaa markii danbe uu sheegto ilaahnimo iyagoo soo taagan.
Waana middii uu
Alle SW uu inoogaga waramay sababta u suurto gelisay inuu fircoon uu
dullaysto qowmkiisa. Wuxuuna Alle SW uu yiri:
فَاسْتَخَفَّ
قَوْمَهُ فَأَطَاْعُوْهُ إنَّهُمْ كَاْنُواْ قَوْماً فَاْسِقِيْنَ
الزخرف / 54
Wuu yaratstay /
Fircoon / qowmkiisii wayna adeeceen / sababtoo ah / waxay ahaayeen qolo
faasiqiin ah).
Wuxuu yiri
Al-Imaam Ibni-Kathiir RC Tafsiirka Aayadan:
اسْتَخَفَّ
عُقُوْلَهُمْ فَدَعَاْهُمْ إلَى الضَّلالَةِ فَاسْتَجَاْبُواْ لَهُ : /
إنَّهُمْ كَاْنُواْ قَوْماً فَاسِقِيْنَ /
Maskaxduu ka
qabsaday ( Fircoon oo wuxuu hantiyay garaadkoodii) kolkaa buu ugu
yeeray baadil kadibna way aqbaleen [sababtuna waxay ahayd] [iyagaa
kolkii hereba ahaa qolo faasiqiin ah].
Sh C/Raxmaan Bin
Naasir Al-Sacdi RC ayaa isaguna wuxuu ku fasiray Aayadan iyadoo kooban
وَلَكِنْ
فِرْعَوْنُ لَقِيَ مَلأ ًلا عُقُوْلَ عِنْدَهُمْ فَمَهْمَاْ قَاْلَ
اتَّبَعُوْهُ مِنْ حَقٍّ وَبَاْطِلٍ / إِنَّهُمْ كَاْنُواْ قَوْماً
فَاْسِقِيْنَ / فَبِسَبَبِ فِسْقِهِمْ قَيَّضَ لَهُمْ فِرْعَوْنُ يُزَيِّنُ
لَهُمْ الشِّرْ كَ وَالْشّر.
Hase ahaatee
fircoon wuxuu la kulmay koox aan caqli bartii lahayn, oo wax kasta uu
yiraahdaba way ku raaceen, xaq iyo baadilba sababtoo ah waxay ahaayeen
qolo faasiqiin ah. Fisqigoodii dartii ayuu gacanta ku dhigay fircoon
isagoo u qurxinaya shirki iyo shar / gaalnimo iyo dhib /.
Sidaa darteed
inta soomaali qabyaalad ay faraqa ku wadato haddii aan Alle SW uusan
faraj kale keenin dulli iyo dan daro waa lama huraan.
Sideedaba
haddii heshiis la gelaayo waa inuu yahay mid waafaqsan shareecada
islaamka siduu Rasuulku SCWW uu yiri:
الصُّلْحُ
جَاْئِزٌ بَيْنَ الْمُسْلِمِيْنَ إلا صُلْحاً أَحَلَّ حَرَاْماً أَوْ
حَرَّمَ حَلالا .
رواه أحمد وأبوا
داود/ صحيح / صحيح الجامع / 3862
Heshiisku wuu
bannaan yahay muslimiinta dhexdooda oo aan ka ahayn heshiis xalaaleeya
wax xaaraan ah ama xaaraantinimeeya wax xalaal ah.
Wuxuu kale uu Rasuulku SCWW uu
yiri:
كُلُّ شَرْطٍ
لَيْسَ فِيْ كِتَاْبِ الله ِتَعِاْلَى فَهُوَ بَاْطِلٌ وَإِنْ كَاْنَ
مِأَةَ شَرْطٍ / متّفق عليه.
Shardi kasta oo
aan laga helin kitaabka Alle waa uu buray / oo waa baadil oo waa wax ka
jiraan / haba ahaado boqol shardi.
Waxaase nasiib
daro ah in dadka heshiisyada galaya ama hogaamiye lagu sheego
badankood aysan diin waxba ka garanaynin. Waana midda uu Rasuulku SCWW
uu kasii waramay umadda aakhira-zamaanka waxa hogaamin doono inay ahaan
doonaan kuwo wax ma garato ah. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:
(سَيَأْتِيْ
عَلَي النَّاْسِ سَنَوَاْتٌ خَدَّاْعَاْتٌ، يُصَدّقُ فِيْهَاْ الْكَاْذِبُ،
وَيُكَذَّبُ فِيْهَاْ الصَّاْدِق،ُ وَيُؤْتَمَنُ فِيْهَاْ الْخَاْئِنُ،
وَيُخَوَّنُ فِيْهَاْ الأمٍيْنَ، وَيَنْطِق فِيْهَاْ الرُّوَيْبِضَةُ،
قِيْل وَمَنْ َ
الرُّوَيْبِضَةُ؟ قَاْلَ الرَّجُلُ التَّاْفِهِ يَتَكَلَّمُ فِيْ أَمْرِ
الْعَاْمَّةِ
. رواه أحمد وابن
ماجه / صحيح / الصحيحة / 1888
وَفِيْ
رِوَاْيَةٍ الْفُوَيْسِقُ يَتَكَلَّمُ فِيْ أ!مْرٍ الْعَاْمَّةِ.
وقال الشَّيخ
محمَد ناصِرالدِّين الألبانيّ رحمه الله في هذه الرّواية الأخيرة: رواه
أحمد ورجاله ثقات لولا عنعنة ابن إسحاق.
[Waxaa dadka u
iman doona sanado is dabo maris ah (oo mardabad badan) waxaa la
rumeystaa beenlowga, waxaana (warkiisa) la beeniyaa runlowga, waxaa la
aaminaa khaa’inka, waxaa khaa’in loogu yeeraa amiinkii (amaanada ku
fiicnaa) waxaana u hadla (oo gartooda gooya) Arruweydiyah]. Waxaa la
weydiiyay Rasuulka SCWW waa maxay Al-Ruweydiyah, wuxuuna rasuulka SCWW
uu yiri: Waa qofka aan qiimaha lahayn oo ka hadlaaya arrimaha
dadwaynaha. Warin kale ayaa waxay leedahay:(waa faasiq yare oo kahadlaya
arimaha dadwaynaha).
Aaway
ciidamadii gaalada wadanka waan ka saaraynaa la lahaa, iyadoo hadda kuwo
dheeraad ahna soo galeen qaar kalena la sugayo. Midda aad shareeco u
taqaanaanna sow tan ma aha oo idiin xalaalaysay inaad suuq gaysaan
baddii ballaarnayd. Haddii aad shareecada ka run sheegaysaan idinka iska
bilaaba oo culimadu ha idiin xukunto kolkaa baad arki lahaydeen
shareecada aad dadka u sheegtaan iyo shareecada Alle SW ee culimadu
dadka u sheegto inay labo kala yihiin.
La yaabse maleh
inaan maqalno baddii baa la suuq geeyay maadaama horay dad iyo dhulba
loo iib geeyay. Waxaase la yaab leh qolooyinkii hore ee wax iib gayn
jiray waxay ahaayeen rag maafiya ah oo layaqaan soomaliduna ay u
bixisay: Mooryaan Jirri Iyo Dad-Day. Magacyadii kale ee loo bixiyay
waxaa kamid ahaa: Ashahaado La Dirir IWM, kadibna iyagoo magac dowladeed
huwan baa taangiyadii tigreega lagu soo galbiyay si ay u ansixiyaan inay
lagama maarmaan tahay in ay itoobya hoos tagaan loogana taliyo taasina
alle SW ayaan qadarin. Middanise waxay kaga duwan tahay waxay huwan
yihiin magac diimeed.
Waxaase nasiib
daro ah in khaladka intaa la’eg ee ah boobka hantida muslimiinta uu
difaaco nin aabihii allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke oo
ahaa nin aad u degan kolka ay dhabtu gaartana aan runta ka war wareegin.
Sida ay igaga warameen qaar kamid ahaa raggii macalimiinta ka ahaan
jiray kulliyaddii lafoole mar uu doonay maraykanku inay ka saaraan
kulliyaddii lafoole manaahijta carabiga iyo mawaadda kale ee ku
tacaluqda diinta ayay waxay warqad hoosta uga direen Allaha u
naxariistee C/di Rshiid Cali Sharmaarke oo xilligaa ahaa madaxwaynihii
soomaliya, warqadaa oo ay uga cabanayeen fara gelinta tooska ah ee
arimaha diinta ee maraykanku ku hayo kulliyadda. Kolkii ay warqaddii
gaartay ayuu madaxwaynuhu intuu aad u carooday buu yiri:
Goormuu maraykan diinteena
wakiil inooga noqday.
Kadibna hawshii halkaa bay ku dhammatay.
Waxaa hubaal ah
in raggaasi wallow jahli badan oo xagga diinta ah haysatay haddana
shacabka ayay matali jireen, kuwanise isticmaarka ayay matalaan oo
shacabka u afduubaan. Sidaa darteed nimankani wadaado ma aha ee yaan
lagu sirmin waana kuwii uu Rasuulku SCWW uu kasii waramay:
دُعَاْةٌ
عَلََى أَبْوَاْبِ جَهَنَّمَ، مَنْ أَجَاْبَهُمْ إِلَيْهَاْ قَذَفُوْهُ
فِيْهَاْ
Waa ducaad dadka
ugu yeeraaya Naarta / jahannama, qofkii ajiibaa / oo warkooda yeelaana /
way ku dhex tuuraan.
xudayfa RC
kolkuu waydiiyay tilmaamahoodana Rasuulku SCWW wuxuu yiri:
هُمْ مِنْ
جِلْدَتِنَاْ وَيَتَكَلَّمُوْنَ بِأَلْسِنَتِنَاْ / متّفق عليه
Waa kuwo inaga
dhashay kuna hadla luqadeenana
Heshiisyada ay galayaan oo ay
hantida muslimiinta ay cadawga u saxiixayaanna horay buu Rasuulku SCWW
uu inoogaga waramay. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:
سَتَكُوْنُ
مَعَاْدِنُ يَحْضُرُهَاْ شِرَاْرُ النَّاسِ / رواه أحمد/ صحيح
Waxaa jiri doonta macaadin ay
soo saari doonaan dadka kuwa ugu sharka badan.
Sh M
Naasir-Diin Al-Albaani RC wuxuu ku yiri Saxiixadiisa isagoo
faahfaahin ka bixinaya xadiiskan:
وَمِمَّاْ لا
شَكَّ فِيْهِ أَنَّ شِرَاْرَ النَّّاْسِ إِنَّمَاْ هُمْ الْكُفَّْاْرُ،
فَهُوَ يُشِيْرُ إِلَى مَاابْتُلِيَ بِهِ الْمُسْلِمُوْنَ الْيَوْمَ مِنْ
جَلْبِهِمْ لِلأوربِيِّْينَ والأمْريْكَاْنَ إلا بِلادِهِمُ
الْعَرَبِيَّةِ، لإسْتِخْرَاْجِ مَعَاْدِنَهَاْ وَخَيْرَاِتَهَاْ. وَالله
ُالْمثسْتَعَاْنُ.
Waxaan shaki lahayn inay
kuwaasu yihiin gaalada, Rasuulkuna RC
wuxuu tilmaamayaa waxa lagu
ibtileeyay muslimiinta maanta joogta taasoo ah inay keenaan Yurubta iyo
Ameerikaba buldaantooda Carbeed, si ay ula soo baxaan macaadintooda iyo
khayraadkooda Allaah baana ah mid lamagan galo.
Gebagebada waxaan leeyahay
mas’ladani ma aha mid ay masiirkeeda ay u taalo dad wax ma garato ah oo
iyagu diin ku tumashadeed aan waxba u arag ee waxay u taalaa qof kasta
oo damiirkiisu uu u damqanayo diintiisa maxaa yeelay in gaalo dhul
islaam loo gacan geliyaa waa gaalnimo iyo diin kabax sidaan horay aan
ugu soo koobay kitaabkii aan ku magacaabay:
يَاْجَاْلِبَ
الْكُفَّاْر ِكَفَرْتَ
Gaalo Soo
Geliyow
Waad
Gaalowday
وبالله التّوفيق
وصلّى الله
وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.
Cali Daahir | mohiyadin@hotmail.com