SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Taliyaha Asluubta Maamul Gobleedka Puntland Co,Cali Nuur Cumar oo ka Waramay isbedelka looga Fadhiyo Xaalada Xabsiyada PL


Taliyaha Asluubta Maamul Gobleedka Puntland Co,Cali Nuur Cumar oo ka Waramay isbedelka looga Fadhiyo Xaalada Xabsiyada PL
Iyadoo ay tiro aad u badan oo dad ah ku xirantahay xabsigada Magaalada Bosaso isla markaasina ay Noloshoodu tahay mid aad u liidata ayaa markii u horeysey waxaa arintaasi ka hadlay Taliyaha ciidanka asluubta Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland Co. Cali Nuur Cumar.

Taliyaha Asluubta Ciidanka maamulka Puntland Waxaa uu sheegay in dadka xidhan xabsiyada Magaalada Bosaso lakala fudaydinyo madaama aysan dadka qaarkood lahayn denbiyo ay ku mutaan ciqaabcaynkan oo kale ah.

Taliyaha ciidanka asluubta Co,Cali Nuur Cumar Waxa uu shaaca ka qaaday in la loo baahan yahy in ciidamada xabsiyada ay qof xidhan ula macaamilaan qaab waafaqsan nidaamka xabsiyada caalamka ee aan loo baahnayn in la caburiyo ama loo caga juglayo nin maxbuus ah oo xabsi ku jira,taas oo hore u dhici jirtey ayuu tiliyuhu ku tilmaamay inay tahay mid aan dib u dhacayn oo laga taxadarayo madaama isbedelo la taaban karo ay ka dheceen Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland.

Taliyaha ciidanka Asluubta waxa uu sheegay in marwalaba ay ka musuul ahaan booqashooyin kal duwan ay ku samayn donaan xabsiyada Magaalada Bosaaso ku waasi oo ay ugu kuur galayaan xaalada dadka ku cadilan iyo waxa ay kala yihiin denbiyada ay ku xidhan yihin waxana uu intaasi sii raaciyey in Xabsiyada Magaalada Bosaaso iyo Guud ahaan Mamul Goboledka Puntlandba aan la arki doonin in 24Saac uu qof aan denbigiisa Maxkamada la hor dhigin uu ku sii xidhnaandoono.

Maxamed Axmed Ciise
Bosaaso-Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: